Udub-dhexaadka Sheekada Salmaan Al-Faarisi waxay ku
soo wareeganaysaa sheekadiisii la xiriirtay waddooyinkii
iyo dhibaatooyinkii uu u soo maray diinta xaqa ah. Waa
sheekadii saxaabigii raad-raacayay xaqiiqada iyo diinta
xaqa ah.
|
wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo
sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi
. |
Sida aan gebeggabada sheekada Salmaan ku arki doonno,
wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii
uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi. Maalintii uu
Salmaan Al-Faarisi soo islaamayay, uuna sheekadiisa u
sheegay Rasuulka (scw), wuxuu markale Rasuulka (scw)
Salmaan ka codsaday inuu dib danbe sheekadiisa uga
sheekeeyo asxaabta. Marka qiimahaas iyo wanaaggaas
weyninka badan ayeey leedahay sheekada saxaabigan la
yiraahdo Salmaan Al-Faarisi.
Bal inta aanan meel kaleba aadin, aynu laf-ahaantiisa
u deyno sheekada si uu noogu warramo waxyaabihii uu la
kulmay kahor intuusan islaamin.
Salmaan isagoo ka warramaya sheekadiisa wuxuu yiri:
Waxaan ahaa wiil dhalinyaro ah, waxaan degganaa degmada
Jayyan ee gobolka Al-Isbihaan. Aabahay wuxuu ahaa
guddoomiyaha degmada, dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa
dadka deggan degmada kuwa ugu hantida badan uguna magac
dheer. Aabahay aad ayuu ii jeclaa. Jaceylkii uu sidaas
ii jeclaa ayaa waxaa maalintii danbe ay gaartay inuu igu
xabbiso guriga, sida gabdhahaba loogu hayo guryaha.
Waxaan ku dadaalay ku dhaqanka diinta majuusiyadda
(diinta la caabudo dabka ama qoraxda), jeer aan markii
danbe ku fiicnaaday hurinta dabkii la caabuday, waxaana
la ii xil-saaray inaan noqdo huriyaha dabka.
Aabahay wuxuu lahaa aseendo (beer) aad u weyn,
beertaas ayuuna aabahay aalaaba ka shaqeyn jiray. Mar
mararka ka mid ah ayaa wuxuu aabahay ka mashquulay
aadistii beerta, sidaa darteed ayaa wuxuu igu yiri:
”wiilkaygiyoow maanta waad aragtaa inaan ka mashquulay
aadista beerta, ee waxaad aaddaa beertii oo igala wareeg
maanta shaqadii beerta”. Waan tagey annigoo u jeeda
beerta.
Intii aan waddada socday ayaa waxaan waddada
dhexdeeda ku arkay kaniisad ka mid ah kaniisadaha ay ku
cibaadaystaan Nasaarada (kirishtaanka). Waxaa dhagahayga
soo gaaray dhawaaqoodii iyagoo cibaadaysanaya,
arrinkaasna wuxuu soo jiitay baraarugayga. Horey uma
aanan aqoonin diinta kirishtaanka, taasina waxaa ugu
wacnayd iyadoo uu aabahay uu igu xabisay guriga. Markii
aan maqlay codkoodii isla markiiba waan u galay bal si
aan u arko waxa ay sameenayaan. Markii aan aad u
raad-raacay waxa ay sameenayaan ayaa waxaan jeclaystay
salaadihii ay tukanayeen, diintoodiina waan jeclaystay
waxaana naftayda ku iri: ” wallaahi diintani ayaa ka
kheyr badan diinta aynu haysano, wallaahi ayaan ku
dhaartaye kama aanan soo tegin ilaa ay qoraxdii ka
dhacday oo sidaas ayaanan ku aadin beertii”.
|
Aabahay wuxuu igu xabbisay guriga isagoo labada
lugoodna iga dabray. |
Intaa dabadeed waxaan dadkii weydiiyay, meesha iyo
xarunta ay ka soo jeeddo diintan, waxayna iigu jawaabeen
dhulka Shaam. Habeenkii markii la gaaray ayaa waxaan ku
noqday gurigeenii, waxaana ila kulmay aabahay isagoo i
weydiiyay meeshii aan ku maqnaa, waxaana ku iri: ”aabe,
waxaan maanta soo ag maray dad ku cibaadaysanayay
Kaniisad ay lahaayeen, waxaana jeclaystay qaabkii ay u
cibaadaysanayeen, iyaga ayaana iskala joogay ilaa ay
qoraxdii ka dhacday”. Aabahay aad ayuu arrinkii aan iri
uga argagaxay, wuxuuna igu yiri: ”wiilkaygiyoow diintaas
aad sheegtay wax kheyr ay leedahay ma jirto, diintaada
iyo diinta ay haysan jireen awoowayaashaa ayaa ka kheyr
badan diintan”, annigana waxaan ku iri,
maya-wallaahi-diintooda ayaa ka kheyr badan tan aynu
hadda haysanno. Hadalkan danbe, aabahay wuu cabsi
geliyay, wuxuuna ka cabsaday inaan ka laabto diinta aan
haysto, sidaa darteed wuxuu igu xabbisay guriga isagoo
labada lugoodna iga dabray.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii suurto gashay
inaan dibadda u baxsado, dabadeedna waxaan u imid dad
haysta diinta Nasaarada, waxaana ku iri: haddii ay
magaallada yimaadaan dad socoto ah oo u socda Gobolka
Shaam fadlan ila soo socodsiiya. Wax yar kamaba soo
wareegan jeer ay magaaladii yimaadaan dad socoto ahaa oo
u socday Shaam. Markii la ii sheegay dadkaas ayaa waxaan
iska fur-furay dabarkii lugahayga ku xirnaa, sidiina
ayaan ku raacay dadkii socotada ahaa.
Markii aynu nimid Shaam ayaa waxaan dadkii weydiiyay
ninka ugu fadliga badan ee ka mid ah dadka haysta diinta
Kirishtaanka, waxaana la ii tilmaamay wadaad ka
shaqaynayay Kaniisad laguna magacaabo ”Al-usquf”. Ninkii
ayaan u imid, waxaana ku iri, waxaan jeclaystay diinta
Kirishtaanka, sidaa darteed waxaan doonayaa inaan kuu
noqdo adeege/khaadim oo aan kuu shaqeeyo, dhinaca kalena
aan kaa faa’iideysto kulana tukado salaadaha. Ninkii
wadaadka ahaa arrinkii wuu iga oggolaaday, sidiina ayaan
shaqaale ugu noqday.
Muddo markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa waxaan
ogaaday inuu ninku ahaa nin aan fiicnayn. Waxaan ogaaday
inuu dadku amri jiray inay saddaqaystaan; isagoo intaa u
raacin jiray ajarka iyo xasanaadka ay leedahay in lala
baxo saddaqada. Dadkii markii ay hantidooda ka
saddaqaystaana meeshii uu masaakiinta ka siin lahaa,
isaga ayaa keyd ahaan u dhigan jiray maalkaas ilaa uu
maalkii ay buuxiyaan toddobo ashuumood oo dahab ah. Si
daran ayaa ninkii wadaadka ahaa uga carooday,
waxyaabihii aan wanaagsanayn ee aan ku arkay awgeed.
Wax yar kama soo wareegan jeer uu maalintii ninkii
wadaadka ahaa ka dhinto, waxaana aaskiisii isugu yimid
dadkii Nasaarada (Kirishtaanka) ahaa, waxaana ku iri
hadaladan: ”Ninkan saaxiibkiina ah wuxuu ahaa nin xun,
wuxuu idin fari jiray inaad la baxdaan saddaqo, isagoo
arrinkaana idinku boorrin jiray. Hase yeeshee, markaad
maalkiina ka saddaqaysataan naftiisa ayuu keyd ahaan ugu
dhigan jiray, masaakiintana waxna kama siin jirin!”.
Dadkii ayaa hadalkii la yaabay, waxayna igu yiraahdeen:
”Halkeed ka ogaatay hadalkan?!”. Waxaan ku iri, annigaa
idin tusaya kaasafoortadii uu ku keydsan jiray maalkaas.
Waxay yiraahdeen: ”haa-oo-na tusi”.
Waxaan tusiyay meeshii uu maalka ku keydsan jiray,
waxayna meeshii ka soo saareen toddobo ashuumood oo laga
buuxiyay dahab iyo lacag. Markii ay arkeen dahabkii iyo
lacagtii faraha badnayd ayaa waxay soo saareen go’aan
tilmaamaya inaanan la aasin ninkii wadaadka ahaa,
waxayna yiraahdeen: ”wallaahi aasi mayno”, iyagoo intaa
kadib daldalay waxayna isagoo meyd ah ku garaaceen
dhagaxyo.
|
Ninka cusub ma arag nin ka adduunyo neceb,
kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga
daa’imid badan xagga cibaadada.. |
Wakhti dheer kama soo wareegan jeer booskii ninka
wadaadka ahaa looga caleemo saaro nin kale. Ninkan cusub
ayaan markale laasimay agtiisa. Ma aan arag nin ka
adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca
kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada. Si aan xad
lahayn ayaan u jeclaystay, isaga ayaana in muddo ahba
iskala joogay.
Hase ahaatee markii ay u timid sakaraatul-mootka
(dhimman rabo) ayaa waxaan ku iri: hebelow yaad ii
dardaarmaysaa ama iigu nasteexaynaysaa inaan la joogo
adiga gadaashaa?. Wuxuu yiri wiilkaygayow garan maayo
ruux sida aan diinta u haysto oo kale u haysta, aan ka
ahayn nin ku nool gobolka la yiraahdo Al-Mawsil
(magaallo ku taala Ciraaq). Ninkaasi waa nin aan
beddelin diinta uu haysto ee sidaas darteed waxaad
haleeshaa ninkaas.
Markii uu wadaadkii aan la joogay dhintay, ayaa sidii
uu igula taliyayba waxaan u kicitimay ninkii ku noola
gobolka Al-Mawsil, markaan u imidna waxaan uga
sheekeeyay khabarkayga, annigoo ku iri: ”hebel ayaa
adiga ii kaa soo dardaarmay dhimashadiisa agteeda, si
aan agtaada u laasimo, isagoo intaas ii raaciyay inaad
tahay nin haysta diintii xaqa ahayd ee uu ku sugnaa
ninkaas” Ninkii wuxuu igu yiri, haddaba anniga ayaad ila
joogaysaa. Ninkii ayaan haddana iskala joogay, xaalad
wanaagsanna waan ka arkay.
Muddo yar markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa
maalintii danbe ninkii geeriyooday. Intuusan geeriyoonin
waxyar kahor ayaa waxaan ninkii ku iri: ”hebelow waad
aragtaa inuu amarkii Eebbe kuu yimid, annigana xaalkaygu
waad aragtaa, ee fadlan yaad adiga gadaashaa ii
dardaarmaysaa inaan aado?”. Wuxuu igu yiri wiilkaygayow,
wallaahi garan maayo ruux diinta u haysta sida aan
annaga u haysanno marka laga reebo nin ku nool
magaallada Nissiibiin (magaallo ku taala Shaam) ee
ninkaas aad. Ninkii wadaadka ahaa markii la dhigay
iilka, uuna dhintay ayaa waxaan u kicitimay ninkii ku
noolaa magaallada Nissiibiin.
Markaan u imid ninkii waxaan uga warramay sheekadayda
iyo nasteexadii ugu danbeysay ee uu i siiyay wadaadkii
aan la joogay, wuxuuna si sahlan igu yiri: annaga
agteena ayaad joogaysaa. Halkii ayaan iska joogay,
waxaana la degganaa ninkii wadaadka ahaa. Waxaan ku
arkay kheyrkii iyo wanaaggii aan horeba ka arkay labadii
nin ee hore. Wallaahi maba sii joogin jeer uu ninkii
haddana ka geeriyoodo, hase ahaatee intuusan dhimman
kahor ayaa waxaan ku iri: ”xaalkayga waad aragtaa ee
yaad ii dardaarmi lahayd inaan adiga gadaashaa la
joogo”. Wuxuu yiri, wiilkaygiyow garan maayo ruux diinta
u haysta sida annagoo kale aan ka ahayn nin ku nool
magaallada Cammuuriya waxaana la yiraahdo hebel ee
ninkaas u kicitim.
Ninkii ayaan u kicitimay, waxaana uga warramay
sheekadayda, intaa dabadeedna wuxuu igu yiri: anniga
ayaad ila joogaysaa. Sidiina ayaana ula noolaa ninkaas,
wallaahi wuxuu ku tilmaamnaa hanuunkii ay ku sugnaayeen
saaxiibadiisa kale. Hanti iyo maal ayaan kasbaday intii
aan ninkan la joogay, waxaana haystay lo’ iyo xeyn arri
ah.. Intaa dabadeed ninkii waxaa u timid geeridii u
timid asxaabtiisii hore oo kale, markay u timid
sakaraatkii ayaa waxaan ku iri, adiga waad og tahay
amarkayga iyo xaalkayga sida uu yahay, sidaa darteed
adi-ahaantaa yaad ii dardaarmi lahayd gadaashaa inaan
diinta ka barto, dhinaca kalena maxaan sameeyaa? .
Wuxuu yiri wiilkaygiyow - wallaahi- garan maayo inuu
jiro qof dadka ka mid ah oo dunida maanta saaran oo
haysta diintii Nasaarada ee aan haysanay annaga.., hase
ahaatee waxaa la gaaray xilligii dhulka carabta laga soo
saari lahaa Nebi haysta diintii Nebi Ibraahim (cs).
Nebigaas wuxuu ka haajiri doonaa magaalladii uu
degganaa, isagoo u haajiri doona magaallo ka baxda
timirta waxayna u dhaxeysaa labo buurood dhexdooda.
Wuxuu leeyahay tilmaamo aan qarsoomaynin, waxaana ka mid
ah inuu qaato haddiyadaha, mana qaato saddaqooyinka,
labadiisa garab dhexdoodana waxaa ku taalla shaabaddii
Nebinnimada, ee haddii aad awooddo inaad gaarto
magaallooyinkaas samee.
Intaa ka dib, ninkii wuu dhintay, isaga gadaashiis
waxaan muddo dheer iska joogay magaallada Cammuuriya
ilaa maalintii danbe ay magaallada ka soo maraan dad
ganacsato carbeed ah, kana dhashay qabiilka la yiraahdo
”Kalbin”. Waxaan dadkii ganasatada ahaa ku iri, ka
warrama haddii aan idiin raaco magaallooyinka carbeed,
isla mar ahaantaana aan idin siiyo neefafkayga lo’da iyo
arrigaba. Waxay yiraahdeen haa oo waan yeelnay. Waxaan
siiyay lo’dii iyo neefafkii arriga ahaa ee aan haystay,
sidiina ayaan nimankii ku raacay.
|
”waadul-quraa” ayey igu khiyaaneen nimankii
aan lasocdey . |
Waxaan soconnaba waxaynu nimid dooxada lagu magacaabo
”waadul-quraa” (waa tog u dhaxeeya magaallada Madiina
iyo gobolka Shaam) meeshaas ayeyna igu khiyaaneen
nimankii, iyagoo iga iibsaday nin Yahuudi ah, isaga
ayaana shaqaale u noqday. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa
ninkii wuxuu booqday nin ay ilmo adeerro ahaayeen ahna
kana dhashay qabiilka Binii Qureythah, ninkiina ayuu iga
gatay, wuxuuna ii sii raray magaallada Yathriba
(Madiina).
Waxaan arkay timirtii uu ii sheegay ninkii wadaadka
ahaa ee degganaa magaallada Cammuuriya, tilmaantii uu
magaallada iiga sheegayna waan aqoonsaday oo waan arkay,
sidiina ayaa ninkii magaallada kula joogay. Nebigana
(scw) xilligaas aan magaallada Madiina imid wuxuu
dacwada Islaamka ugu yeerayay tolkiisii degganaa
magaallada Makka, dhinaca kalena ma aan maqlin wax
faahfaahin oo warkiisa ku saabsan, mashquulka badan ee
addoonnimada igu waajibinaysa darteed.
Haddana, maba sii joogin ilaa uu maalintii danbe
Rasuulka (scw) u soo haajiro magaallada Madiina.
Wallaahi ayaan ku dhaartaye, waxaan dul-saarnaa geed
timir ah, timirtaas oo uu lahaa sayyidkayga, waxaana
gacanta ku hayay howl aan saa u badnayn, sayyidkaygana
wuxuu fadhiyay geedka timirta hoostiisa markii uu na soo
qaabilay nin ay sayyidkayga ilmo adeero ahaayeen,
wuxuuna ku yiri: Ilaahay ha lacnado reer Banii Qayla
(Aws iyo Khazraj), wallaahi hadda waxay ku kulansan
yihiin xaafadda la yiraahdo Qubaa, iyagoo ku kulansan
nin ka yimid magaallada Makka welibana wuxuu sheeganayaa
Nebinnimo.
|
Sayidkayga
ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo
daran, isagoo igu yiri: maxaa hadalkan kaa
galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay. |
Ma aanan maqlin halkan danbe jeer ay i qabato wax la
moodo qandho, sidoo kalena waxaa igu dhacay jiri-raco
ilaa aan ka cabsaday inaan ku-kor-dhaco sayyidkayga.
Isla markiiba waxaan si dhaqso leh uga soo daaddegay
geedkii timirta ahaa ee aan saarnaa, waxaana annigoo is
ogeyn ku iri ninkii: ”maxaad tiri?”, bal iigu soo celi
wixii aad tiri…. Sayidkayga ayaa iga carooday, wuxuuna
igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri: maxaa
hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku
haysay.
Markii galabtii la gaaray ayaa waxaan horey u soo
qaatay xabbado timir ah, annigoo markaas u jiheestay
goobtii uu ku soo deggay Rasuulka (scw). Kolkii aan u
soo galay Rasuulka, waxaan ku iri: waxaa iga kaa soo
gaaray inaad tahay nin suubban, sidoo kalena waxaan
ogaaday in asxaabta kula socoto ay yihiin kuwo aan waxna
haysan, sidaa darteed waxaan idiin keenay xooggey
saddaqo ah oo aan is iri ma jiro cid idinkaga mudan
idinka, intaa dabadeed waxaan timirtii u soo dhoweeyay
dhinacii uu xigay Nebiga (scw). Nebiga (scw) ayaa
asxaabtii ku yiri cuna (timirtan).., hase ahaatee isagu
ma cunin. Waxaan naftayda ku iri, mid ka mid ah
tilmaamihii hore laguugu sheegay waad heshay.
Intaa ka dib waan iska tagay, waxaana billaabay inaan
aruursado xabbado timir ah. Kolkii uu Rasuulka (scw) ka
guuray xaafadda Qubaa, uuna u guuray Madiina ayaan
markale u imid annigoo sida haddiyad, waxaana Rasuulka
ku iri: ”waxaan arkay inaadan cunin saddaqada sidaa
darteed waxaan maanta kuu keenay haddiyad aan kugu
maamuusayo”. Timirtii haddiyadda ahayd ayuu Rasuulka
(scw) cunay, sidoo kalena wuxuu asxaabtiisa amray inay
la cunaan sidiina ayeey ula cuneen Rasuulka.
Markale ayaa naftayda ku iri, labo astaamood ayaad
heshay, haddana markale ayaan u imid Rasuulkii Alle oo
jooga meesha la yiraahdo Baqiic Al-qarqad (meel markii
danbe noqotay xabaalaha) wuxuuna aasayay mid ka mid ah
asxaabtiisa. Waxaan arkay isagoo fadhiya qabana labo
go’, intaa kadib waan soo wareegay annigoo doonaya inaan
eego dhabarkiisa bal si aan u arko shaabaddii (khaatam)
uu ii tilmaamay saaxiibkaygii aan ku arkay magaallada
Cammuuriya.
|
waxaan durbadiiba arkay khaatamkii
|
Markii uu Rasuulka (scw) i arkay annigoo eegaya
dhabarkiisa isla markiiba wuu gartay waxa aan doonayo,
wuxuuna tuuray go’ii dhabarkiisa saarnaa. Haddaan
fiiriyay dhabarkiiba waxaan durbadiiba arkay khaatamkii
(khaatumu-nebinnimada) waan aqoonsaday, isla markiiba
korkiisa ayaan ku soo foorarsaday annigoo dhunkanaya
jirkiisa oonayana.
Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”khabarkaagu muxuu
yahay?!”. Waxaan uga sheekeeyay sheekadayda, Rasuulka
aad ayuu u jeclaystay sheekadayda, wuxuuna jeclaystay
inay asxaabtana bal ay iga dhegeystaan anniga, waana uga
sheekeeyay. Si siyaado leh ayeey ula yaabeen sheekayada,
si aan xad lahayna way ugu farxeen.
Nabadgelyada Eebbe
(sw) Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii
inta uu baxay isagoo xaqa ka raadinaya meel kasta.
Nabadgelyo Salmaan
Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu xaqa
garowsaday isla markiiba rumeeyay iimaan dhab ah.
Nabadgelyo Salmaan
Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu dhintay iyo
maalinta la soo saaray isagoo nool.