Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu
la socday dad socoto ahaa oo ka mid ah qureysh
ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam.
Markay soo gaareen magaalada Busraa ee hadda ah
gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay
odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa
hal-mar ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u
iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna
ay u gataan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu
xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn
khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed,
haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad
iyo karti uu kula tartami karay ganacsatadaas.
Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo
kallahayo, galabtiina uu ka soo laabanayo suuqii
weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen
ganacsatadii ka kala yimid meel kasta ayaa waxaa
qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay nolol
maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu Dhalxata u
dhaafno si uu noogu dhammeystiro sheekadiisa
xiisaha badan, wuxuuna yiri Dhalxata:-
Mar aynu joogno suuqa Busraa ayaa waxaa nagu
soo baxay wadaad kirishtaan ah oo dadka ka dhex
dhawaaqaya, isagoo leh “ganacsatooy, waxaa dadka
weydiisaan in dadkani ay ku jiraan qof reer
Makka ah”. Markaas uu sidaas leeyahay, kama
aanan fogeyn wadaadka, durbadiiba isaga ayaan u
degdegay waxaana ku iri: “haa, oo annigaa ka
imid Makka”. Wuxuu i weydiiyay in la soo saaray
Axmad, markaasaan ku iri: “waa kuma Axmad?!”.
Wuxuu igu yiri waa inankii Cabdillaahi Binu
Cabdilmudhalib, wuxuuna intaa ii raaciyay
“bishan waa bishii la soo saarayay, waa nebigii
ugu danbeeyay nebiyada, waxaa laga soo saari
doonaa dhulkiina Xaramka (makka), wuxuuna u
hijroon/guuri doonaa dhul leh dhagxaan mad-madow,
geed-timireed iyo caro-seel ay ku badan tahay
cusbada.., yaanan lagaaga hormarin ninkaas
wiilyahow”. Wuxuu yiri Dhalxata, hadalkii ninka
waxay ku dhacday laabtayda, waxaana ku degdegay
awrkaygii, gaadiidkayga ayaan xirxirtay sidiina
ay ugu kicitimay magaallada Makka.
Raadka uu islaamka ku leeyahay akhlaaqda
suubban
Markaan imid magaaladii, waxaan reerkayga
weydiiyay su’aashan: “ma wax dhacdo ah ayaa ka
dhacay Makka gadaashayda?”. Waxay yiraahdeen
haa, oo waxaa istaagay Muxammad Binu Cabdillaahi
oo sheeganaya nebinnimo, waxaana raacay oo
rumeeyay ina Abii Qaxaafa (waxay ka wadaan
Abuubakar). Dhalxata wuxuu yiri, horey ayaan u
garanayay Abuubakar, wuxuu ahaa nin dabacsan oo
dulqaad badan ayna dadka jecel yihiin, wuxuu
ahaa ganacsato leh toosnaan iyo dabci wanaagsan.
Waxaynu ahayn kuwii weheshada fadhiyadiisa, aad
ayaan u jeclaan jirnay, waayo wuxuu aad ugu xeel
dheeraa wararka ku saabsan Qureysh iyo
abtirsigeeda. Waxaan markiiba aaday Abuubakar,
waxaana ku iri, ma run baa waxa la leeyahay ee
ah inuu Muxammad Binu Cabdillaahi sheegtay
nebinnimo, adigana aad raacday?!. Wuxuu yiri
haa, kadibna wuxuu billaabay inuu iiga sheekeeyo
nebiga sheekadiisa, dhinaca kalena i jeclaysiiyo
inaan soo islaamo, annigana xaggeyga waxaan uga
sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ahaa. Aad
ayuu Abuubakar ula yaabay sheekadii markuu
maqlay, wuuna jeclaystay, wuxuuna igu yiri: “bal
inoo-kaxeey Muxammad si aad uga sheekaysid
warkan, adigana aad ka maqashid wuxuu ku
leeyahay, si aad markaas u soo gashid diintii
Alle.
Dhalxata wuxuu yiri, waxaan anniga iyo
Abuubakar aadnay Muxammad, wuxuu ii soo
bandhigay diinta Islaamka, isagoo igu
dul-aqriyay qaar ka mid ah suuradaha qur’aanka,
wuxuu kaloo iigu bishaareeyay labada kheyrood ee
adduunyada iyo aakhirada. Laabtayda wuxuu Alle u
waasiciyay diinta Islaamka, waxaana uga
sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ii sheegay,
farxad aad u weyn oo wejigiisa ka muuqday ayuu
nebiga farxay kadib markii uu maqlay, dabadeedna
waxaan hortiisa ka qiray inuusan jirin Alle xaq
lagu caabudo aan ka ahayn Allaha xaqa ah,
Muxammadna inuu yahay Rasuulkii Alle. Waxaan
galay lambarka afaraad ee ku soo islaama gacanta
Abuubakar. Saddaxda kale ee gacanta Abuubakar ku
soo islaamay waxay kala ahaayeen Sacad Binu Abii
Waqaas, Cusmaan Binu Abii Caffaan iyo Zubeyr
Binu Al-cawwaam.
Dhibaatooyinkii uu islaamkiisa kala kulmay
Islaamiddii Dhalxata waxay naxdin iyo
walbahaar weyn ku reebtay reerkiisii uu ka
dhashay, haba ugu darnaatee hooyadiis. Maxaa
yeelay, waxay ku rajo weynayd inuu Dhalxata
hoggaamin doono tolkiisa, astaamaha wanaagga
badan ee uu leeyahay awgeed. Waxay tolkiisa in
badan isku dayeen inay ka weeciyaan diinta
Islaamka, hase ahaatee waxay si dhab ah u
ogaadeen inuu iimaankiisa sugan yahay aadna u
xeel dheer yahay, ayna marnaba dhici karin inuu
ka laabto diinta Islaamka. Markay tolkiisa kala
quusteen inay si hadal leh ugu qanciyaan inuu
diinta islaamka uga laabto, waxay billaabeen
inay cuskadaan jirdil iyo ciqaab.
Waxaa sheekeeyay Mascuud Binu Kharaash
wuxuuna yiri: Mar aan socdo Safa iyo Marwa
dhexdooda, ayaa waxaan la kulmay dad fara badan
oo eryanaya wiil labadiisa gacmood lagu
xir-xiray qoortiisa, dadku waxay daba socdeen
wiilkaas, iyagoo turaan-turinaya kana garaacaya
wiilka madaxiisa. Waxaa iyadana xagga danbe
socotay islaan waayeel ah, iyadu ma gaarto
wiilka inay garaacdo, hase ahaatee waxay
caayaysay, kuna qaylinaysay wiilka. Waxaan
dadkii weydiiyay arrinka wiilka haysta, waxayna
igu yiraahdeen waa Dhalxata Binu Cubeydillaah oo
ka laabtay diintiisa, wuxuuna raacay diintii
Muxammad Binu Cabdillaahi. Waxaan kaloo dadkii
weydiiyay waxa ay tahay islaantii waayeelka
ahayd ee wiilka daba socotay ee iyadu caayaysay
wiilka, waxayna igu yiraahdeen waa Sacba’ Bintu
Al-xadrami, waana wiilka hooyadiis.
Labadii la isku xiriiriyay
Intaa kadib Nawfal Binu Khuweylid ee lagu
naanaysi jiray libaaxii qureesheed ayaa wuxuu
aaday xaggii Dhalxata Binu Cubeydillaahi, wuxuu
ku xirxiray xarig, xarigii ayuu haddana kula
xiray Abuubakar, dabadeedna wuxuu u dhiibay
dadkii wax ma garatada ahaa ee degganaa
magaallada Makka, si ay u xanuujiyaan, una
ciqaabaan ciqaab daran.
Sidaa darteed waxaa Dhalxata iyo Abuubakar
As-siddiiq loogu yeeri jiray
labadii-la-sku-xiriiriyay. Waxay maalmuhu
socdaan, dhacdooyinkana ay is daba-raacayaan,
Dhalxata Binu Cubeydillaahina uu maalmahaas ka
siyaadsanayo dhammeystiran, wacdarihiisa waddada
Alle iyo waddada Rasuulka (scw) uu sii
weynaanayo, dhinaca kalena samafalkiisa islaamka
iyo muslimiintana ay sii kobcayso siina fidayso
jeer maalintii danbe ay muslimiinta ugu
naaneysaan shahiidkii haddana noolaa, taasoo
loola jeedo saxaabigii Jidka Alle ku dhintay,
haddana dunida guudkeeda saaran oo nool.
Rasuulkana (scw) wuxuu Dhalxata ugu yeeray
magacyadan Dhalxihii kheyrka badnaa, Dhalxihii
deeqsiga badnaa, Dhalxihii kheyrka la
burqanayay, dhammaantoodna mid kasta waxay
leedahay sheeko aan tan kale ka xiiso yareyn.
Maxaa loogu bixiyay shahiidkii haddana noolaa?
Aynu ku hor marnee sheekada la xiriirta
sababta loogu naaneysay shahiidkii haddana
noolaa, waxay ahayd maalintii daggaalka Uxud,
markii ay muslimiinta ka carareen Rasuulka
(scw), ayna markaasna Rasuulka (scw) ku harin oo
keliya waxaan ka ahayn 11 qof oo ansaar ah, iyo
Dhalxata Binu cubeydillaahi oo ka mid ahaa
muhaajiriinta.
Rasuulka (scw) wuxuu fananayay ama korayay
buurta isaga iyo intii la socotayba, iyadoo ay
sii korayaan buurta ayaa waxaa ku soo baxay oo
soo gaaray koox ka mid ah ciidamadii gaalada oo
doonaya inay dilaan Nebiga (scw). Markii uu
Rasuulka (scw) arkay gaaladii ayaa wuxuu
saxaabadii ku yiri: “yaa naga caabbinaya kuwan
oo noqonaya saaxiibkayga Jannada”. Dhalxata ayaa
durbadiiba yiri “ anniga, Rasuulkii Allow”.
Rasuulka (scw) ayaa ku yiri “maya, adiga
meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta
ayaa yiri “waa anniga qofkaas Rasuulkii Allow”.
Rasuulka (scw) ayaa yiri “haye, waa adiga”.
Ninkii saxaabiga ee ansaariga ahaa wuu
dagaalamay jeer markii danbe laga dilay. Haddana
Rasuulka (scw) iyo asxaabtii kale waxay markale
sii fanteen buurtii, gaaladiina haddana way ku
soo baxeen. Markale ayuu Rasuulka (scw) yiri
“war ayaa nin u ah kuwani?!”. Dhalxata ayaa
misna yiri anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka
(scw) wuxuu ku yiri: “maya, adiga meeshaada iska
joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa haddana yiri
anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa ku
yiri “haa, waa adiga”. Intaa dabadeed ninkii
ayaa la dagaalamay gaaladii jeer ay markii danbe
isna ka dilaan. Haddana Rasuulka (scw) wuxuu sii
koray buurta, gaaladiina way soo raaceen, kama
uusan suulin Rasuulka (scw) inuu ku celcelinayo
hadalkiisii hore, Dhalxana uu leeyahay anniga
Rasuulkii Allow, Rasuulkuna uu leeyahay maya, uu
saxaabi kale u fasaxayo inuu caabbiyo gaaladaas
jeer ay 11-kii ansaarta ay dhammaantood halkaas
ku shahiidaan. Waxaa Rasuulka (scw) weheliyay oo
keliya Dhalxata, gaaladii ayaa haddana markale
soo haleelay Nebiga.
Dhaawacii Rasuulka (scw) ka soo gaaray
dagaalkii Uxud
Rasuulka (scw) ayaa wuxuu Dhalxata ku yiri:
“hadda haa”. Rasuulka (scw) waxaa dagaalka ka
soo aaray dhaawacyo. Waxaa la jabiyay dhooshiisa
hoose, wejigana waxaa ka soo gaaray dakhar,
sidoo kalena dabintiisa hoosena waxaa soo gaaray
dhaawac, dhiig badan ayaa ka soo daatay
wejigiisa sharafta badan, daal iyo tacab aad u
daranna maalintaas wuu hareereeyay jirkii
suubbanaha Nebiga (scw). Dhalxata wuxuu
guda-galay inuu rogaal-celin ku sameeyo gaaladii
si uu uga fogeeyo Rasuulka (scw), wuxuuna intaa
kadib u soo laabanayay Rasuulka (scw) si uu u
saaro xagga sare ee buurta, markale ayuu haddana
gaaladii u soo laabanayay, sidaas ayuu
sameenayay jeer uu markii danbe gaaladii ka
fogeeyo.
Dagaalkii Uxud waxay ahayd maalintii Dhalxata
Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli
noqdee wuxuu yiri: “waqtigaas iyada ah anniga
iyo Abuu Cubeyda Binu Al-jarraax waxaan ahayn
kuwo ka fog Rasuulka (scw), markii aan u nimid
si aynu u daawayno wuxuu Rasuulka (scw) nagu
yiri anniga iga taga, oo waxaad aaddaan
saaxiibkiina”, wuxuu ka waday Dhalxata. Haddaan
u nimid Dhalxata, waxaan aragnay isagoo dhiig
baxaya, jirkiisana waxaa ku yiilay dhowr iyo
toddabaatan dhaawac ama seef ah ama waran ama
leeb lagu soo ganay ah. Waxaan kaloo aragnay
isagoo gacantiisiina qaybta horena la gooyay,
kuna dhacay meel god ah isagoo suuxsan. Sidaa
darteed ayuu Rasuulka (scw) u oran jiray wixii
intaa ka danbeeyay “ruuxii jecel inuu arko nin
dunida dusheeda socda, isla markaasna dhintay ha
eego Dhalxata Binu Cubeydillaah”. Abuubakar
As-siddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa
markii la xuso daggaalkii Uxud kii yiraahda “waa
maalintii Dhalxata”. Intaas waa sheekada la
xiriirta sababta loogu naaneysay shahiidkii
haddana noolaa.
Maxaa loogu bixiyay Dhalxihii kheyrka badnaa
Haddaba, haddaan milicsano sheekadiisa la
xiriirta sababta loogu naaneysay Dhalxihii
kheyrka badnaa iyo Dhalxihii deeqsiga badnaa,
waxaa hubaal ah inay iyadana leedahay boqolaal
sheeko. Dhalxata wuxuu ahaa ganacsade leh hanti
fara badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa
magaallada Xadramuut uga timid lacag gaaraysa
700 000 dirham. Wuxuu habeenkaas Dhalxata
seexday isagoo walbahaarsan, aadna u murugaysan.
Waxaa u soo gashay afadiisa Ummu Kalthuum Bintu
Abiibakar As-siddiiq, waxay aragtay inuu aad u
murugaysan yahay, waxayna ku tiri: “maxaa kugu
dhacay Abii Maxammad?!!, ma wax dhibaato ah ayaa
xagganaga kaaga timid!”. Dhalxata wuxuu afadiisa
ku yiri: “maya, adigu waxaad tahay afo tan ugu
wanaagsan, hase ahaatee ilaa iyo xaleey waan
fekerayay oo waxaan naftayda ku lahaa muxuu
yahay malaha nin Rabbigiisa hadduu seexdo iyadoo
ay gurigiisa taalo lacagtaas”. Waxay tiri, maxaa
ku walbahaarinayo!?, aaway dadkii tolkaaga ahaa
ee masaakiinta ahaa, markaad waabiriyaysato u
qaybi maalka. Dhalxata wuxuu aad u jeclaystay
hadalkii ay ku tiri xaaskiisa, wuxuuna ku yiri
“Allaha kuu naxariisto, waxaad tahay qof uu Alle
(sw) waafajiyay towfiiqda, sidoo kale aabahaa”.
Markuu waagu baryay Dhalxata wuxuu lacagtii
ku guray qariirado kala duwan, dabadeedna wuxuu
u qaybiyay masaakiinta reer ansaar iyo
mujaajiriin. Dhalxata wuxuu ahaa deeqsi u roon
masaakiinta, waxay weydiistaan oo dhan wuu siin
jiray. Waxaa la sheegaa sidoo kale inuu maalin
maalmaha ka mid ah uu Dhalxata u yimid nin
doonaya in wax la taro, dabadeedna wuxuu u
sheegay inuu jiro dhul qiimihiisa gaaraya 300
000 kun oo dirham, wuxuu dooransiiyay inuu
dhulka qaato, ama uu qiimihiis qaato, hase
ahaatee wuxuu ninkii doortay inuu qaato
lacagtii, wuuna siiyay, maxaa yeelay wuxuu
arkayay ajarka iyo xasanaadka Alle agtiisa uu ka
rajeynayo inuu kumanaan jeer ka weyn yahay
hantidan. Ilaahay ha ka raalli noqdo Dhalxihii
kheyrka iyo deeqsiga badna, mujaahidka ahaa,
qarbrigiisana Allaha u iftiimayo. Intaasina
waxaa ku dhammaatay sheekadii saxaabigii
jaliilka ahaa ee Dhalxata binu Cubeydillaah.