(22)
Wuxuu lahaa
weji furan oo
qurxoon, joog
iyo jamaal loo
dhammeystiray.
Ma uusan lahayn
hilib sidaa u
sii weyn, dherer
iyo fudeyd xagga
jirka ah ayaa
intaas u sii
dheereed. Way ku
il-qabowsanaysay
isha eegaysa
xaggiisa, wehel
iyo xasilooni
ayuu ka helayay
qofka agtiisa
jooga.
Dhinaca kale,
waxaa kaloo
intaas u sii
dheereed, isagoo
ku tilmaanaa
jilicsanaan uu u
hayo
walaalihiisa
islaamka iyo
xishood daran.
Hase ahaatee,
hadduu arrinku
dhinaca kale isu
beddelo wuxuu
noqonayay qof la
tamaasha
duruufta markaas
uu ku jiro.
Saxaabiga aan
sidaas u
tilmaanay waa
saxaabigii lagu
ammaanay
dhowrista
ammaanada, loona
bixiyay amiinka
Ummadda Nebi
Muxammad (scw),
waa saxaabigii
isagoo dunida
saaran loogu
bishaareeyay
inuu geli doono
Jannada, waa
saxaabiga lagu
magacaabo Caamir
Binu Cabdillaahi
Binu Al-Jarraax,
Ilaah ha ka
raalli noqdee,
kana dhashay
qureysh,
kunyadiisuna ay
tahay Abuu
Cubeyda.
Muxuu
Cabdullaahi Binu
Cumar ka yiri
Abuu Cubeyda
|
Abu
Cubeyda
wuxuu
kamid
ahaa
dadkii
ugu
horreeyey
ee soo
Islaamay
|
Cabdullaahi
Binu Cumar Ilaah
ha raalli noqdee
ayaa isagoo
sifeenaya oo
tilmaamaya Abuu
Cubeyda wuxuu
yiri “saddex qof
oo ka soo jeeda
qabiilka qureysh
waxay noqdeen
dadka kuwa ugu
suubban xagga
akhlaaqda, xagga
xishoodkana ugu
sugnaan badan,
haddey kuu
sheekeeyaan
lagama yaabo
inay been kuu
sheegaan,
haddaad u
sheekeesana kuma
beensadaan,
waxayna kala
yihiin Abuubakar
Assiddiiq,
Cusmaan Binu
Caffaan iyo Abuu
Cubeyda Binu
Al-Jarraax”.
Wuxuu Abuu
Cubeyda Allaha
ka raalli noqdee
ka mid ahaa
dadkii ugu
horeeyay ee soo
gala diinta
islaamka.
Maalintii labaad
ee uu Abuubakar
soo islaamay
ayuu Abuu
Cubeyda isna soo
islaamay,
waxaana inuu soo
islaamo sabab u
ahaa isla
Abuubakar
Assiddiiq Ilaah
ha ka raalli
noqdee.
Abuubakar wuxuu
Abuu Cubeyda,
Cabdiraxmaan
Binu Cawf,
Cusmaan Binu
Madcuun iyo
Al-Arqam Binu
Al-Arqam u soo
waday Rasuulka
(scw), sidiina
ayeeyna
shahaadada
towxiidka ugu
hor qireen
Rasuulka (scw),
waxayna
maalintaas wixii
ka danbeeyay
noqdeen
saldhigyadii ugu
horeeyay ee lagu
taagay diintii
islaamka ee
sarreesay.
Imtixaanadii
la mariyay Abuu
Cubeyda
Allaha ka
raalli noqdee
wuxuu Abuu
Cubeyda
billowgii diinta
islaamka la
kulmay
tijaabooyinkii
cuslaa ee
qaraaraa, isagoo
jooga magaallada
Makka, wuxuuna
imtixaankaas ku
jiray laga soo
billaabo
biloowgeeda ilaa
dhammaadka.
Wuxuu Abuu
Cubeyda la
qaybsaday
dhibaatooyinkii
waaweynaa ee soo
gaaray
muslimiinta,
isagoo
muujiyayna
sugnaansho iyo
adeysi weyn,
wuxuuna si dhab
ahaan u rumeeyay
Eebbe (sw) iyo
Rasuulkiisa
(scw) mowqif
kasta.
Hase ahaatee,
imtixaanadii iyo
tijaabooyinkii
la mariyay Abuu
Cubeyda
maalintii
dagaalka Badr
wuxuu dhaafay
dhammaan dadka
wax xisaabiya
xisaabtankooda,
sidoo kale wuxuu
dhaafay dadka
wax mala-awaala
mala-awaalkooda.
Wuxuu Abuu
Cubeyda
maalintii Badr
dhex jeexay
safafkii
gaallada sida
qof aan ka cabsi
qabin geeri ama
dhimmasho, jeer
ay ka cabsadeen
gaalladii. Waxaa
xaggiisa soo
aadi waayay
fardoollaydii
dagaalyahaniinta
ahaa, iyagoo
markasta ka
fogaada dhinaca
uu ka
dagaalamayay
Abuu Cubeyda.
Hase ahaatee,
waxaa jiray nin
isagu u soo
banbaxay
dhinacii Abuu
Cubeyda, isagoo
meeshuu aado-ba
daba-gala. Wuxuu
Abuu Cubeyda
ahaa kii ka
fogaada waddadii
uu ka imaanayay
ninkaas, isagoo
ka fogaanaya la
kulankiisa iyo
inuu ku soo aado
dagaalka.
Weerarkii uu
waday ninkii
ayaa sii
ballaartay, Abuu
Cubeyda
dhinaciisana
wuxuu badiyay
fogaanshaha,
jeer markii
danbe Abuu
Cubeyda laga soo
xiray dhammaan
waddooyinkii uu
mari lahaa,
isagoo ka hor
istaagayna la
dagaalankii
cadoowgii Alle.
Ficilkiisa
awgeed waxaa ku
soo degtay aayad
qur'aan
|
Dhab
ahaantii
Abuu
Cubeydah
ma uusan
dilin
aabihiis,
balse
wuxuu
dilay
shirkigii
iyo
kufrigii
ku dhex
jiray
aabihiis. |
Markii uu
Abuu Cubeyda u
adkeysan waayay
arrintaas, ayaa
wuxuu seeftiisa
kula beegsaday
ninkii xaggiisa
soo aadayay
weliba dhufasho
daran oo laba
ka-kala dhigtay
madaxiisa,
sidiina ayuu
ninkii dhulka
ugu dhacay
isagoo dangiigan
oo weliba
dhintay.
Haddaba,
akhristoow ha
isku sii
wareerin inaad
ogaatid qofkaas
dhintay kuu
yahay. Soow
horey umaanan
oran,
tijaabooyinkii
qallafsanaa ee
uu soo maray
Abuu Cubeyda
awgeed wuxuu
dhaafay kuwii
wax xisaabinayay
xisaabtankooda,
sidoo kale kuwa
wax mala-awaala
mala-awaalkooda.
Waxaa dhici
karta akhristow
inaad aad ula
yaabtid haddaad
ogaatid in ninka
la dilay uu
yahay
Cabdullaahi Binu
Al-Jarraax oo
ahaa Abuu
Cubeyda
aabihiis. Dhab
ahaantii Abuu
Cubeydah ma
uusan dilin
aabihiis, balse
wuxuu dilay
shirkigii iyo
kufrigii ku dhex
jiray aabihiis.
Waxaa Abuu
Cubeyda isaga
sababtiis iyo
arrinka aabihiis
dartii ku soo
degtay aayad
qur’aan ah, waa
aayadda ugu
danbeysa ee ku
jirta suuradda
Al-Mujaaddala.
Wuxuu Alle
(sw) ku yiri
aayaddaas: “Ma
helaysid qolo
rumeenaysa Alle
iyo maalinta
aakhiro,
kuwaasoo jecel
cid Alle iyo
Rasuulkiisa
khilaafay, haba
noqdeen kuwaas
aabayaashooda,
ubadkooda,
walaalahood ama
qabiilkoodaba,
kuwaas (aanan
jeclayn kuwa
khilaafay
Ilaahay iyo
Rasuulkiisa)
wuxuu Alle
laabtooda ku
qoray iimaanka,
wuxuuna ku
xoojiyay ruux
xaggiisa ka
ahaatay, wuxuuna
gelinayaa
Jannooyin
durreereysa
xaggeeda hoose
webiyaal iyagoo
ku waarayana
jannada
dhexdeeda, Ilaah
wuu ka raalli
noqday iyaga,
iyaguna way ka
raalli noqdeen,
kuwaas waa
xisbiga Alle,
xisbiga Alle-na
waa kuwa
guuleystay/liibaanay”.
[Dhegeyso
Ayadda 22 ee
Al-Mujaadalah]
Waa amiin
isla markaana ku
adag diintiisa
|
“waxaa
la tagay
sifadii
aan
rabay
Abuu
Cubeyda”.
|
Inuu Abuu
Cubeyda dilo
aabihiis ayaanan
ahayn wax sidaas
loola yaabo,
maxaa yeelay
waxay awoodda
rumeyntiisa
Eebbe (sw)
gaartay, iyo
taageerada uu ku
bixinayo
diintiisa iyo
weliba
amaanadiisa ee
ummadda Nebi
Muxammad meel ay
u hanqal-taagto
nafaf fara badan
marka laga eego
Eebbe (sw)
agtiisa. Waxaa
sheekeeyay
Muxammad Binu
Jacfar, wuxuuna
yiri: “waxaa
Rasuulka (scw) u
soo wafdiyay
wafdi koox
kirishtaan ah,
waxay ku
yiraahdeen: Yaa
Abal-qaasim (mid
ka mid ah
kunyada Nebiga
s.c.w ee aan
habboonayn inuu
qof kale ku
kunyoodo ama la
baxo) waxaad noo
soo dirtaa nin
ka mid ah
asxaabtaada oo
aad raalli nooga
tahay, si uu noo
kala garsooro
dhexdeena arrimo
la xiriira hanti
aan isku qabanay
awgeed, haddaad
tihiin jamaacada
muslimiintana
waxaad tihiin
kuwo aan
xaggeena laga
raalli yahay”.
Rasuulka (scw)
wuxuu ku yiri
“ii imaada
galabta, waxaan
idinku darayaa
nin qawi ah ahna
amiin”. Cumar
Binu Khadiib
ayaa markuu
maqlay hadalkaas
wuxuu yiri:
waxaan waqti
horey sii aaday
salaaddii
duhurka, mana
jeclaanin
madaxtinimo
maalintaas aan
ka ahayn
jaceylka aan u
qabay inaan
noqdo ninka leh
tilmaantaas iyo
sifadaas uu
sheegay Nebiga
(scw). Markii uu
na tujiyay
Rasuulka (scw)
salaaddii
duhurka, wuxuu
billaabay inuu
eeg-eego xagga
midigtiisa iyo
bidixdiisa,
annigana waxaan
billaabay inaan
kor ahaan u
qooraansado, bal
si uu ii arko
Rasuulka (scw),
sidii ayuu u
eeg-eegayay
Rasuulka (scw)
asxaabta
dhexdooda jeer
uu markii danbe
ka arkay Abuu
Cubeyda Binu
Al-Jarraax,
kadibna wuu u
yeeray, wuxuuna
ku yiri: “waxaad
raacdaa iyaga oo
si xaq ah u kala
xukmi dhexdooda
waxay isku
khilaafeen”.
Waxaan naftayda
ku iri “waxaa la
tagay sifadii
aan rabay Abuu
Cubeyda”.
Sifooyin
wanaagsan ayuu
kulansaday
|
Abuu
Cubeyda
wuxuu
raggii
la
socday
siinayay
maalin
kasta
mid
kasta oo
saxaabada
ka mid
ah
xabbad
timir ah.
|
Haddaba, Abuu
Cubeyda Binu
Al-Jarraax ma
ahayn oo keliya
amiin, balse
wuxuu amaanada
ku darsaday
quwad iyo ku
adkeysi daran
dhinaca diinta,
taasina waxaan
ku arki karnaa
wax ka badan hal
jeer. Mar waxay
ahayd markii uu
Rasuulka (scw)
diray koox ka
mid asxaabta si
ay uga hortagaan
safar ay lahayd
qureysh, wuxuuna
Rasuulka (scw)
kooxdaasi amiir
ama madax uga
dhigay Abuu
Cubeyda Binu
Al-Jarraax
Allaha ka raalli
noqdee, wuxuuna
sahay ahaan u
sii siiyay oli
(maqaarka neefka
ariga, wax baana
lagu radin jiray
waagii hore) ay
ku jiraan timir,
maxaa yeelay ma
uusan u awoodin
waxaan ka ahayn
intaas. Abuu
Cubeyda Binu
Al-Jarraax wuxuu
raggii la socday
siinayay maalin
kasta mid kasta
oo saxaabada ka
mid ah xabbad
timir ah,
markaasuu qof
weliba
muudsanayay
xabbaddii
timirta ahayd,
sida uu cunuga
yariba uu u
nuugo naaska
hooyadii. Sidaas
ayuu qof kasta
sameenayay
maalin kasta,
isagoo xabbadaas
timirta ku cabbi
jiray biyo,
wayna ku filnaan
jirtay
maalintoodaas,
iyadoo aan
sidaas ka fahmi
karno halka ay
gaarsiisan tahay
rafaadka iyo
dhibaatada ka
soo gaaray
dagaalkaas,
xittaa waxaa
kaloo la sheegaa
inay xittaa
saxaabadii
markii danbe ay
dani ku qasbtay
inay cunaan
caleemaha
geedaha, gaajo
awgeed.
Sababta ay
uga dhaceen
foolashiisii
hoose
|
“wuxuu
Abuu
Cubeyda
ahaa
afloowihii
ugu
fiicnaa
dadka”.
Abuubakar |
Markii la soo
gaaray dagaalkii
maalintii Uxud,
markii la
jebiyay
ciidamadii
muslimiinta,
mushrikiintiina
ay billaabeen
inay dhawaaqaan
iyagoo leh “na
tusiya
Muxammad.., na
tusiya
Muxammad”.
Waqtigaas iyada
ah, wuxuu Abuu
Cubeyda Binu
Al-Jarraax Ilaah
ha ka raalli
noqdee ka mid
ahaa tobankii
isku soo
gadaamay
Rasuulka (scw)
si ay uga
difaacaan
warmihii ay soo
tuurayeen
mushrikiinta.
Markii ay
dhammaatay
dagaalkii Uxud,
wuxuu Rasuulka
(scw) ahaa kii
la jabiyay
dhooshiisa,
sidoo kale waxaa
la dakhray
dhafoorkiisa,
koorarkiisana
waxaa ka gashay
labo birood oo
ka mid ah
miqhfarkii
(koofiyadaha
madaxa iyo
wejiga qariya ee
dagaalka
waqtigaas la
gashan jiray).
Waa dhaawac
halis ah lehna
xanuun badan.
Waxaa xaggii
Rasuulka (scw)
soo aaday
Abuubakar
Assiddiiq Ilaah
ha ka raalli
noqdee, isagoo
doonaya inuu ka
soo siibo
birihii Rasuulka
ka galay
kulleetagiisa..
Abuu Cubeyda
Binu Al-Jarraax
ayaa ku yiri
Abuubakar “Ilaah
ayaan kugu
dhaarinayaaye
inaad ii dhaafto
ka soo bixinta
anniga”, sidiina
ayuu abuubakar
ugu dhaafay.
Abuu Cubeyda
wuxuu ka
cabsaday haddii
uu ku soo siibo
birihii
gacantiisa, inuu
xanuujiyo
Suubbanaha
Rasuulka (scw),
sidaa darteed
wuxuu birihii
ugu horeeyay
midkood ku
qaniinay
foolashiisii
afarta ahaa
weliba qaniinyo
iyo qabasho
daran oo sugan,
sidiina ayuu
birtii ku soo
siibay, inkastoo
ay dhacday
foolkiisii
hoose. Haddana
markale ayuu
foolkiisii kale
ee hoose ku
qaniinay birtii
kale, kadibna
wuu soo siibay,
waxaa misna soo
dhacday foolkii
kale ee hoose.
Abuubakar Ilaah
ha ka raalli
noqdee wuxuu
yiri “wuxuu Abuu
Cubeyda ahaa
afloowihii ugu
fiicnaa dadka”,
maxaa yeelay
waxay ka dhaceen
isagoo ka
siibaya biirihii
ku jiray
Rasuulka (scw).
Dhammaan
dagaalladii
jihaadka oo idil
wuu ka qayb
galay
|
Abuu
Cubeyda
wuxuu ku
yiri
Cumar
Binu
Khadaab
“ma ihi
ruux ka
hormaraya
nin uu
amray
Rasuulka
(scw)
inuu
salaadda
na
tujiyo
jeer uu
Nebiga
ka
dhintay”.
|
Abuu Cubeyda
Binu Al-Jarraax
wuxuu kala qayb
galay Rasuulka
(scw) dhammaad
dagaalladii
dhacay laga soo
billaabo
maalintii uu soo
islaamay ilaa uu
ka geeriyooday,
waana sharaf aad
u weyn oo uu
dheer yahay qaar
ka mid ah
asxaabta.
Maalintii loogu
magac daray
“SAQIIFA” ee
ahayd maalintii
madaxtinimada
ama khilaafada
loo dooranayay
Abuubakar wuxuu
Cumar Binu
Khadaab Ilaah ka
raalli noqdee ku
yiri Abuu
Cubeyda “fidi
gacantaada si
aan kuu doorto,
maxaa yeelay
waxaan maqlay
Rasuulka (scw)
oo leh Ummad
kasta waxay
leedahay amiin,
adigana waxaad
tahay ummaddan
amiinkeeda”.
Abuu Cubeyda
wuxuu ku yiri
Cumar Binu
Khadaab “ma ihi
ruux ka
hormaraya nin uu
amray Rasuulka
(scw) inuu
salaadda na
tujiyo jeer uu
Nebiga ka
dhintay”.
Intaa kadib
waxaa baycada
lala galay oo la
doortay
Abuubakar
Assiddiiq. Abuu
cubeyda wuxuu
Abuubakar u ahaa
mid ku taageera
kheyrka iyo
xaqa. Sidaas
ayeeynan agtooda
qiimo ugu lahayn
madaxtinimada
iyo xukunka
dadkii suubbanaa
ee salafka,
halka aan maanta
qaar ka mid ah
muslimiinta ay
waxay awoodaan
oo idil ugu
hagar baxayaan
sidii ay u heli
lahaayeen kursi,
ama ay u noqon
lahaayeen
madaxweyne iwm.
Maamulladii
khilaafada
Abuubakar iyo
Cumar wuxuu Abuu
Cubeyda siiyay
aqbalaadda iyo
daacada, isagoo
aan haba
yaraatee aan ku
caasin ama garab
marin amarkooda
marka laga reebo
hal jeer.
Haddaba, maxay
ahayd halkaas
jeer ee uu Abuu
Cubeyda uusan
aqbalin taladii
uu u soo
jeediyay
khaliifka ama
amiirka
muslimiinta.
Waxay
dhacday, markii
uu Abuu Cubeyda
Binu al-Jarraax
ku sugnaa
carriga Shaam,
isagoo markaas
ku hoggaaminayay
ciidanka
muslimiinta guul
daba socota guul
kale jeer uu
gacantiisa uu
Eebbe (scw) ku
furo dhammaan
magaalooyinka
Shaam, isagoo
gaaray xagga
webiga barri ee
Furaat (Ciraaq),
sida kale xagga
aasiyada yar-na
waqooyigeeda
(Turkiya).
Markay
halkaas mareyso,
waxaa gobolka
Shaam si lama
filaan ah ka
dillaacay
cudurka halista
ah ee daacuunka,
cudurkan oo
aynan horey ugu
arag dadka.
Cudurkii wuxuu
si ba'an u
shafay oo u
laayay dadkii
degganaa
magaalooyinkaas.
Cumar Binu
Khadaab ayaa
markuu maqlay
inuu cudurka
daacuunka ka
dillaacay
gobolka Shaam,
ayna ku
sugnaayeen
ciidamadii
muslimiinta ee
uu hoggaaminayay
Abuu Cubeyda
Binu Al-Jarraax
Abuu Cubeyda u
diray dhambaal
uu ku leeyahay
Abuu Cubeyda
"waxaan kaaga
soo baahday dan
aan adiga kaaga
maarmi waayay,
ee haddii uu ku
soo gaaro
dhambaalkaygan
xilli habeen ah
waxaan kugu
adkeenayaa
inuusan
waaberiga kuu
baryin jeer aad
xaggeyga uga soo
safartid. Sidoo
kale, haddii aad
heshid
dhambaalakayga
maalin dharaar
ah, waxaan kugu
adkeenayaa
inaadan
galabeysan jeer
aad xaggeyga uga
soo safartid.
Abuu Cubeyda
Binu Al-Jarraax
markii uu arkay
dhambaalkii
Cumar, wuxuu
yiri "waan
ogaaday danta uu
iga doonayo
amiiral-mu'miniinka,
wuxuu doonayaa
inuu baaqi yeelo
qof aan dunidan
ku baaqi
noqonaynin,
dabadeedna wuxuu
u diray
qoraalkan uu ku
leeyahay
"amiiral
mu'miniinow waan
gartay dantii
aad iga lahayd,
anniguna waxaan
ku dhex
suganahay
ciidanka
muslimiinta,
mana doonayo
inaan naftayda
ka badbaadiyo
waxa soo
gaaraayo
ciidanka
muslimiinta, oo
dooni maayo
inaan ka dhex
baxo ciidanka
jeer uu Eebbe
(sw) ka xukumo
arrinkayga iyo
kan muslimiinta.
Sidaa darteed
hadduu ku soo
gaaro
qoraalkayga
waxaan kaa
codsanayaa inaad
dhaartaadii aad
iga xalaalaysid,
isla markaana
aad ii fasaxdid
inaan la joogo
ciidamada".
Cudurkii
daacuunka ayuu u
dhintay
Markii uu
aqriyay Cumar
Binu Khadaab
dhambaalkii Abuu
Cubeyda waxaa ka
soo daadatay
ilmo, isagoo
ooyayna,
asxaabtii ayaa
iyagoo la
yaabban waxa ka
oohiyay
amiiral-mu'miniinka
Cumar weydiiyay
su'aal, waxayna
ku yiraahdeen
"amiiral-mu'miniinow
ma waxaa dhintay
Abuu Cubeyda?".
Cumar ayaa ku
yiri "maya, hase
ahaatee geeridii
ayuu u dhow
yahay". Dhab
ahaantii
malahaas Cumar
way dhab
noqotay, oo wax
yar kadib waxaa
Abuu Cubeyda ku
dhacay cudurkii
halista ahaa ee
daacuunka,
sidiina ayuu u
dhintay Abuu
Cubeyda Allaha u
naxariistee.
|
"waxaan
idiin
dardaarmayaa
dardaaran,
oo
haddii
aad
qaadataan
aydan ka
suulaynin
abadkiin
kheyr.
Waxaad
oogtaan
salaadda,
soomana
bisha
Ramadaan,
saddaqadana
la baxa
(zakada),
gutana
acmaasha
xajka
iyo
cumrada,
u
nasteexeeya
madaxdiina,
oo ha
khiyaamina,
yeynana
idin
mashquulin
adduunyo,
qofku
haddii
kun
sanno oo
cumri ah
la
siiyo,
waxaa
hubaal
ah inuu
aakhirka
ku
sugnaan
doono
halka
aan
hadda ku
suganahay,
wassalaamu
caleykum
waraxmatullaahi"
.
Abu-Cubeyda
oo
saarnaa
sariirta
sakaraadka
|
Dardaarankii
Abuu Cubeyda
Intii uu Abuu
Cubeyda Binu
Al-Jarraax
saarnaa sariirta
sakaraadka wuxuu
u dardaarmay
ciidankii
muslimiinta ee
uu isaga
hoggaaminayay,
wuxuuna ku yiri
"waxaan idiin
dardaarmayaa
dardaaran, oo
haddii aad
qaadataan aydan
ka suulaynin
abadkiin kheyr.
Waxaad oogtaan
salaadda,
soomana bisha
Ramadaan,
saddaqadana la
baxa (zakada),
gutana acmaasha
xajka iyo
cumrada, u
nasteexeeya
madaxdiina, oo
ha khiyaamina,
yeynana idin
mashquulin
adduunyo, qofku
haddii kun sanno
oo cumri ah la
siiyo, waxaa
hubaal ah inuu
aakhirka ku
sugnaan doono
halka aan hadda
ku suganahay,
wassalaamu
caleykum
waraxmatullaahi".
Dardaarankaas
kadib, wuxuu
Abuu Cubeyda
jaleecay oo
milicsaday
saxaabigii
jaliilka ahaa ee
Mucaad Binu
Jabal, wuxuuna
ku yiri
"Mucaadow tuji
dadka". Kamaba
soo wareegan
intaas waxyar
jeer ay ruuxdii
daahirka ahayd
ee Abuu Cubeyda
ay u kor noqoto
Allihii
sarreeyay,
sidaasna ayuu ku
dhintay.
Mucaad Binu
Jabal ayaa
istaagay, isagoo
wacdinaya dadka,
wuxuuna ku yiri
"dadyahow waxaa
idinka baxay nin
-wallaahi ayaan
ku dhaartaye-
garan maayo qof
ka laab-xaaran,
ugana fogaansho
badan sharta,
kana jecel
cirirbta danbe
ee aakhiro,
uguna roon dadka
Abuu Cubeyda, ee
Alle u weydiiyo
naxariis, Allaha
idiin
naxariistee.
Waxaana intaas
ku dhammaatay
sheekadii
saxaabigii
jaliilka ahaa ee
Abuu Cubeyda
Binu Al-Jarraax.