Akhristow
waxaa hubaal ah inaad taqaanid saxaabiga
xiddiga ah ee ka mid ahaa asxaabtii
Rasuulka (scw). Aynu isweydiinee ma
ummadda Islaamka ayaa waxaa ku jira ruux
aanan aqoonin Abuu Hureyra?!. Dadku
waxay ugu yeeri jireen xilligii
Jaahiliga (Islaamka kahor) ”Cabdi
Shams”, hase ahaatee markii uu Ilaah ku
maamuusay diinta Islaamka, ee uu soo
islaamay, kuna sharfay la kulankii
Nebiga (scw) ayaa wuxuu Rasuulku
weydiiyay su’aashan: ”Magacaa?”. Wuxuu
yiri magacygu waa ”Cabdi Shams”. Nebiga
(scw) ayaa ku yiri, maya ee waxaa lagu
yiraahdaa Cabdiraxmaan. Wuxuu yiri, haye
oo magacaygu waa Cabdiraxmaan, aabahay
iyo hooyaday ha lagugu furtee Rasuulkii
Alloow. Wixii maalintaas ka danbeeyay
wuxuu magaciisu ahaa Cabdiraxmaan,
aabihiisna Sakhr. Waxay dadka ugu
kunyooni jireen Abuu Hureyra, sababta
loogu baxshayna waxay ahayd, markii uu
yaraa ayaa wuxuu lahaa bisad yar, taasoo
uu jeclaan jiray inuu la cayaaro.
Wiilashii ay isku da’da ahaayeen ayaa
wixii maalintaa ka danbeeyay waxay ugu
yeeri jiray ”Abuu Hureyra”, kunyadaas (abuu
hureyra) ayuu markii danbe ku caan
baxay.
Islaamiddii Abuu Hureyra
Abuu Hureyra
Allaha ka raalli noqdee wuxuu ku soo
islaamay gacantii Dhufeyl Binu Camar Al-dowsi,
isagoo intaa wixii ka danbeeyay dhex
joogay tolkiisa reer Daws jeer laga soo
gaaro sannadkii lixaad hijriyada kadib,
halkaasoo uu u soo wafdiyay Rasuulka (scw)
oo joogay magaallada Madiina, wuxuuna la
socday qaar ka mid ah tolkiisa oo
iyaguna soo islaamay. Abuu Hureyra wuxuu
ahaa wiil dhalinyaro ah oo u go’ay u-adeegidda
iyo la-jirka Rasuulka (scw). Fadhigiisa
iyo deggaankiisu wuxuu ahaa masjidka,
Nebigana (scw) wuxuu ka dhigtay bare iyo
hoggaamiye, mana uusan lahayn xilligaas
reer ama caruur.
Sidii uu
ugu baari fali jiray hooyadiis oo gaal
ahayd
Abuu Hureyra wuxuu
la noolaa hooyadiis oo waayeel ahayd,
taasoo ku adkeysatay shirkiga iyo
gaalnimada. Inkasta oo ay gaal ahayd,
haddana Abuu Hureyra ma uusan ka noogi
jirin inuu u duceeyo, wuu u cabsan
jiray, wuuna u baari fali jiray
markasta, hase ahaatee iyadu way ka
carari jirtay. Way ka tagi jirtay,
iyadoo walbahaarka Abuu Hureyra uu ka
walbahaarayo hooyadiis ay buuxinayso
laabtiisa. Abuu Hureyra wuxuu yiri,
maalin maalmaha ka mid ah ayaan
hooyaday ugu yeeray diinta islaamka,
markaasay waxay Nebiga (scw) ku sheegtay
hadal aan dhibsaday, ina dhaawacay.
Wuxuu aaday Rasuulka (scw) isagoo
oonaya. Rasuulka (scw) ayaa ku yiri:
”maxaa kaa oohinaya!?”. Wuxuu yiri,
waxaan ahaa mid aan ka noogin yeerista
aan hooyaday ugu yeerayo islaamka, halka
iyaduna ay diidi jirtay inay soo
islaamto. Hase ahaatee, maanta ayaa
waxaan ugu yeeray inay soo islaamto,
dabadeedna waxaan xaggaaga ka maqlay wax
aan dhibsado, ee Rasuulkii Alloow waxaad
Ilaah uga baridaa inuu laabteeda
islaamka soo aaddiyo. Nebiga (scw) ayaa
u duceeyay Abuu Hureyra hooyadiis. Wuxuu
yiri Abuu Hureyra: ”waxaan ku
dhaqaajiyay guriga, markii aan u soo
dhowaaday guriga ayaa waxaan maqlay
dhawaaq sida biyo daadanaya oo kale,
markii aan damcay inaan gurigii galana
waxay hooyaday igu tiri: joogso
meeshaada, dabadeedna waxay xiratay
dharkeedii ka dibna waxay tiri soo gal,
markii aan gudaha guriga soo galayna
waxay hooyaday tiri: waxaan qirayaa
jiritaanka Allaha xaqa ah, waxaan kaloo
qirayaa inuu Muxammad yahay addoonkii
iyo Rasuulkii Alle…. Waxaan ku laabtay
Rasuulka (scw), annigoo farxad awgeed la
oonaya sidii saacad ka horeba aan murugo
darteed ula ooyay, annigoo markaas ku
leh Rasuulka: bishaarayso Rasuulkii
Alloow…., Ilaah wuu aqbalay ducadaadii
oo wuxuu Alle (sw) hanuuniyay Abuu
Hureyra hooyadiis.
Jeceylkii
Abuu Hureyra ee Nebiga (scw)
Abuu Hureyra Ilaah
ha ka raalli noqdee wuxuu aad u jeclaan
jiray Rasuulka (scw) jaceyl weliba
saameeyay hilibkiisa iyo dhiigiisaba.
Wuxuu Abuu Hureyra ahaa kii aan ka
dhergin aragtida iyo eegista Nebiga
(scw), wuxuuna oran jiray: ma aanan arag
wax ka qurxoon kana iftiin badan
Rasuulka (scw) jeer la maleeyo in
ileyska iyo iftiinka qoraxda la dul
yeelay wejiga xabiibka Nebiga (scw).
Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee,
wuxuu ku mahadin jiray Allihii ku
galladaystay inuu noqdo saaxiibka Nebiga
(scw) iyo inuu qaato diintiisa iyo
hanuunkiisa, wuxuuna oran jiray:
Waxaa
mahad iska leh Allihii Abuu Hureyra ku
hanuuniyay Islaamka.
Waxaa
mahad iska leh Allihii Abuu Hureyra
baray qur’aanka.
Waxaa
mahad iska leh Allihii Abuu hureyra ku
manneystay inuu noqdo saaxiibkii Nebiga
(scw).
Sidii uu Abuu
Hureyra u jeclaa Nebiga (scw), ayuu
misna uu u jeclaa cilmiga, wuxuuna
cilmiga iyo aqoontu u ahayd hadaf iyo
yool uu tiigsado markasta. Cilmiga ayaa
u caado ahayd Abuu Hureyra Illaah ha
raalli noqdee.
Nebiga
(scw) ayaa ugu duceeyay cilmiga
Waxaa sheekeeyay
Zeyd Binu Thaabit Ilaah ha ka raalli
noqdee, wuxuuna yiri: goor aan anniga
iyo Abuu Hureyra iyo nin aynu saaxiibo
ahayn aan joogno masjidka welibana aynu
Alle baryayno, xusaynana Alle ayaa waxaa
nagu soo baxay Rasuulka Alle (scw) ilaa
uu dhexdeena fariisto, dabadeedna waynu
aamusnay. Nebiga (scw) ayaa nagu yiri,
hadalkii aad wadateen u noqda . Anniga
iyo saaxiibkay ayaa waxaynu barinay Alle
(sw) -kahor Abu Hureyra intuusan baryin–
markaas iyada ahna uu Rasuulka noo
aamiinsanayo (leeyahay aamiin). Haddana,
waxaa Alle baryay Abuu Hureyra isagoo
leh: Allahayoow waxaan ku weydiisanayaa
waxa ay ku weydiisteen labadayda
saaxiib.. Waxaan ku weydiisanayaa cilmi
aan la hilmaamin… Nebiga (scw) ayaa
yiri: aamiin. Annagana waxaynu markale
niri: Ilaahayow annagana waxaan ku
weydiisanaynaa cilmi aan la hilmaamin.
Nebiga (scw) ayaa ku yiri: waxaa
idinkaga hormaray wiilkii reer Daws ahaa
(Abuu Hureyra).
Siduu Abuu Hureyra
uu naftiisa ula jeclaa barashada
cilmiga, ayuu misna ula jeclaa dadka
inay weyneeyaan cilmiga. Taasina waxaan
ku arki doonaa dhacdadan soo socota.
Abuu Hureyra ayaa maalin maalmaha ka mid
ah soo maray suuqa magaallada Madiina,
wuxuu arkay inay dadkii ku shuqloomeen
adduunyo, wuxuu arkay inay ku
mashquuleen bicsharada iibka, gadista,
siinta iyo qaadashada. In yar ayuu
dadkii is dul istaagay, dabadeedna wuxuu
dadkii ku yiri: Yaa idinka tabar daran
haddaad tihiin reer Madiinoow!!. Waxay
yiraahdeen, ma waxaad aragtay kuwanaga
tabarta daran Abuu Hureyrow. Wuxuu yiri,
waxaa la qaybsanayaa dhaxalkii Nebiga
(scw), idinkana waxaad fadhidaan
halkan..! War miyeydaan tagaynin oo soo
qaadanaynin qaybtiinii!! Waxay
yiraahdeen waa halkee?!. Wuxuu yiri:
“masjidka”. Dadkii ayaa u deg-deggay
masjidka, Abuu Hureyrana iyaga ayuu
sugay ilaa ay ka soo laabteen. Markii ay
u yimaadeen, ayaa waxay ku yiraahdeen:
Abuu Hureyra, waxaynu aadnay masjidkii
mana aanan arag wax lagu qaybsanayay
masjidka. Wuxuu ku yiri, miyeydan
masjidka ku arag wax dad ah?!. Waxay
yiraahdeen: haa.., waa run oo waxaynu
aragnay dad tukanayay, dad aqrisanayay
qur’aanka iyo kuwo kale oo baranayay
cilmiga la xidhiidha xalaasha iyo
xaaraanta. Wuxuu yiri, haddaba taas ayaa
ah dhaxalkii Nebiga (scw).
Faqrigii
iyo gaajadii uu la kulmay Abuu hureyra
Dhibaatooyin fara
badan ayuu Abuu Hureyra kala kulmay
barashada cilmiga diinta iyo u go’idda
fadhiyada Rasuulka (scw), taasoo aynan
jirin qof sidiisoo kale ah. Abuu Hureyra
oo arrintan ka sheekeenaya wuxuu yiri:
waxaa dhici jirtay inay gaajada i haysa
igu adkaato jeer aan ka noqdo mid
asxaabta ka weydiiyo aayad qur’aan ah
-markaasna aan ogahay macnaha aayadda-
waxa aan u weydiinayo waa inuu ii wado
gurigiisa oo uu i soo siiyo cunto.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gaajadii
i haysay igu adkaatay, markaas ayaa
waxaan caloosha ku xiray dhagax, waxaana
fariistay waddada dhexdeeda. Waxaa
waddadii soo maray Abuubakar (rc)
waxaana weydiiyay aayad qur’aan ah,
sababta aan u weydiinayana waa inuu
gurigiisa ii kaxeeyo, mana ii kaxeynin.
Intaa ka dib, waxaa haddana waddada soo
maray Cumar Binu Al-khaddaab (rc),
waxaan weydiiyay aayad qur’aan ah, isna
iima yeerin jeer uu markii danbe ka soo
maro Rasuulka (scw), wuxuu gartay
gaajada i haysa wuxuuna yiri: ”Ma Abuu
Hureyraa?!”. Waxaan iri, haa, waana ku
ajiibay Rasuulkii Alloow, ka dibna waan
raacay, waxaana annigoo la socdo galnay
gurigiisa. Wuxuu Nebiga (scw) guriga ka
helay weel caano ku jireen, markaas ayuu
reerkiisa ku yiri: ”intee ayuu nooga
yimid kani”. Waxay yiraahdeen, waxaa kuu
soo diray hebel. Wuxuu yiri, Abuu
Hureyroow waxaad u yeertaa jamaacadii la
oran jiray Ahlu-Sufa (waxay ahaayeen dad
masaakiin ah, kuwaasoo aan lahayn reer
iyo caruur iyo hoy midna, waxayna seexan
jirayn masjidka Nebiga). Waxaa i dhibtay
inaan Ahlu-Sufa ugu yeero weelkan yar ee
caanaha ku jira, waxaana naftayda ku
iri: Sidee ayeey u deeqaysaa Ahlu-Sufa
weelkan yar?!. Waxaan filayay inaan hal
mar dhamo caanahan si aan ugu xoogeysto,
deedna aan iyaga u aado. Waxaan u imid
Ahlu-Sufa, waxaana aan ugu yeeray
weelkii caanaha ku jireen. Hal mar ayeey
yimaadeen, markii ay soo ag fariisteen
Rasuulka ayaa wuxuu igu yiri: ”intaad
qaadid u gee iyaga”. Waxaan bilaabay
inaan mid mid u siiyo caanihii ilaa ay
dhammaantood caanihii ka dhamaan,
weelkiina waxaan u celiyay Rasuulka
(scw). Nebiga (scw) ayaa madaxiisa kor u
qaaday isagoo muusoonaya, wuxuuna yiri:
”waxaa haray anniga iyo adiga”. Waxaan
iri, run baad sheegtay Rasuulkii Alloow.
Wuxuu yiri, haddaba, cab caanaha, waana
cabay. Markale ayuu igu yiri, cab,
haddana waan cabay. Rasuulka (scw) kama
uusan suulin kii yiraahda cab, anniguna
aan cabbayo caanihii ilaa markii danbe
aan ka iraahdo: Ilaahii xaqa kugu saaray
waxaan kuu dhaaranayaa inaanan awoodin
inaan sii cabo.. Wuxuu qaaday weelkii,
dabadeedna wuxuu cabbay suubbanaha
Nebiga (scw) caanihii soo haray.
Waqti dheer kama
aynan soo wareegan xilligaas, jeer
kheyraatkii iyo barwaaqooyinkii ay dhex
shubmaan muslimiinta, waxaana korkooda
ku soo shubmay qaniimooyinkii ay ka
heleen furashada. Abuu Hureyra wuxuu
yeeshay hanti, guri, reer iyo caruurba.
Hase ahaatee waxaasoo kheyraat iyo nimco
ah-ba ma aynan beddelin naftiisii
sharafta badnayd, dhinaca kalena ma
aynan hilmaansiinin maalmihii uu
faqiirka ahaa, wuxuuna inta badan oran
jiray:
”waxaan ku
barbaaray agoonimo, waxaan guuray oo
hijrooday annigoo miskiin ah, waxaan
shaqaale ka ahaa beer ay lahayd ina
Qazwan annigoo ugu shaqeyn jiray si
calooshii ugu shaqeystinimo ah, waxaan
ahaa kii u adeega reerka markay soo
deggaan, ratiga ayaan u kaxeyn jiray,
Ilaahayna wuxuu ii sahlay inaan ka
guursado shaqadii beertaas. Waxaa mahad
iska leh Allaha diinta islaamka nidaam
nooga dhigay, Abuu Hureyrana ka dhigay
hoggaamiye. Abuu Hureyra wuxuu madax ka
noqday magaallada Madiina, isagoo ka
socda dowladdii Mucaawiye Binu Abii
Sufwaan (rc) wax ka badan hal jeer,
madaxtinimadaas uu noqday Abuu Hureyra
ma aynan beddelin dabeecaddiisii.
Wuxuu ku
tilmaanaa tilmaamo suubban
Illaah ha ka
raalli noqdee wuxuu Abuu Hureyra
kulansaday cilmi xeel dheer, cafis iyo
saamixitaan badan, Alle ka cabsi iyo
xalaal-miiradnimo. Wuxuu ahaa kii sooma
maalintii, halka habeenkii qayb uu ka
tukan jiray salaatul-leylka. Wuxuu
salaadda u toosin jiray reerkiisa
habeenka saqda dhexe, habeenka intiisa
danbena wuxuu salaadda u toosin jiray
gabadhiisa. Guriga Abuu Hureyra wuxuu
ahaa kii aan laga-kala-goyn cibaadada
habeenkii oo dhan. Abuu Hureyra waxaa u
shaqeyn jirtay gabar madoow ah, gabadhii
ayaa waxay u gaftay maalin Abuu Hureyra,
dabadeedna wuu istaagay, wuxuuna soo
qaatay jeedal si uu markaa ugu garaaco
gabadha. Haddana wuu is qabtay isagoo
gabadhii ku leh: “haddii aynan jirin
qisaas maalinta qiyaame waan ku xanuujin
lahaa sida aad noo dhaawacdayba, hase
ahaatee waxaan kaa iibinayaa qof i siiya
qiimahaaga, waqtigaasna aan aad ugu
baahanahay … Iska tag, Alle dartii ayaan
kuu xoreeyee.. Abuu Hureyra cabsidiisa
Alle ayaa waxaa wehelisay adduunyo
naceyb, wuxuu sida badan ku dadaali
jiray u-camal -falka maalinta aakhiro,
sidaa darteed wuxuu markasta ka wel-weli
jiray cadaabta iyo xanuunka ay wadato
naarta. Maalin ayaa gabadhiisii waxay ku
tiri, aabe gabdhaha saaxiibadayda ah way
i caayaan, waxayna igu yiraahdaan: muxuu
aabahaa kuugu gadi waayey dahab?!. Wuxuu
ku yiri, gabadhaydiiyey, waxaad ku
tiraahdaa: aabahay wuxuu iiga cabsanayaa
kulka naarta Jahannamo. Diidmada uu Abuu
Hureyra gabadhiisa dahabka ugu diidayay
kama ahayn bakheylnimo awgeed, maxaa
yeelay wuxuu Abuu hureyra ku tilmaanaa
deeqsinimo iyo gacmo furnaan, gaar ahaan
xilliga jidka Alle loo duulayo. Marwaan
Binu Al-Xakam ayaa wuxuu Abuu Hureyra u
soo diray boqol diinaar oo dahab ah,
maalintii kale markii la gaaray ayaa
wuxuu u qoray warqad uu ku leeyahay
sidatan: khaadimkaygii wuu qaldamay oo
wuxuu ku siiyay lacago diinaar ah,
annigana kulama aanan doonin, ee waxaan
u doonayay qof aanan adiga ahayn. Abuu
Hureyra arrintii wuu ka qoomameeyay,
wuxuuna yiri: waxaan lacagta u bixiyay
si jidka Alle ah, markuu mushaarkayga
yimaado ka qaado lacagta. Hase ahaatee,
waxay Marwaan ka ahayd oo keliya inuu
imtixaano Abu Hureyra, markii uu
arrinkii u fiirsadayna wuxuu oggaaday
inuu sax yahay hadalkiisii.
Hal meel
ma wada harsanayno anniga iyo kan
qaraabadiisa gooya:
Abuu Hureyra wuxuu
weligiis baarri u ahaa hooyadiis, mar
alla markuu guriga ka baxayana intuu
istaago iridka aqalka ayaa wuxuu oran
jiray: “salaan iyo nabad gelyo korkaada
ha ahaato hooyo” Iyaduna waxay ugu
jawaabaysay: “adigana sidoo kale
dushaada ha ahaato naxariistii iyo
barakaatkii Alle”. Wuxuu haddana ku
yiri: “Allaha kuugu naxariisto sidii aad
annigoo yar igu soo barbaarisay”. Waxay
haddana ku tiri: “Allaha kuugu
naxariisto sidii aad annigoo weyn iigu
baarri-fashay”. Markuu guriga ku soo
laabtana wuxuu oran jiray hadalladaas oo
kale.
Wuxuu Abuu Hureyra
ku dadaali jiray inuu dadka ugu yeero
sidii ay ugu baari-fali lahaayeen
waalidiintooda, iyo xiriirinta
qaraabadooda. Waxaa hadalladiisa ka mid
ahaa hadalkan: "hal meel ma wada
harsanayno anniga iyo kan qaraabadiisa
gooya". Wuxuu maalin maalmaha ka mid ah
arkay labo nin oo wada socda, oo kala
da’ weyn. Wuxuu kii yaraa weydiiyay waxa
uu kan kale u yahay, wuxuuna ku yiri:
“waa aabahay”. Haddaba wuxuu Abu Hureyra
ninkii ku yiri: “magaciisa ha ugu
yeerin, hortiisana ha socon, hana
fariisan hortiisa.
Safar
dheer iyo sahay yar
Markii uu Abuu
Hureyra xanuunsaday bukaankii
dhimashadiisa ayaa uu ooyay, waxaana
lagu yiri maxaad la ooyaysaa?. Wuxuu
yiri, lama oynayo cabsida aan ka qabo
dunidan tan ah, hase ahaatee waxaan la
ooyay safarka dheer ee i sugayo, iyo
saadka iyo sahayda yari ee aan wato.
Waxaan istaagay dhammeystirka waddo,
taasoo ii sii kaxeynaysa Janno ama Naar,
mana ogi labadaas meelood meesha aan ku
danbeyn doono. Waxaa Abuu Hureyra soo
booqday Marwaan Binu Al-Xakam, isagoo ku
leh: Abuu Hureyrow Allaha ku shaafiyo.
Wuxuu Abuu Hureyra ku Alla baryay
ducadan, wuxuuna yiri: “Illaahayow
waxaan jeclahay la-kulankaaga ee waxaad
adiga jecaataa la kulankayga, iina soo
deddeji inaan kula kulmo". Maba uusan
Marwan ka bixin gurigii jeer uu ka
geeriyoodo Abuu Hureyra. Illaah ha u
naxariisto Abu Hureyra raxmad waasic ah,
wuxuu ummadda muslimiinta u xafiday wax
ka badan kun iyo lix boqol iyo sagaal
xaddiis kana mid ah axaadiista Rasuulka
(scw), Ilaahay Islaamka iyo Muslimiinta
ha uga jazeeyo kheyr, aamiin