Waxay
ka dhalatay qoys wada saxaabo ah:
Saxaabiyadda aan markan sheekadeeda
qaadanayno waa gabadhii loo
dhammaystiray sharafta iyo wanaagga.
Aabaheed waa Saxaabi, awoowgeed waa
saxaabi, walaasheed iyaduna waa
saxaabiyad, ninka qaba isna waa saxaabi,
wiilka ay dhashayna waa saxaabi. Intaas
oo keliya ayaa ammaan iyo sharaf ugu
filan. Aabaheed waa saxaabi, waana
saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubar As-siddiiq ee
ahaa saaxiibkii Rasuulka (scw), dhinaca
kalena ahaa khaliifkii Rasuulka
dhimashadiisa kadib.
Awoowgeed waa saxaabi oo waxaa la
oran jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii
Abuubakar (rc). Gabadha ay walaalaha ay
ahaayeena iyaduna waa saxaabiyad,
waxaana magaceeda la yiraahdaa Caa’isha
ahaydna hooyadii mu’miniinta. Ninkeeda
isna waa saxaabi, waxaana la oran jiray
Zubeyr Binu Al-Cawwaam, wuxuuna ka mid
ahaa asxaabtii inta badan u gargaari
jirtay Rasuulka (scw). Wiilka ay
dhashayna waa saxaabi, wuxuuna ahaa
Cabdullaahi Binu Zubeyr dhammaantood
waxay ahaayeen wada saxaabo, Ilaahna ha
ka raalli noqdo. Si kooban haddaan u
iraahdo gabadhaas aan xusnay magaceeda
waa Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ka
mid ahayd asxaabtii kulansatay
astaamahaas wanaagsan ee ah in qoyska ay
ka dhalatay ay dhammaantood ahaayeen
muslimiin/saxaabo, halka saxaabada kale
aynan qoysaskooda sidaasoo kale ahayn oo
ay ku jireen kuwo aanan muslimiin ahayn.
Mar
hore ayeey islaamtay, Nebigana (scw) wuu
u duceeyay:
|
Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka
mid ahayd asxaabtii goor hore
soo islaamay. |
Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid
ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay,
waxaa iyada horteed soo islaamay oo
keliya 17 qofood oo isugu jira rag &
dumar. Asmaa Bintu Abii-bakar waxaa lagu
naanaysi jiray ”Bidaati Al-nidaaqayn”
taasoo loola jeedo tii labada suunka
lahayd ama tii labada maralayda ahayd,
sababta loogu magac darayna waxay ahayd,
iyadoo u samaysay Rasuulka (scw) iyo
aabaheed Abuu-bakar sahay ama saad
maalintii ay u haajirayeen magaallada
Madiina. Waxay u diyaarisay sibraar,
markii ay heli wayday wax ay ku xirto
ayaa waxay jeexday suunkeeda (wax ay
dumarka dhexda ku adkeysan jirayn)
iyadoo labo u kala jeexday, dabadeedna
waxay mid ka ah labadii maro ee ay
jeexday ku xirtay kiishka ama
qariiraddii sahayda ku jirtay, tii
kalena waxay ku xirtay sibraarta.
Nebiga (scw) ayaa markii uu arkay
waxa ay Asmaa sameysay ugu duceeyay inuu
Ilaah ugu beddelo labo suun Jannada
dhexdeeda. Sidaa darteed wixii
maalintaas ka danbeeyay waxaa Asmaa lagu
naanaysi jiray gabadhii labada
suunleyda/ maralayda ahayd.
Waxay
ninkeeda u ahayd tusaale wanaagsan:
Asmaa Bintu Abii.Bakar waxaa
guursaday Zebyr Binu Al-Cawwaam,
xilligaasna wuxuu ahaa wiil dhalinyaro
ah oo aan hanti lahayn. Ma lahayn adeege
u shaqeeya, sidoo kalena ma haysan hanti
uu ku quudiyo caruurtiisa aan ka ahayn
faras uu dhaqan jiray. Asmaa Bintu
Abii-bakar waxay Zubeyr u ahayd xaas
wanaagsan, way u adeegi jirtay,
faraskiisana way u daryeeli jirtay,
laf-timireedka ayeey faraska u tumi
jirtay, dabadeedna u calfin jirtay, jeer
maalintii danbe uu Ilaah hanti ka siiyo,
wuxuuna Zubeyr ka mid noqday asxaabta
kuwooda ugu hantida badan.
Waxay
dhashay saxaabigii ugu horeeyay
ee dhasha sannadka hijriga kadib:
Asmaa Bintu Abii-bakar markii ay u
suurto gashay inay u haajirto/guurto
magaallada Madiina iyadoo diinteeda la
cararayso, ayaa waxay iyadoo safarka ku
jirta umushay/dhashay Cabdullaahi Binu
Zebeyr. Dhibaatada uu watay safarkan
dheer kama uusan reebin inay gudato
dacwada diinta Islaamka. Markii ay Asmaa
timid xaafadda Qubaa ayaa waxay dhashay
Cabdullaahi, muslimiintii oo dhan ayaa
hal mar takbiirsaday (yiri Allahu
Akbar), maxaa yeelay Cabdullaahi wuxuu
ahaa saxaabigii ugu horeeyay ee ku
dhasha magaallada Madiina isagoo
muhaajir ah,
waxaa jiray dacaayado ka imaanayay
munaafiqiinta iyo Yahuudda, iyagoo isla
dhex marayay inay muhaajiriintii ay
dabar go’een, marka sidaas darteed ayeey
u farxeen oo u takbiirsadeen markii ay
Asmaa dhashay Cabdullaahi, waxayna ahayd
xilligaas billowgii sannadka hijriyada.
Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Cabdullaahi
u gaysay Rasuulka (scw), iyadoo
saartayna dhabtiisa. Wuxuu Rasuulka
(scw) qaaday qaar ka mid candhuuftiisa,
ka dibna wuxuu yeelay afkii Cabdullaahi
binu Zubeyr, isagoo markaas u anqariyay
(waxa ugu horeeya ee cunugga afkiisa
gala) una duceeyay. Wixii ugu horeeyay
ee gala laabta Cabdullaahi Binu Zubeyr
waxay ahaayeen candhuuftii Rasuulka.
Asmaa
waxaa looga tusaalo qaataa deeqsinimada:
Asmaa Bintu Abii-bakar waxay
kulansatay astaamaha kheyrka iyo
gobonnimada iyo caqli aad u qoto dheer,
taasoo ay dadka ku yar tahay inay la
yimaadaan astaamahaas. Dhinaca deeqsiga
Asmaa waa looga tusaale qaadan jiray.
Wiilkeeda Cabdullaahi ayaa isagoo
arrinkaa ka sheekeenaya wuxuu yiri: ”ma
aanan arag labo haween oo ka deeqsinimo
badan habaryartay Caa’isha iyo hooyaday
Asmaa, hase ahaatee qaabka deeqsimadooda
way ku kala duwanaayeen. Haddaan ka
hadlo deeqsinimada habaryartay Caa’isha
iyadu waxayba ahayd tii shayga u gaysa
shayga kale ilaa uu wixii ka bato,
markaas ka dib ayaa maalkii waxay u
qaybin jirtay masaakiinta. Laakiin,
hooyaday iyadu waxna maba u keydsan
jirin maalinta kale”.
Waxaa intaas Asmaa u sii dheereed
iyadoo ay caqli badnayd, waxayna
wanaajin jirtay go’aamada mararka ay
xaaladdu qadhaadhaato. Maalintii uu
aabaheed Abii-bakar hijroonayay isagoo
la socda Rasuulka, ayaa wuxuu Abuu-bakar
hore u sii qaatay hantidiisa oo idil,
waxayna gaaraysay 6000 oo dirham,
ilmihiisa wax maal ah ma uusan uga
tegin. Markii uu ogaaday Abuubakar
aabihiis oo xilligaas mushrik ahaa ayaa
wuxuu u yimid Asmaa isagoo ku yiri,
wallaahi waxaan arkaa inuu aabihiin
musiibo idinkaga riday hantidiisa, kadib
markii uu musiibo geliyay naftiisa.
|
Asmaa ayaa waxay ku tiri,
awoowe, aabe wuxuu nooga tegay
hanti fara badan. |
Asmaa ayaa waxay ku tiri, awoowe,
aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan,
dabadeedna waxay qaadday
dhagaxyo quruurac ah oo ay ku ridday
meel daaqad oo kale ahayd oo ay ku ridan
jirayn lacagaha, waxayna ku duuduubtay
maro. Waxay qabatay awoowgeed (wuxuu
ahaa indhoole) iyadoo ku tiri, bal
kaaley arag inta uu aabe maal nooga
tagay. Gacantiisa ayuu inta meeshii
geliyay ayaa wuxuu yiri, wax dhib ah
maleh.., haddiiba waxan oo idil idinkaga
tagay aabihiin wuu wanaajiyay. Waxay
Asmaa sidaas u
samaynaysay, bal inuu odayga xanaaqin
iyo inaynan maalka Abuubakar waxna ka
siinin. Dhinaca kale, waxay Asmaa
necbayd in qof mushrik ah uu ku sheegto
abaal, waloow uu qofkaas noqdo
awoowgeed.
Marnaba taariikhdu ma illoobi karto
mawaaqiftii geesinimo ee Asmaa..:
Taariikhdu haddii ay illowdo
mawaaqiftii Asmaa oo idil, lagama yaabo
in la illoobo caqli hufnaantii ay Asmaa
lahayd, go’aankeedii adkaa iyo weliba
iimaankeedii xoogga badnaa maalintii ay
la kulmaysay wiilkeedii Cabdullaahi
kulankeedii ugu danbeeyay. Taasina waxay
ahayd markii wiilkeeda Cabdullaahi loo
doortay khilaafada, ka dib dhimashadii
Yaziid Binu Mucaawiya, ayna isaga u
hoggaansantay dhammaan dhulka Xijaaz,
Masar, Ciraaq, Khuraasaan iyo dhammaan
magaalooyinka Shaam.
Hase ahaatee, reer Banii Ummayya
iyagu kama suulin inay diyaariyaan
ciidan lixaad leh oo la dagaallama
ciidanka Cabdullaahi, ciidankaasoo uu
hoggaaminayo Xajjaaj Binu Yusuf
Azzaqafi. Labadii Ciidan waxaa dhex
maray dagaallo ba’an. Hase ahaatee,
ciidamadii Cabdullaahi ayaa waxay
bilaabeen inay in-yar in-yar gadaal ugu
gurtaan, wuxuuna markii danbe ku cararay
Kacbada, isagoo isaga iyo intii la
socotayba ay magan galeen Kacbadii
sharafta badnayd.
Dardaarankii Asmaa ee wiilkeeda
Cabdullaahi:
Kahor dilkii
Cabdullaahi saacado kahor ayaa wuxuu
Cabdullaahi u soo galay hooyadiis Asmaa
- waxay ahayd habar waayeel ah oo weliba
indhoole ah- wuxuuna ku yiri: ”Assalaamu
caleyki waraxmatullaahi wabarakaatuhu
hooyo”. Waxay ku tiri: ”Wacaleyka-Salaam
Cabdullaahi…., maxaa saacaddan ku
keenay, iyadoo dhagaxyadii ay tuurayeen
laan-cigaaleedkii (nooc ka mid ah
qalabyadii dagaalka ee waagaas) Xajjaaj
ee ay ku tuurayeen ciidamadaada ay
gilgilayaan guryaha magaalooyinka Makka
gilgilid!. Cabdullaahi wuxuu yiri,
waxaan u imid inaan kula tashado. Asmaa
waxay tiri, waad ila tashanaysaa!!…,
maxaad igala tashanaysaa?!. Wuxuu yiri,
dadkii way i hoojiyeen wayna iga tageen
iyagoo ka cabsanaya Xajjaaj, rajeynayana
waxa agtiisa yaala, xittaa caruurtayda
iyo ehelkayga way iga tageen, dad aad u
yar oo ka mid ah raggayga ayaa isugu soo
haray, kuwaasina inkasta oo ay sabraan,
haddana ma sabri karaan wax ka badan
saacad ama labo saacadood. Ergadii reer
Banii Ummayya waxay igala hadlayaan inay
i siiyaan wixii aan doonayo oo adduunyo
ah, waana kaddib markii aan is dhiibo oo
aan ballan la galo Cabdilmalik Binu
Marwaan ee maxaad hooyo arrintaas ka
leedahay? Asmaa codkeedii ayaa kor
noqday, waxayna Cabdullaahi ku tiri:
”Arrintan
adiga ayeey kuu taalaa Cabdullaahiyow,
adiga ayaana naftaada og…. Haddii aad
aaminsan tahay inaad xaq ku sugan tahay,
aadna dadka ugu yeeraysid xaq, dulqaado
oo adkeyso sidii ay asxaabtaaduba u
adkeysteen kuwaasoo ku dhintay dagaalka…
haddiise aad raadinayso adduunyo ogow
inaad tahay addoon kan ugu xun: naftaada
ayaad halaagtay, ciidankaagana waad
halaagtay”.
Dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad
is dhiibtid:
Cabdullaahi ayaa hooyadii ku yiri:
”Haddaba, waxaan shakki ku jirin inaan
dhimanayo maanta”. Asmaa waxay
tiri: dhimashada ayaa kaaga kheyr badan
inaad naftaada u dhiibto Xajjaaj adigoo
mukhtaar ah, markaasna ay madaxaada ku
cayaaraan ilmaha reer Banii Ummayya.
Wuxuu yiri: laakiin kama cabsanayo
dhimmasho, waxaan ka cabsanayaa inay i
jar-jaraan ka dib markay i dilaan. Asmaa
waxay tiri: dhimmashada ka dib ma ahan
wax uu qofku ka cabsado, laxda la
garoocay ma xanuujiso maqaar-siibka.
Waxaa farax darteed iftiintay wejiga
Cabdullaahi, wuxuuna yiri, Allaha ku
barakeeyo hooyo, annigu kuuguma iman
saacaddan hadda ah illaa inaan kaa maqlo
wixii aan hadda kaa maqlay. Ilaah wuxuu
og yahay inaan maalinna tabar daroonin
oo daciifin, Ilaah marqaati ayuu ka
yahay in wixii aan sameeyay aanan u
sameyn annigoo doonaya adduunyo iyo
dhal-dhalaalkeeda, laakiin waxaan u
halgamay caro Alle dartii ah.., hooyo,
waa ikan annigoo ku socda wixii aad
jeclayd, haddii la i dilo ha iga
walbahaarin amarkaagana u dhiib Ilaah.
Asmaa waxay tiri, waxaan walbahaari
lahaa markii aad si xaq-darro ah aad ku
dhimmatid.
|
Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba
waxaad ku kalsoonaataa in
wiilkaaga uusan weligiis u
qasdin la imaansho shay munkar
ah. |
Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba
waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga
uusan weligiis u qasdin la imaansho shay
munkar ah, waxaad kaloo ku kalsoonaataa
inuusan wiilkaaga uusan weligiis
samaynin wax faaxisho/sino ah, sidoo
kalena mana uusan ku jowr falin xukunka
Alle, mana khiyaanin wax lagu
amaanaystay mana u kasin dulmi qof
muslim ah, mana jiraan wax uu ka door
bidaayo raalli ahaanshaha Eebbe (sw).
Uma lihi sidaas inaan naftayda ammaano,
Ilaah ayaa naftayda iga og, waxaan u
oranayaa hadalladaas inaan qalbigaaga
geliyo sabirsiin iyo xasilooni. Asmaa
waxay tiri, Waxaa mahad leh Allihii kaa
yeelay waxa uu jecel yahay waxa aan
jeclahay… ii soo dhawoow wiilkaygiyoow
si aan u ursado udgoonkaaga una taabtana
jirkaaga waxaa dhici karta in kulankan
uu noqdo kulankii ugu danbeeyay ee aan
ku arko.
Cabdullaahi ayaa ku soo
foorarsaday hooyadiis isagoo dhunkanaya,
iyaduna sankeeda ayaa waxay u dhoweysay
madaxiisa iyo wejigiisa iyo dhuuntiisa
iyadoo ursanaysa dhunkanaysana,
labadayda gacmood ayaa waxay ku taabatay
jirkiisa, ka dibna si dhaqsi leh ayeey
gacmaheedi dib ugu soo celisay, iyadoo
Cabdullaahi ku leh: Waa maxay waxa aad
gashan tahay Cabdullaahi?!. Wuxuu yiri,
waa cambuur bireedkayga (qalab la isaga
difaaco seefaha iwm). Waxay tiri,
wiilkaygiyoow waxa aad gashatay ma ahan
wax uu qaato qof doonayo
shahaado/shahiidnimo. Cabdullaahi wuxuu
yiri, waxaan u gashtay inaan qalbigaaga
dejiyo oo aadan iga nixin. Asmaa waxay
tiri, wiilkaygiyoow iska siib, sidaas
ayaa geesinimadaada ugu wanaagsan, xagga
bootintana ku xoog badan, dhinaca
socodkana ku fudud, sidaa darteed waxaad
booskeeda gashataa saraawiil dhaadheer,
si markii lagu dilo aynan cawradaada u
feedmin.
Ducadii Asmaa ee wiilkeeda:
Cabdullaahi wuxuu siibay cambuur
bireedkiisii, wuxuuna isku adkeeyay
saraawiishii uu qabay, isagoo ku
dhaqaajiyay dhinaca Kacbada si uu u sii
wado dagaalka, isagoo hooyadiis ku leh:
”hooyo, ha ka noogin ducadaada aad ii
ducaynaysid”. Asmaa waxay sare u qaadday
labadeeda gacmood iyadoo leh: Ilaahayow
Cabdullaahi ugu naxariiso
istaagiisii salaadaha ee dhererka badnaa
iyo oohintiisii darnayd ee uu oonayay
mugdiyada habeenka iyadoo ay dadka
hurdaan. Ilaahayow Cabdullahi ugu
naxariiso gaajidiisii iyo haraadkiisii
isagoo dhex jooga kuleylka daran ee
magaallada Makka & Madiina isagoo weliba
sooman…
Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso
baarinimadiisa uu u baari falayay
aabihiis iyo hooyadiis. Ilaahayow waxaan
isaga u dhiibay amarkaaga, waxaana ku
raalli noqdo xukunkaaga, Ilaahayow
waxaad Cabdullaahi iiga abaal marisaa
abaalmarka ay leeyihiin dadka sabarka
badan (kuwaasna wuxuu Ilaah qur’aanka ku
sheegay in abaalmarkoodu yahay xisaab
la’aan). Qoraxda maalintaas ma ayan
dhicin illaa Cabdullaahi Binu Zubeyr
wuxuu ahaa mid haleelay dhowaanshaha
Rabbigiisa sare, wuxuuna ku shahiiday
dagaalka. Dhimmashadii Cabdullaahi
markay ka soo wareegtay dhowr iyo toban
maalmood ayaa waxaa haddana geeriyootay
Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ahayd
boqol jir, iyadoo aanan ka dhicin ilig
iyo goos midna, caqligeedana uu tamaam
yahay.