SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI
"SACIID BINU CAAMIR WAA NIN
AAKHIRADA KA DOORTAY ADDUUNYADA,
WUXUUNA ALLE IYO RASUULKIISA KA
DOORTAY WIXII IYAGA KA SOO HARAY"
(10)
SACIID OO AAN ISLAAMIN:
Wiilkii dhalinyarada ahaa ee
la oran jiray Saciid Binu Caamir
Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa
kumanaankii kun ee yimid degmada
Tanciim ee ku taallay agagaarka
magaalada Makka, si ay u
ajiibaan yeeristii ay u yeereen
madaxdii Qureysh, iyo weliba si
ay u daawadaan toogashadii ama
dilkii saxaabiga la yiraahdo
Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo
ka mid ahaa asxaabtii Nebi
Muxammad (scw) ka dib markii
gaaladii qureysh ay ku
guuleysteen inay soo qabtaan/qafaashaan
Khubeyb.
Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi
Ilaah ka raalli noqdee waxay u
suurto galisay
dhalinyaranimadiisii inuu arko
kii ay qafaasheen gaaladii
Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo
weliba gacmaha iyo lugaha ka
xir-xiran, iyadoo weliba
dumarkii, caruurtii iyo
odayaashiina ay u fafakanayaan
oo u baxsanayaan si ay uga
aar-goostaan Khubeyb dadkoodii
lagaga laayey dagaalkii Badr.
Dadkii faraha badnaa markii
ay isugu yimaadeen goobtii lagu
tooganayay Khubeyb Binu Caddiyyi
ayaa Saciid Binu Caamir
Al-Jumaxi u diyaargaroobay sidii
uu arki lahaa Khubeyb, markaas
iyada ahna Khubeyb loo wado
tiirka toogashada. Saciid wuxuu
Khubeyb ka maqlay hadal uu si
hoos ahaan ugu yiri gaaladii
tooganaysay, hadalkaasina wuxuu
ahaa: "haddaad doontaan ii
oggolaada si aan u tukado labo
rakcadood kahor intaydan i
dilin". Waa loo ogolaaday.
Saciid ayaa wuxuu eegay
salaaddii Khubeyb, isagoo u
jeestay kacbada si uu u tukado
labo rakcadood. Saciid oo aad u
jeclaystay salaadihii Khubeyb
ayaa wuxuu yiri: "alla yaa ka
qurux badnaa, alla yaa ka
dhammeystir badnaa labadaasi
rakcadood" Khubeyb Binu Caddiyyi
kolkuu salaaddii dhammeeyay ayaa
wuxuu gaaladii ku yiri:
"wallaahi haddaanan ka
cabsanaynin inaad u qaadataan
inaan salaadda u dheereeyay
cabsida aan ka cabsanayo geeri
awgeed, waxaan dheereen lahaa
salaadda".
Saciid Binu Caamir wuxuu
joogay dilkii Khubeyb iyo sidii
sida aan naxariista laheyn
jirkiisa loo googooyay,
markaasna gaalada ay Khubeyb ku
leeyihiin: "ma jeceshahay in
silican oo kale lagu sameeyo
Muxammad, adigana markaas aad
nabad gesho", uuna lahaa Khubeyb
isagoo dhiig baxaya hadalkan:
"wallaahi ma jecli inaan noqdo
qof nabad qaba, Nebi Muxammadna
ay muddo qodax". Dadkii yimid
goobtii toogashada ee gaalada
ahaa ayaa si kor ahaan u
dhawaaqayay, iyagoo lahaa:
"dila.., dila.."
Saciid Binu Cumar wuxuu si
naxariis ay ku jirto u eegey
Khubeyb oo markaas indhihiisa
kor ugu qaadaya xagga cirka,
isagoo habaaraya gaaladii sidan
u silcisay, wuxuuna lahaa:
"Ilaahoow dhammaantood ciribtir,
mid-midna u laay oo cid iyaga ka
mid ahi ha ka tegin". Wax yar
dabadeedna wuu naf baxay oo wuu
dhintay, iyadoo uusan qof tirin
kara dhaawacyadii soo gaarey
Khubeyb uusan jirin.
SACIID OO SAAMEYSAY DILKII
KHUBEYB:
Gaaladii Qureysh waxay u soo
laabteen guryahoodii, wayna iska
iloobeen dilkii iyo toogashadii
soo gaarey Khubeyb. Hase ahaatee
Saciid Binu Caamir dhalinyarana
ahaa (xilligaas aan qaangaarin)
marnaba xiskiisa kama maqnaanin
wixii Khubeyb soo gaaray
maalintaas. Wuxuu ku arki jiray
hurddada (riyada) hadduu seexdo,
dhinaca kalena wuu ka fekeri
jiray hadduu soo jeedo. Waxaa
hortiisa iman jiray isagoo
Khubeyb tukanaya tiirka hortiisa
labadii rakcadood ee
xasilloonida iyo degganaanshaha
wadatey, wuxuuna maqlayay
hadalkiisii dabancsanaa ee uu ku
habaarayay gaaladii Qureysh.
Saciid wuxuu markasta ka cabsan
jiray in kuwii laayey Khubeyb ay
xagga cirka kaga timaaddo ciqaab
weyn, amaba lagaga soo rido
xagga cirka dhagax weyn.
Xilligaas iyada ahayd Saciid ma
uusan islaamin.
Allaha u naxariistee Khubeyb
wuxuu Saciid baray wax uusan
aqoonin hadda ka hor. Wuxuu
baray in nolosha dhabta ahi ay
tahay caqiido iyo jihaad lagu
gaaro waddada caqiidada ilaa ay
geerida ka timaaddo. Sidoo kale
wuxuu Khubeyb baray Saciid in
iimaanka xeesha dheer uu sameeyo
falal iyo mucjisooyin la yaab
leh. Wuxuu baray arrin kale, oo
ah in Nebiga (scw) ay jecel
yihiin asxaabtiisa uu yahay Nebi
laga taageersan yahay xagga
samada.
ISLAAMIDDII SACIID BINU
CAAMIR AL-JUMAXI:
Markey arrintu halkaas
mareyso wuxuu Ilaah (sw) u
waasiciyay laabta Saciid
Islaamka. Maalin maalmaha ka mid
ah ayaa wuxuu Saciid ka dhex
istaagey dad aad u fara badan
dhexdooda, isagoo dadkii
ogeysiiyay inuu barri ka yahay
denbiyadii ay sameeyeen gaaladii
qureysh, dhinaca kalena uu ka
baxay cibaadadii asnaamta iyo in
uu soo galay diinta Islaamka.
Saciid Binu Caamir wuxuu u
haajiray magaalada Madiina,
isagoo wixii intaa ka danbeeyay
laasimay la joogista Rasuulka
(scw), wuxuuna isagoo Rasuulka
(scw) la socda ka qayb galay
duulimaadkii Kheybar iyo wixii
ka danbeeyay.
Markii Nebiga (scw) la
oofsaday oo uu dhintay, Saciid
Binu Caamir waxa uu noqday sida
seef galka ka baxday oo ay
adeegsadaan labada khulafo ee
Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid
wuxuu noqday tusaale laga
shidaal qaato, sida isagoo looga
tusaale qaato mu’minkii
adduunyadiisa aakhiro ku
iibsaday, wuxuuna raalli
ahaanshaha iyo abaal-marka Eebbe
(sw) ka doortay dhammaan wixii
ay naftu jeclayd oo shahawaad
ah.
ASXAABTA SI GOONNI AH
AYEEY U QADDARIN JIREEN SACIID:
Dhammaan asxaabta Nebiga
(scw) waxay ogaayeen cabsida iyo
iimaanka xeesha dheer ee Saciid,
sidaa darteed si aad ah ayeey u
qaddarin jireen markasta Saciid.
Tusaale haddaan u soo qaadanno,
Abuubakar iyo Cumar labadooduba
Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay
ogaayeen inuu Saciid ku sifoobay
astaamaha runta iyo cabsida
Alle, markastana waxay maqli
jireen nasteexada iyo waanada uu
u soo jeediyo iyaga.
Maalin maalamaha ka mid ah
ayaa waxaa Cumar Binu Khaddaab u
soo galay Saciid Binu Caamir,
waxayna ahayd xilligii billowga
khilaafada Cumar. Saciid wuxuu
Cumar ku yiri: "Cumaroow waxaan
kuu dardaarmayaa inaad Alle uga
cabsatid dadka, dadkana aadan
Alle uga cabsan, inuusan
is-khilaafin ficilkaaga iyo
hadalkaaga, hadalka waxaa ugu
kheyr badan kan ficilka
rumeeyo.. Cumaroow indhaha ku
hay muslimiinta uu Alle madaxda
kaaga dhigay, kooda dhow iyo
kooda fogba, waxaad iyaga la
jeclaataa waxaad naftaada iyo
reerkaaga la jeceshahay, waxaad
iyaga la necbaataa waxa aad
naftaada iyo reerkaaga la
necebtahay, xaqa gaarsiintiisa
waxaad u jirsataa buur kasta,
Ilaahna cidna ha uga cabsan".
Cumar baa wuxuu Saciid ku
yiri: "Saciidoow yaa awoodi
kara". Saciid ayaa wuxuu yiri:
"waxaa awoodi kara nin adigoo
kale ah oo uu Alle u dhiibay
umuurta ummadda Nebi Muxammad
(scw). Intaas ka dib, wuxuu
Cumar Binu Khaddaab ugu yeeray
Saciid inuu maamulkiisa wax uga
dhiibo, wuxuuna yiri: "Saciidoow
waxaan kuu dhiibaynaa maamulka
gobolka Ximsa". Saciid ayaa u
celiyay: "Ilaah baan kugu
dhaariyaye inaadan i fidnayn".
Cumar ayaa carooday, wuxuuna
yiri: "intaad mas’uuliyaddan
qoorteeda saarteen ayaa ka dib
iigaga cararaysaan!!, wallaahi
ku dhaafi maayo".
SACIID OO KA MID NOQDAY
GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA DOWLADDA
CUMAR:
Wixii intaa ka danbeeyay
Saciid Binu Caamir waxaa madax
looga dhigay magaalada Ximsa.
Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri:
"miyaanan musha-haro kuu
qoraynin". Saciid ayaa ugu
jawaabay: "maxaan ku sameenayaa
amiirkii mu’miniintoow, maxaa
yeelay waxaa iga badan lacagta
aan ka qaato baytul-maalka".
Sidiina ayuu Saciid ugu safray
magaalada Ximsa.
WAANA AMIIR, WAANA
FAQIIR!:
Muddo yar markay ka soo
wareegatay muddadii uu Saciid
xilka qabtay, ayaa waxaa
amiirkii mu’miniintii ee Cumar
Binu Khaddaab uga soo wafdiyay
magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo
ka mid ah kuwo uu Cumar ku
kalsoonaa. Cumar Binu Khaddaab
wuxuu wafdigiii ka codsaday inay
u soo gudbiyaan liiska fuqurada
ee deggan magaalada Ximsa.
Wafdigii waxay Cumar u
gudbiyeen liiskii ay ku
qornaayeen fuqurada/masaakiinta
reer Ximsa. Dadkii masaakiinta
ahaa waxaaba ku jira Saciid Binu
Caamir Al-Jumaxi oo ah duqa
magaalada Ximsa.
Cumar ayaa wafdigii weydiiyay
cidda uu yahay Saciid Binu
Caamir, waxayna ugu jawaabeen:
"waa amiirkeena!". Cumar ayaa
markale wuxuu weydiiyay
su’aashan: "amiirkiinu ma faqiir
baa?!". Waxay ku jawaabeen:
"haa", waxayna intaa raaciyeen
in ay soo marto maalmo fara
badan, iyadoo aan gurigiisa dab
laga shidin!. Cumar ayaa aad uga
fajacay arrintaasi, wuuna ooyay
jeer ay ilmadii ka da’aysay ay
ka qoysay garkiisa. Cumar wuxuu
wafdigii u dhiibay lacag
gaaraysa 1000 diinaar, wuxuuna
lacagtii ku riday kiish, isagoo
wafdigii ku yiri: "marka hore
igu salaama Saciid, waxaadna ku
tiraahdaan amiirkii mu’miniintii
ayaa lacagtan kuu soo dhiibay si
aad ugu kaalmeysato danahaaga
khaaska ah".
REERO ADDUUNYO MA AHAYN:
Wafdigii waxay yimaadeen
magaaladii Ximsa, waxayna u
tageen Saciid, iyagoo ku
wareejiyeen kiishkii ay ku
jirtay lacagta. Saciid markuu
arkay lacagtii wuxuu bilaabay
inuu iska fogeeyo, isagoo
oranayay: "Innaa Lillaahi Wa
innaa Ileyhi Raajicuun, sida
inay musiibo ku dhacday oo kale.
Afadii Saciid ayaa soo
boodday kolkay maqashay Saciid,
waxayna ku tiri: "maxaa kugu
dhacay Saciid?!, ma amiirkii
mu’miniintii ayaa dhintay?!".
Saciid ayaa ugu jawaabay: "maya
ee waxaa dhacay wax taa ka
weyn". Waxay tiri: "ma
muslimiintii ayaa dhibaato ku
dhacday?!. Wuxuu yiri: "maya ee
wax ka weyn taas ayaa dhacday".
Waxay tiri: "maxaa taas ka
weyn?!". Saciid ayaa yiri:
"adduunyadii ayaa ii soo gashay,
si ay u fasahaadiso
aakhiradeyda, fidnadiina waxay
degtay gurigayaga". Xaaskii
Saciid iyadoo aanan fahmin
hadalka Saciid ayaa waxay iska
tiri: "isaga takhallus haddaba".
Saciid ayaa weydiiyay afadiisa
su’aashan: "arrintan ma igu
kaalmaynaysaa?", waxayna ku
jawaabtay: "haa".
Saciid wuxuu qaaday lacagtii
oo dhan (kunkii diinaar ee uu
Cumar u soo diray), dabadeedna
wuxuu u qaybiyay masaakiinta
muslimiinta. Run ahaantiina
lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa
isaga, maxaa yeelay ma haysan
wakhtigaas arad iyo cunto ku
filan, hase ahaatee wuxuu
naftiisa ka doorbiday inuu
daboolo baahida fuqurada
muslimiinta iyo inuu iyaga la
jeclaado waxa uu naftiisa la
jecelyahay, si uu ugu sifoobo
aayaddii qur’aanka ahayd ee ka
hadlaysay arrintan.
MID KA MID AH
TUSAALOOYINKA CADDAALADDA CUMAR:
Wakhti badan kama soo
wareegan, jeer uu Cumar Binu
Khaddaab ku yimaado kormeer
magaalada Ximsa, isagoo doonaya
inuu wax ka ogaado xaaladda ay
ku sugan yihiin reer Ximsa.
(Arrintan waxay tusaale cad ka
bixinaysaa caddaaladda Cumar iyo
sidii uusan u kala saari jirin
madaxda iyo shacabka, waxaana
xaqiiqo ah in tusaalahani dunida
maanta aan lagu arag, laga soo
bilaabo madaxda iyo dowladaha
dunida Islaamka, ku xiji kuwa
iyaga sheegta caddaaladda iyo
sinnaanta waa reer
galbeedka’e.).
Markii uu yimid magaalada
Ximsa oo markii hore la oran
jiray: "Al-Kuweyfa" ayaa sidii
caadada u ahaydba wuxuu salaamay
reer Ximsa, isagoo su’aallo ka
weydiiyay umuurta amiirkooda
Saciid Binu Caamir oo ahaa
amiirka magaalada.
AFAR QODOB OO LAGU SOO
EEDEEYAY SACIID:
Dadkii waxay amiirkooda ku
soo eedeeyeen afar qodob oo ka
mid ah falalka uu sameeyo
Saciid, taasoo midba midda kale
ka daran tahay. Cumar wuxuu
isugu yeeray dadkii iyo
amiirkooda, wuxuuna Alle ka
baryay inuusan hoojin malihii
wanaagsanaa ee uu u hayey
Saciid, maxaa yeelay si aan xad
lahayn ayuu ugu kalsoonaa
Saciid. Cumar ayaa dadkii
weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan
amiirkooda, waxayna ku jawaabeen
sidatan:
"Nooma soo baxo ilaa ay
maalintu in badan ka tagto".
Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri:
"maxaad ka leedahay arrinkan?.
Saciid xooggaa ayuu aamusnaa,
markaasuu wuxuu yiri: "ma aanan
jeclayn inaan sheego sababta
keentay arrintan, haddase waa
lama huraan. Anniga ma lihi
adeege ama khaadim, sidaa
darteed subax kasta waxaan qasaa
cajiinta, muddo yar ayaan u
kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu
khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna
waan weeseestaa, markaasna ayaan
dadka u soo baxaa".
Cumar ayaa dadkii weydiiyay
waxa kale oo ay ku eedeenayaan
Saciid. Waxay yiraahdeen:
"habeenkii cidna uma jawaabo".
Cumar ayaa Saciid ku yiri:
"maxaad ka leedahay hadalkaas?".
Saciid wuxuu yiri, tanna ma
aanan jeclayn inaan sheego,
balse sababta aanan u soo bixin
habeenkii ayaa ah, iyadoo aan
maalintii siiyay iyaga (dadka),
habeenkiina aan Ilaahay siiyay.
Mar kale ayuu Cumar dadkii
weydiiyay: "maxaad kalood ka
sheeganaysaan". Waxay
yiraahdeen: "bishii maalin
ayuusan noo soo bixin". Cumar
ayaa Saciid weydiiyay sababta,
wuxuuna Saciid ugu jawaabay: "ma
lihi adeege amiirkii
mu’miniintoow, dharna waxaan ka
leeyahay lebiska aan qabo, sidaa
darteed bishiiba hal jeer ayaan
dhaqaa, waana sugaa ilaa inta uu
ka qalalo, markaas ka dibna
ayaan u soo baxaa".
Cumar ayaa dadkii ku yiri:
"maxaad kalood ka
sheeganaysaan?". Waxay
yiraahdeen: "mararka qaarkood
ayuu miyir beelaa". Saciid ayaa
wuxuu yiri: "waxaan goob joog
ahaa dilkii Khubeyb Binu
Caddiyyi annigoo mushrik (gaal)
ah. Waxaan arkay qureysh oo
googooneysa jirkii Khubeyb,
waxayna ku oranayeen markaas:
"ma jeceshahay inaad nabad
gasho, oo Nebi Muxammad (scw)
joogo booskaaga", wuxuuna ku
jawaabayay:"wallaahi ma jecli
inaan reerkayga dhexdooda aan ku
nabad qabo, Nebi Muxammad-na ay
muddo qodax", anniguna
markaan taas xasuusto dhacdadii
maalintaas iyo sidii aanan ugu
gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa
inuusan Alle (sw) ii denbi
dhaafaynin, markaasna ayaan
miyir beelaa".
Cumar Binu Khaddaab (rc) si
farxad leh ayuu ugu farxay
natiijadii dacwada, wuxuuna
yiri: "waxaa mahad iska leh
Allihii aanan hoojin malahayga",
ka dibna wuxuu Saciid Binu
Caamir u dhiibay 1000 diinar si
uu umuurihiisa gaarka ah ugu
kaalmaysto.
Afadii Saciid markii ay
aragtay lacagtii, ayaa waxay
tiri: "waxaa mahad iska leh
Allihii khidmadaada nagu deeqay,
ee waxaad noo soo iibisaa wixii
aan u baahnayn, noona soo ijaar
adeege noo shaqeeya". Saciid
wuxuu afadiisii ku yiri: "ma
doonaysaa wax taas kaaga kheyr
badan". Waxay tiri: "waa maxay".
Wuxuu yiri: "waxaan u
dhiibanaynaa cid aan ka soo
ceshan doonno goor aan aad ugu
baahannahay". Waxay tiri: "waa
kuma kaas". Saciid wuxuu yiri:
"waxaan amaahinaynaa Alle amaah
wanaagsan". Waxay tiri: "waa
runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga
abaaliyo".
Fadhigii uu Saciid fadhiyay
kamaba dhaqaaqin, jeer uu
lacagtii oo dhan ku guray
kiishash ama qariirado, wuxuuna
ku yiri mid ka mid ah ehelkiisa
isagoo lacagtii u qaybinayya
masaakiinta: "lacagtan waxaad u
geysaa reerkii agoonta ahaa..,
lacagtanna waxaad u geysaa
islaantii garoobta ahayd..,
lacagtanna waxaad u geysaa
masaakiintii ina hebel ahaa...
Ilaah ha ka raalli noqdee
Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi
wuxuu ka mid ahaa dadka naftooda
ka doorbida walaalahooda kale,
haba ugu baahi badnaato naftiisa
sheygaas. Ilaah waxaan ka
baryaynaa inuu u naxariisto
Saciid Binu Caamir, innagana ina
siiyo tusaalihiisii deeqsinimo,
cabsi iyo caddaaladeedba.
aamiin. |