Sannadkii lixaad ee
hijriyada wuxuu
Rasuulka (scw)
go'aan ku qaatay
inuu ballaariyo
dadaalkii uu ugu
jiray fidinta
dacwada islaamka,
isagoo siddeed
dhambaalood oo
qoraal ah u kala
diray boqorrada
carbeed iyo kuwa
cajam-ba, wuxuuna
dhambaaladiisa ugu
yeeray boqorradaas
inay soo galaan
diinta islaamka.
Boqorradaas loo
diray dhambaaladaas
ayaa waxaa ku jiray
Thumaama Binu Uthaal
Al-Xanafi. La yaab
ma lahan inuu
Thumaama ka mid ahaa
madaxda iyo
boqorrada carbeed
waqtigii jaahiliga
ee islaamka kahor.
Wuxuu ka mid ahaa
madaxda reer Banii
Xaniifa, sidoo kale
wuxuu ka mid ahaa
boqorrada reer
Yamaama ee aan
amarkooda marnaba la
khilaafin.
Wuxuu isku dayay
dilka Rasuulka (scw)
Thumaama Binu Uthaal
ma uusan aqbalin
dhambaalkii uu u soo
diray Rasuulka (scw),
isagoo iska
dhega-tiray dacwadii
xaqa iyo kheyrka
xanbaarsanayd. Taasi
waxaa kaba sii
darneyd, isagoo
sheydaanka uu tusay
inuu isku dayo dilka
Rasuulka (scw), iyo
si uu wiiqo dacwadii
uu Rasuulka (scw)
xanbaarsanaa. Wuxuu
Thumaama u
kuur-galay sidii uu
uga takhallusi lahaa
Rasuulka (scw)
hadduusan si kedo ah
uga badbaadeen.
Eebbe (sw) ayaa
Nebigiisa ka
badbaadiyay shartii
uu la maagay
Thumaama.
Hase ahaatee,
Thumaama Binu Uthaal
haddii uusan ku
guuleysan dilka
Rasuulka (scw),
waxaa hubaal ah inuu
ku guuleystay
jirdilka iyo
dhibaateynta qaar ka
mid ah asxaabtii
Rasuulka (scw).
Wuxuu Thumaama u
tafa xeetay leynta
saxaabada jeer uu
sabab ugu noqdo inuu
laayo qaar ka mid ah
asxaabtaas, dhinaca
kale wuxuu banneeyay
dilka Rasuulka
(scw), isagoo
arrinkaasna
ogeysiiyay
qabiilkiisa reer
Banii Xaniifa.
Safarkiisii Makka
Waqi badan kama soo
wareegan, jeer uu
maalintii danbe
Thumaama Binu Uthaal
go'aansaday inuu u
kicitimo Makka,
isagoo doonaya inuu
soo cimreysto. Wuxuu
Thumaama ka
anbabaxay gobolkii
Yamaama, isagoo ku
sii jeeda xagga
magaallada Makka,
wuxuuna naftiisa ugu
sheekeenayay inuu ku
soo dawaafi doono
hareeraha Kacbada
iyo inuu u gowrici
doono asnaamtii ku
hareersanayd
Kacbada.
Wuxuu gacanta u
galay muslimiinta
Goor uu Thumaama ku
jiro socdaalkiisa,
uuna u dhow yahay
magaallada Madiina
ayaa waxaa isagoo
aan filanaynin ku
soo baxay koox
ilaalo ah.
Ilaaladaas oo ka mid
ahaa ilaaladii
ciidamada
muslimiinta waxay
watigaas ku gaaf
wareeganayeen
degmooyinka ku dhow
dhow magaallada
Madiina, si ay uga
hortagaan haddii uu
cadow magaallada soo
galo. Waxay
ilaaladii soo
kaxeysteen Thumaama
Binu Uthaal, weliba
iyagoo aan aqoon u
lahayn ninka ay soo
qafaasheen. Markii
ay yimaadeen
Madiina, waxay
Thumaama ku xireen
mid ka mid ah
tiirarkii masjidka,
dabadeedna waxay la
sugeen Rasuulka
(scw), bal si uu
go’aan uga gaaro
arrinkiisa.
Markii uu yimid
Rasuulka (scw)
masjidka, uuna
damcay inuu soo galo
gudaha masjidka ayaa
waxay indhihiisa
qabteen Thumaama
Binu Uthaal oo ku
xiran mid ka mid ah
tiirarka masjidka.
Rasuulka (scw) wuxuu
weydiiyay
asxaabtiisa “ma
taqaanaan ninka aad
soo qabateen?”.
Asxaabtii waxay
yiraahdeen “maya
Rasuulkii Allow”.
Wuxuu Rasuulka (scw)
ku yiri “waa
Thumaama Binu Uthaal
ee ahaa reer Banii
Xaniifa, ee
wanaajiya la
dhaqankiisa”. Intaa
kadib, wuxuu
Rasuulka (scw) u
laabtay reerkiisa,
isagoo ku yiri “soo
aruuriya wixii cunto
ah ee aad
haysaan, waxaadna u
geysaan Thumaama
Binu Uthaal”.
Maamuusiddii
Rasuulka (scw) ee
Thumaama
Dhinaca kale, wuxuu
Rasuulka (scw) amray
in hashiisa looga
liso Thumaama
subixii iyo
galabtii, loona
geeyo si uu dhamo
caanahaas.
Maamuusiddaas iyo
wanaaggaas uu
Rasuulka (scw) u
qaddimayo Thumaama
waxay dhacday kahor
intuusan xabiibka
Suubbanaha Rasuulka
(scw) la kulmin ama
uusan la hadlin
Thumaama bin Uthaal.
Intaa dabadeed,
wuxuu Rasuulka (scw)
soo aaday xaggii
Thumaama, isagoo
doonaya inuu si
tartiib ahaan uu u
soo geliyo diinta
islaamka. Wuxuu
Rasuulka (scw) ku
yiri Thumaama:
“maxaad haysaa
Thumaamow?”.
Thumaama wuxuu yiri
“waxaan hayaa kheyr
Muxammadow..,
haddaad dishid
waxaad dishay nin
dhiig idinka galay,
haddaad gallad
sameysid-na waxaad
ku galladaysatay qof
kugu mahadinaya,
haddiise aad
doonaysid maal,
weydiiso intaad
doontid ayaa lagaa
siin’e’’. Wuu isaga
tagay Rasuulka
(scw), isagoo
Thumaama ku xirnaa
tiirkiisa labo
maalmood, halkaasna
loogu geynayo
cuntada iyo
cabbitaanka, loogana
soo lisayo hashii
Rasuulka (scw).
Maalintii danbe ayuu
Rasuulka (scw) u
yimid Thumaama,
wuxuuna markale ku
yiri “maxaad haysaa
Thumaamow?”.
Thumaama wuxuu yiri,
ma hayo waxaan ka
ahayn hadalkii aan
horey kuugu iri,
haddaad gallad
sameysid waxaad ku
galladaysatay qof
kugu mahadinaya,
haddaad dishid
waxaad dishay nin
dhiig idinka galay,
haddiise aad
daanaysid maal,
weydiiso intaad
doontid ayaa lagaa
siin’e..
Haddana, sidii oo
kale ayuu isaga
tagay Rasuulka
(scw), jeer uu misna
markale u yimid,
isagoo ku leh
“maxaad haysaa
Thumaamow?”. Wuxuu
yiri: “hadalkii hore
un baan hayaa..,
haddaad gallad
sameysid waxaad ku
galladaysatay qof
kugu mahadinaya,
haddaad dishid
waxaad dishay qof
dhiig idinka galay,
haddiise aad
doonaysid maal,
weydiiso intaad
doontid ayaa lagaa
siin’e”. Intaa ka
dib, wuxuu Rasuulka
(scw) jaleecay
asxaabtiisa, wuxuuna
ku yiri “iska sii
daaya Thumaama..”.
Asxaabtii waxay
xargaha ka fureen
Thumaama, dabadeedna
sidii ayeey ku sii
daayeen..
Way saameesay wuuna
soo islaamay
Thumaama waxaa
saameysay dabci
wanaaggii iyo
naxariistii Rasuulka
(scw). Thumaama Binu
Uthaal wuxuu ka
dhaqaaqay masjidkii
Rasuulka (scw), wuu
sii socday jeer uu
ka gaaray meesha loo
yaqaano “Nakhl” una
dhow magaallada
Madiina, wuxuu yimid
meel balli biyood
ah, wuxuu ratigiisii
ku xirtay toggii
biyaha, dabadeedna
biyihii ayuu isku
daahiriyay, kadibna
wuxuu u laabtay
masjidkii Rasuulka
(scw). Maba uusan
iman goob ay ka
buuxaan koox
muslimiinta ka mid
ah, jeer uu goobtii
ka qiray shahaadada,
wuxuuna yiri “waxaan
qirayaa inuu jiro
Allaha xaqa ah,
waxan kaloo qirayaa
Muxammad inuu yahay
addoonkiii iyo
adeegihii Alle
(sw)”, dabadeedna
wuxuu aaday Rasuulka
(scw) isagoo ku
yiri: “Muxammadow,
wallaahi ayaan ku
dhaartaye ma jirin
qof saaran dunida
guudkeeda aan adiga
kaa necbaa, hase
ahaatee hadda
wejigaaga wuxuu
noqday wejiyada oo
dhan kan aan ugu
jeclahay. Wallaahi
ayaan ku dhaartaye
ma jirin diin aan ka
necbaa diintaada,
haddase diintaada
waxaan ka jeclahay
diimaha dhammaantood
. Wallaahi ayaan ku
dhaartaye ma jirin
magaallo aan ka
necbaa
magaalladaada,
haddase
magaalladaada ayaan
ka jeclahay
magaalooyinka oo
idil” Dabadeedna
wuxuu intaa Thumaama
raaciyay “waxaan
asxaabtaada ka galay
dhiig oo waxaan
asxaabtaada ka
laayay rag badan, ee
maxaa igu waajibaya
inaan sameeyo?”.
Wuxuu yiri Rasuulka
(scw) isagoo
tilmaamaya samaaxada
diintaan ay leedahay
“korkaaga cannaan ma
ahaanin Thumaamow,
Islaamku wuxuu jaraa
oo tirtiraa wixii
denbi ee hore”,
wuxuuna ugu
bishaareeyay kheyrka
iyo wanaagga uu
Eebbe (sw) u qoray
islaamnimadiisa
awgeed. Waxaa farxad
awgeed fur-furantay
wejigii Thumaama
Binu Uthaal, wuxuuna
ku yiri Rasuulka:
“wallaahi ayaan ku
dhaartaye inaan
mushrikiinta ka leyn
doono labo-laabyo
intii aan ka laayay
asxaabtaada, dhinaca
kale waxaan naftayda
iyo seeftayda iyo
cidda ila socotaba
aan yeelayaa
gargaarkaaga iyo u
gargaarka
diintaada”, wuxuu
kaloo intaa ku daray
“Rasuulkii Allow
fardoollaydaada ayaa
dhexda iga qabsatay
annigoo doonaya
inaan soo cumreysto,
ee maxaad igula
talinaysaa inaan
sameeyo?”.
Wuxuu Rasuulka (scw)
ku yiri Thumaama “u
kac gudashada
cumradii aad u
socotay, hase
ahaatee waa inaad u
gudataa sida
waafaqsan
shareecadda Alle iyo
Rasuulkiisa”, isagoo
barayna qaabka loo
guto acmaasha
cumrada. Thumaama
ayaa u jiheestay
magaallada Makka,
isagoo doonayaa inuu
soo cumreysto. Wuxuu
istaagay bartamaha
magaallada Makka,
isagoo si sare
codkiisa ugu qaadaya
oraahda talbiyadda
cumrada, isla
markaasna leh
“Labbay-ka-allaahuma
Labbay-ka, Labbay-ka
Laa Shariika Laka,
Innal-Xamda
Wannicmata Laka
Wal-Mulk, Laa
Shariika
Laka..”taasoo
macnaheedu yahay
Ilaahayow adiga
unbaan ku ajiibay oo
ku aqbalay, waan ku
ajiibay oo ma lihid
Ilaah lagula
wadaajiyo cibaadada,
Mahadi iyo Gallad
adigaa leh iyo
boqortooyaba, Mana
lihid Alle lagula
wadaajiyo cibaadada.
Muslimkii ugu
horeeyay ee gala
Makka isagoo
gudanaya cumrada
Thumaama Binu Uthaal
Ilaah ha ka raalli
noqdee wuxuu ahaa
muslimkii ugu
horeeyay ee gala
magaallada Makka,
isagoo
talbiyeysanaya.
Markii ay qureysh
maqleen dhawaaqii
Thumaama ayaa waxay
hal mar ku soo
qamaameen xaggiisa,
iyagoo aad uga
careysan falka
Thumaama. Waxay la
soo baxeen
seefahooda, iyagoo
soo aadayna dhinacii
ka soo yeerayay
dhawaaqii Thumaama,
si ay u qabtaan
ninkan ugu soo galay
buulkoodii ama
goobtii ay
degganaayeen. Codkii
Thumaama wuxuu cirka
isku sii shareeray
markii ay u soo
dhowaadeen oo ay u
yimaadeen qureysh,
weliba isagoo si
geesnimo ku jirto u
eegayo xaggooda. Mid
ka mid ah
dhalinyaradii
qureysh ayaa damcay
inuu ku dilo
Thumaama seeftiisa,
hase ahaatee
tolkiisa ayaa
qabtay, iyagoo ku
yiri “war miyaadan
aqoonin ninka aad u
fa-fakanaysid, waa
Thumaama Binu Uthaal
ee ahaa boqorkii
Yamaama, wallaahi
haddaad u geysatid
dhibaato waxaa
hubaal ah inuu naga
jarayo sahaydii aynu
heli jirnay,
dabadeedna gaajo
ayeeynu u
dhimanaynaa”. Intaa
kadib, qureysh waxay
aadeen xaggii
Thumaama kadib
markay seefahoodii
ku cesheen galalkii
ay ku jireen,
waxayna ku
yiraahdeen “ma
waxaad ka baxday
diintaadii iyo
diintii ay haysteen
aabayaashaadii
hore”. Thumaama
wuxuu yiri “kama
tegin diintayda,
hase ahaatee waxaan
raacay diin tan ugu
kheyrka badan...,
waxaan raacay
diintii Nebi
Muxammad”, wuxuuna
intaa ku daray
“Rabbiga kacbadan
leh ayaan ku
dhaaranayaaye
inaydan idin soo
gaari doonin kadib
markaan ku laabto
Yamaama kheyraatka
Yamaama ka yimaada
jeer uu kiina ugu
danbeeya ka raaco
Nebi Muxammad” .
Cunaqbatayntii uu
Thumaama ku soo
rogay qureysh
Thumaama Binu Uthaal
siduu Rasuulka (scw)
u amrayba wuxuu
cumreystay iyadoo ay
arkayaan qureysh. U
dhowaanshaha Alle
awgeed ayuu u
gawracay, oo ma
uusan u gowracin
sanamyadii ku yiilay
hareeraha kacbada.
Thumaama wuxuu ku
soo laabtay
magaalladiisa,
wuxuuna tolkiisa
amray in sahayda ay
ka joojiyaan
qureysh, sidiina
ayeeyna ugu
hoggaansameen
amarkiisa, oo
Thumaama wuxuu
cunaqabatayn
dhaqaale ku soo
rogay qureyshtii
degganayd Makka.
Qureysh waxay u
adkeysan waayeen
cunaqabatayntii uu
ku soo rogay
Thumaama Binu
Uthaal, waxayna
cunaqabatayntii u
keentay sicir-barar,
iyo iyadoo gaajadii
iyo abaartii ay ku
faaftay dadkii
degganaa Makka iyo
nawaaxigeeda, jeer
ay u cabsadeen
naftooda iyo
caruurtooda inay u
dhintaan gaajo
awgeed.
Waxay u
dacwoodeen Rasuulka
(scw)
Markay arrintu
halkaas mareyso,
waxay gaalladii
qureysh u cawdeen oo
u qoreen Rasuulka
(scw), iyagoo ku leh
“waxaan kaaga
baranay inaad
xiriirisid
qaraabada, dadkana
aad ku boorrisid
xiriirka
qaraabada.., waa kan
oo waxaad goysay
qaraabadeena, waxaad
waalidiintii ku
laysay seefaha,
caruurtiina waxaad
ku laysay gaajo.
Thumaama Binu Uthaal
wuxuu naga gooyay
sahaydeenii, oo wuu
na dhibaateeyay,
haddii aad u
qoraysid qoraal aad
ugu sheegaysid inuu
noo soo celiyo
sahaydii aan heli
jirnay fadlan
samee”. Rasuulka
(scw) wuxuu warqad u
diray Thumaama,
isagoo farayna inuu
ka qaado
cunaqabatayntii uu
ku soo rogay
qureysh, sidiina
ayuu Thumaama u
fuliyay amarkii
Rasuulka (scw).
Intaa wixii ka
danbeeyay, Thumaama
Binu Uthaal intuu
noolaa oo dhan wuxuu
ahaa kii u
hoggaansama diinta,
aadna u ilaaliya oo
fuliya ballamihii
Nebiga (scw). Markii
uu Rasuulka (scw) la
kulmay Allihii
sarreeyay, uuna
geeriyooday,
markaasna ay
carabtii billaabeen
inay isaga laabtaan
diinta iyagoo
koox-koox ah, ayaa
istaagay Musaylamata
Al-kadaab kana
dhashay qabiilka
reer Banii Xaniifa
isagoo dadka ugu
yeeray inay isaga
rumeeyaan. Haddaba,
waxaa istaagay
Thumaama Binu
Uthaal, isagoo
tolkiisa u digaya
kuna oranaya “reer
Banii Xaniifow
waxaan idiinkaga
digayaa arrinkan
mugdiga leh ee aan
lahayn iftiinka.
Wallaahi ayaan ku
dhaartaye waxay
ayaan-darro haysataa
qofkii rumeeya
Musaylamata, dhinaca
kale waa imtixaan
lagu eegayo qofkii
aan isaga rumeyn”,
wuxuu kaloo Thumaama
tolkiisa ku yiri
“Reer Banii Xaniifow
waxaa hubaal ah
inayan labi nebi
wada kulmi karin hal
waqti, Nebi Muxammad
waa Rasuulkii Alle
mana ka danbeeyo
gadaashiis Nebi
kale, mana jiraan
nebi lala wadaajiyo
isaga nebinimada,
dabadeedna wuxuu
aqriyay billoowga
suuradda Qhaafir ee
uu Eebbe (sw) ku
leeyahay:
“Xaamiim (oo ka mid
ah ereyada
mucjisooyinka ku
tusinaya, Alle ayaa
og macnaha loola
jeedo), soo dejinta
kitaabka waxay ka
ahaatay Allaha
casiiska ah ee og
wax walba. Waa
Allaha dhaafa
denbiga, aqbalana
towbadda ayna
ciqaabtiisu daran
tahay ee leh nimcada
badan Ilaah kale aan
isaga ahayn ma jiro,
xaggiisana ayaa loo
noqon.”. Isagoo
Thumaama is
barbardhigayo
hadalkaas Eebbe (sw)
leeyahay, iyo
hadalka ninka
sheeganayo in isna
lagu soo
dejiyay aayado
qur’aan ah. Thumaama
wuxuu yiri ma
hadalkii Eebbe (sw)
ayaa lala
barbardhigi karaa
hadalka Musaylamata
uu ku leeyahay “
rahow iska ciy,
cabbitaana ma diidi
kartid, biyahana ma
wasakhayn kartid”.
Intaa kadib wuxuu
Thumaama gooni ula
baxay intii diinta
islaamka ku hartay,
ee ka mid ahaa
tolkiisa. Way tageen
iyagoo si jidka Alle
ula dagaalamaya
dadkii ka riddoobay
diinta, iyagoo
sidaas u
sameenayayna si
kalimadda Alle ay u
kor ugu noqoto
dunida.
Ilaah ha kaga
abaaliyo Thumaama
Binu Uthaal islaamka
iyo muslimiinta
kheyr, hana ku
maamuuso Jannadii uu
Eebbe (sw) u
yaboohay kuwa Alle
ka cabsada, intaana
waxaa ku dhammaatay
sheekadii Allaha u
naxariistee Thumaama
Binu Uthaal.