|
ABUU DAR AL-QHIFAARI
”SAXAABIGII SOO
ISLAAMIYAY TOLKIISOO
IDIL”
(23)
Togga lagu magacaabo
”WADDAAN” ayeey
degganaayeen qabiilka
reer Qhifaar. Xoogaaga
ay u soo tuuraan
socotada qureysh ee u
kala goosha
magaalooyinka Shaam iyo
Xijaaz ayeey ku
noolaayeen. Mararka
qaarkood waxaa dhacda
inay si awood leh ay
cuntada uga qaataan, waa
haddii aynan siinin
markaas waxay doonayeen.
Haddaba, Saxaabiga la
yiraahdo Jundub Binu
Junaada, kunyadiisuna
tahay Abuu Dar ayaa
wuxuu ka dhashay
qabiilkaas aan soo
sheegnay ee Qhifaar.
Hase ahaatee, wuxuu
qabiilkiisa kaga duwanaa
isagoo ku caanbaxay
caqli hufnaan, garaad
sarreeya iyo isagoo lagu
yaqiinay inuu lahaa
aragti aad u xeel dheer.
Kuma uusan uu niyad
fiyoobeen sanamyada ay
caabudayeen tolkiisa.
Wuxuu si daran uga soo
horjeeday waxay carabtu
ku sugnaayeen oo ah
cibaado qaldan, iyo
caqiido aan waxna ka
jirin.
Wuxuu u
hanqal-taagayay inuu soo
baxo Nebi cusub oo
buuxiya dadka laabtooda,
isla markaasna ka saara
dadka mugdiyada iyo
baadida ay ku sugan
yihiin, una saara
iftiinka iyo nuurka xaqa
ah. Si kastaba ha
ahaatee, waxaa maalintii
danbe Abuu Dar soo
gaaray –isagoo ku sugan
miyiga- wararka sheegaya
Nebiga cusub ee ka soo
bixi doona magaallada
Makka. Abuu Dar oo
doonaya inuu ka sal
gaaro warkaas ayaa wuxuu
ku yiri walaalkiis Aniis
hadalladan “Aniisow
waxaad u kicitintaa
Makka, oo waxaad
is-dul-is-taagtaa
wararka sheegaya ninka
lagu sheegay inuu yahay
Nebi, oo xagga samadana
looga waxyoonayo.
Hadalladiisa bal noo soo
dhageyso, dabadeedna
iila imoow wuxuu
sheegayo”.
Aniis oo ay walaalo
ahaayeen Abuu Dar ayaa
durbadiiba u kicitimay
Makka. Nasiib wanaag,
markii uu yimid Makka
wuxuu la kulmay Rasuulka
(scw), wuuna dhageystay
hadalladiisa, kadibna
wuxuu ku soo laabtay
miyigii uu ku sugnaa
Abuu Dar. Abuu Dar ayaa
si xiiso leh uga
dhageystay walaalkiis
Aniis wararkii ku
saabsanaa Nebiga (scw).
Aniis wuxuu ku yiri
Abuu Dar “walaahi waxaan
soo arkay nin dadka ugu
yeeraya akhlaaqda
suubban, isla markaasna
ku hadlaya hadallo aan
ahayn sixir”. Abuu Dar
ayaa weydiiyay Aniis
“dadku maxay
lahaayeen?”. Aniis ayaa
ugu jawaabay “waxay
lahaayeen waa sixiroole,
faalalow iyo gabyaa”.
Markii uu Abuu Dar
maqlay hadalladaas waxaa
sii korodhay xiisihiisii
uu u qabay inuu soo arko
Nebiga cusub, sidaa
darteed wuxuu ka
codsaday walaalkiis
Aniis inuu u kafaalo
qaado caruurtiisa intuu
maqan yahay, sidiina
ayuu ugu diyaar garoobay
safarka Makka, kadib
markii uu aqbalay Aniis
dalabkii Abuu Dar,
isagoo u dardaarmay-na
inuu ka digtoonaado
dhibaatooyinka kaga
imaan kara reer Makka.
Sahankii uu ugu jiray
diinta xaqa ah
Abuu Dar wuxuu u
sahay qaatay safarkii
Makka, isagoo horey u
sii qaatay sibraartiisii
biyaha ugu jiray,
wuxuuna cagta saaray
waddadii Makka, si uu
uga gun-gaaro yoolkiisii
ahaa inuu soo arko
Nebiga iyo dhammaan
wararka isaga ku
saabsan.
Ugu danbeyntii, wuxuu
Abuu Dar yimid
magaallada Makka isagoo
aad uga cabsanaya inay
dhibaatooyin ka soo
gaarto reer Makka. Wuxuu
Abuu Dar horey u ogaa
carada iyo ciqaabta
daran ee gaallada reer
Makka ay marinayaan qof
kasta oo raaca ama ay
naftiisa ugu sheekayso
inuu raaco diinta Nebi
Muxammad. Sidaa darteed,
wuxuu Abuu Dar dhibsaday
inuu dadka weydiiyo
Muxammad. Maxaa yeelay,
ma uusan garanayn qofka
uu weydiinayo markaas
inuu noqon karo
taageerayaasha Muxammad
iyo inuu noqon karo
cadowgiisa.
Cali oo marti geliyay
Abuu Dar
Markii la gaaray
habeenkii, wuxuu Abuu
Dar u diyaar garoobay
inuu seexdo masjidka.
Iyadoo uu Abuu Dar ku
sugan yahay masjidka
ayaa waxaa soo ag maray
Cali Bin Abii Daalib
Allaha ka raalli noqdee,
wuxuuna gartay inuu
yahay qariib ama marti.
Cali ayaa ku yiri Abuu
Dar “ ninyahoow kaalay
oo i soo raac”, sidiina
ayuu Abuu Dar ugu raacay
Cali gurigiisa. Markii
la gaaray subixii, wuxuu
Abuu Dar soo qaatay
sibraarkii iyo oleygii
ama qandigii uu horey u
watay, wuxuuna ku soo
laabtay masjidka, iyagoo
aan is wareysan.
Maalintii labaad
wuxuu Abuu Dar ku
dhammeystay isagoo aanan
weli arag Nebiga cusub
ee uu ku rajo weynaa
inuu arko. Markii la
gaaray habeenkii kale
wuxuu Abuu Dar u
jiif-tagay masjidka.
Hase yeeshee sidii hore
oo kale ayaa waxaa soo
ag maray -markale- Cali
Binu Abii Daalib,
wuxuuna ku yiri "soow
lama gaarin waqtigii uu
ninkan aqoonsan lahaa
gurigiisa", dabadeedna
wuxuu u waday gurigiisa,
sidiina ayuuna ula
seexday habeenkii
labaad, iyadoo misna
sidii oo kale ayna weli
is wareysan.
Waxaa dhammaatay
muddadii martida. Markii
la soo gaaray habeenkii
saddexaad, Abuu Dar-na
uu gudbay muddadii
martida ayaa Cali si
degganaansho leh u
weydiiyay, isagoo ku leh
"kawaran haddaad ii
sheegtid sababta aad u
timid Makka?". Abuu Dar
wuxuu Cali ku yiri
"haddaad ballan adag iga
qaaddid inaad i
tusinaysid waxaan
doonayo waan kuu
sheegayaa".
Cali wuxuu Abuu Dar
ka ballan qaaday inuu
fulin doono ballantii uu
la galay isaga. Abuu Dar
wuxuu yiri "waxaanMakka
uga imid meel aad u fog,
dantayduna waa sidii aan
ula kulmi lahaa Nebiga
cusub iyo inaan
dhageysto hadalladiisa".
Farxad awgeed waxaa
fur-furantay wejigii
Cali Binu Abii Daalib,
wuxuuna ku yiri Abuu Dar
"wallaahi ninkaad
sheegtay waa Rasuulkii
Alle ee xaqa ahaa",
wuxuuna intaa u raaciyay
"markii la gaaro subixii
anniga ayaad i soo
raacaysaa, haddaan arko
wax aan kaaga cabsanayo
waxaan u istaagayaa sida
annigoo la moodo inaan
daadinayo biyo oo kale,
haddaan sii wato
socodkana i soo raac
jeer aad ka gashid
meesha aan galo".
Abuu Dar labo indhood
isuma keenin habeenkaas,
hilowga daran uu u qabo
la kulanka Nebiga cusub
awgeed. Subixii markii
la gaaray, waxay Cali
iyo Abuu Dar yimaadeen
gurigii Nebiga (scw).
Markii uu yimid Abuu Dar
wuxuu ku salaamay
Rasuulka (scw) salaantii
ay carabta isku salaami
jireen ee ahayd "cimta
sabaaxan" ama "subax
wanaagsan", hase ahaatee
Rasuulka (scw) ayaa u
sharxay inay muslimiinta
isku salaamaan salaan ka
duwan taas. Riwaayad
kale ayaa sheegaysa inuu
Abuu Dar ku salaamay
Rasuulka (scw) salaanta
islaamka, sidaa darteed
ayaa loo yiraahdaa wuxuu
Abuu Dar ahaa qofkii ugu
horeeyay ee ku salaama
Rasuulka (scw) salaanta
islaamka, dabadeedna
sidaas ayeey ugu dhex
shaacday muslimiinta.
|
Rasuulka
(scw) wuxuu u
soo jaleecay,
soona qaabilay
xaggii Abuu Dar,
isagoo ugu
yeeraya inuu soo
islaamo, wuxuu
ku dul aqriyay
qur'aanka. Wax
yar kamaba soo
wareegan jeer
durbadiiba uu
Abuu Dar ku
dhawaaqo
towxiidka,
|
Rasuulka (scw) wuxuu
u soo jaleecay, soona
qaabilay xaggii Abuu
Dar, isagoo ugu yeeraya
inuu soo islaamo, wuxuu
ku dul aqriyay
qur'aanka. Wax yar
kamaba soo wareegan jeer
durbadiiba uu Abuu Dar
ku dhawaaqo towxiidka,
wuxuuna ku soo biiray
diintii cusbeyd isagoo
weli ku sugan fadhigii
iyo goobtii uu joogay
Nebiga (scw). Abuu Dar
wuxuu galay lambarkii
afaraad ama shanaad ee
soo islaama.
Sheekooyinka Abuu Dar ee
haray-na bal isaga
laf-ahaantiisa ha inoo
sii daadiyo.
Abuu Dar Ilaah ha ka
raalli noqdee wuxuu
yiri: Wixii intaa ka
danbeeyay waxaan
magaallada Makka la
joogay Rasuulka (scw).
Wuxuu i baray guud ahaan
aqoonta la xiriira
diinta islaamka, wuxuu
igu aqriyay qaar ka mid
ah qur'aanka, kadibna
wuxuu igu yiri "inaad
soo islaamtay qof deggan
Makka ha u sheegin,
waxaan ka cabsanayaa
inay ku dilaan". Waxaan
ku iri, waxaan ku
dhaaranayaa Allaha ay
naftayda gacantiisa ku
jirto inaanan joogi
doonin Makka jeer aan ka
tago masjidka Xaramka,
si kor lehna aan ugu
dhawaaqo dacwada xaqa ah
iyadoo ay arkayaan
gaallada qureysh.
Rasuulka (scw) jawaab
kama bixin, oo wuu
aamusay.
Waxaan imid masjidka,
iyadoo qureysh-na ay
fadhido oo ay
sheekaysanayaan.
Dhexdooda intaan galay,
ayaan codkayga kor ugu
qaaday annigoo leh
"jamaacada qureeshay,
waxaan si dhab ah u
qirayaa inuusan jirin
Ilaah aan ka ahayn
Allaha xaqa ah, waxaan
kaloo si dhab ah u
qirayaa inuu Muxammad
yahay Adeegihii iyo
Rasuulkii Alle".
Hadalladaas markay si
fiican u gaareen
dhegihii qureesh hal mar
ayeey si daran u
fajacee, iyagoo aad u
careysan ayaa waxay ka
kaceen fadhiyadoodii,
waxayna yiraahdeen "ha
la qabto kan diintiisa
ka gaaloobay". Xaggeyga
ayeey soo aadeen,
waxayna billaabeen inay
i garaacayaan oo i
dilayaan, jeer uu iga
soo gaaro Cabbaas Binu
Cabdil-Mudhalib oo
Nebiga (scw) adeerkiis
ahaa. Cabbaas ayaa isku
kay daboolay, si uu ii
badbaadiyo, dabadeedna
wuxuu ku yiri "war ma
waxaad dilaysaan nin
reer qhifaar ah, iyadoo
safaradiina ay maraan
waddada ayn deggaan reer
qhifaar, sidiina ayeey
faraha iiga qaadeen.
Markaan soo
miyirsaday, ayaa waxaan
u imid Rasuulka (scw).
Markii uu arkay Rasuulka
(scw) dhaawaca i soo
gaaray ayaa wuxuu yiri
"soow kaama reebin inaad
islaamkaaga shaacisid".
Waxaan iri, Rasuulkii
Allow nafta ayaa sidaas
doonaysay oo sidaas
ayaan u sameeyay".
Rasuulka (scw) ayaa igu
yiri "waxaad aaddaa
tolkaaga, waxaad uga
sheekaysaa waxaad
aragtay iyo waxaad
maqashay, uguna yeer
diinta Alle, maxaa
yeelay waxaa laga yaabaa
inuu Eebbe (sw) adiga
kugu anfaco iyaga,
markaasna iyaga dartood
aad ajar u heshid..,
hadday ku soo gaarto
inaan (si fiican) u soo
baxay ii kaalay anniga".
Abuu Dar wuxuu yiri:
waan soo kicitimay,
waxaana imid
magaalooyinkii ay
degganaayeen tolkayga
qhifaar. Waxaa ila
kulmay walaalkay Aniis,
wuxuuna igu yiri "maxaad
sameysay". Waxaan ku
iri, waan soo islaamay,
oo waxaan rumeeyay Eebbe
(sw). Maba uusan sii
joogin walaalkay Aniis,
jeer uu Eebbe (sw)
laabtiisa ku waasiciyay
diinta islaamka, wuxuuna
igu yiri "ma nacayo
diintaada, annigana
dhinacayga waan islaamay
oo sidaadoo kale waan
rumeeyay".
Intaa kadib, waxaan u
nimid hooyadeen, waxaan
u soo bandhignay diinta
islaamka, waxayna nagu
tiri "ma nacayo
diintiina" sidiina ayeey
ku islaamtay. Wixii ka
danbeeyay maalintaas,
waxay qoyskii muslimka
ahaa guda galeen inay ku
dhex fidinayaan qabiilka
qhifaar diinta islaamka,
jeer ay markii danbe ka
soo islaamkaan
qabiilkaas khalqi aad u
fara badan, dhexdoodiina
laga oogay salaadda.
Inkastoo qabiilka
qhifaar ka soo islaameen
dad aad u fara badan,
haddana qaar kale ayaa
goostay inay islaamkooda
la sugaan inta uu
Rasuulka (scw) ka
imaanayo magaallada
Madiina. Hase ahaatee,
kolkii uu Rasuulka (scw)
soo galay magaallada
Madiina way soo
islaameen dhammaantood.
Maalmo kahor qabiilka
qhifaar hal nin ayaa
muslim ka ahaa,
laakiinse waqti yar
kadib wuxuu Eebbe (sw)
qaddaray inay dhammaan
qabiilka qhifaar ay u
soo wafdiyaan Rasuulka
(scw) iyagoo muslimiin
ah.
Rasuulka (scw) ayaa
si farxad, naxariis iyo
muusood weyn aad u weyn
ku dheehan tahay u eegay
wejiyadii reer qhifaar,
wuxuuna isagoo u
duceenaya ku yiri
"qhifaar Allaha u denbi
dhaafo", wuxuu misna
jaleecay qabiilka reer
Aslam oo iyagana ku soo
islaamay gacantii Abuu
Dar, wuxuu sidoo kale
iyagana Rasuulka (scw)
ku yiri "aslam Allaha
nabad geliyo".
Wixii intaa ka
danbeeyay, wuxuu Abuu
Dar negaa miyiga, jeer
laga soo gaaro dagaalkii
Badr, Uxud iyo Khandaq.
Intaa ka dib, wuxuu ku
soo laabtay magaallada
Madiina, wuxuuna u go’ay
la-jirka Rasuulka (scw),
isagoo weydiistayna inuu
u istaago adeegga iyo
khidmada Rasuulka (scw).
Rasuulka (scw) si kal
iyo laab ah ayuu uga
oggolaado codsigii Abuu
Dar, wuuna ku liibaanay
khidmadiisa iyo
adeeggiisa.
Rasuulka (scw) si aad
u fiican ayuu u soo
dhoweyn jiray Abuu Dar.
Ma dhicin inuu Rasuulka
(scw) uu la kulmay Abuu
Dar, markaasna uusann
gacan qaadin oo uusan si
farxad leh ugu muusoon.
|
Markii uu
Rasuulka (scw)
geeriyooday,
Abuu Dar wuu u
adkeysan waayay
inuu ku sii
negaado
magaallada
Madiina, kadib
markii
magaalladaas uu
ka dhintay
sayidkeedii,
ayna cidloobeen
fadhiyadii
cilmiga ee uu
bixin jiray
Xabiibka
Rasuulka (scw).
Wuxuu Abuu Dar u
guuray miyiga
Shaam,
|
Markii uu Rasuulka
(scw) geeriyooday, Abuu
Dar wuu u adkeysan
waayay inuu ku sii
negaado magaallada
Madiina, kadib markii
magaalladaas uu ka
dhintay sayidkeedii,
ayna cidloobeen
fadhiyadii cilmiga ee uu
bixin jiray Xabiibka
Rasuulka (scw). Wuxuu
Abuu Dar u guuray miyiga
Shaam, halkaas ayuu
negaa muddadii
khilaafada Abuubakar iyo
Cumar dhammaantood
Allaha ka raalli noqdee.
Markii la soo gaaray
khilaafadii Cusmaan Binu
Caffaan Ilaah ha ka
raalli noqdee ayaa uu
Abuu Dar yimid
magaallada Dimshiq,
wuxuuna arkay dadkii oo
si xad dhaaf leh ugu
mashquulsan adduunyada.
Waxay la noqotay yaab
iyo amakaag.
Ma ahayn reero adduunyo
Waxaa Abuu Dar loo
soo bandhigay
dhaldhalaalka adduunka
iyo inuu xittaa madax ka
noqdo Ciraaq oo wuu
diiday, wuxuuna dadka
aalaaba uga digi jiray
inay ku kadsoomaan
fidnada adduunka iyo in
laga fogaado
madaxtinimo-jaceylka. La
yaab malahan inuu sidaas
Abuu Dar ku sifaysnaa,
maxaa yeelay Rasuulka
(scw) ayaa wuxuu horey u
oggaa runta xeesha dheer
iyo aragtida sawaabka
badan ee uu xanbaarsanaa
Abuu Dar. Sidaa darteed,
wuxuu Suubbanaha
Rasuulka (scw) kula
dardaarmay Abuu Dar inuu
badiyo dulqaadka faraha
badan iyo samir badan.
Dulqaado intaad igala
kulmaysid
Maalin maalmaha ka
mid ah ayuu Rasuulka
(scw) weydiiyay Abuu Dar
su'aal macnihiisu ahaa
"Abuu Darow, kawaran
haddaad gaartid madaxdii
oo naftooda ugu tala
galay hantidii
qaniimada". Abuu Dar
ayaa ku yiri Rasuulka
(scw) "haddaba Allaha
xaqa kugu soo saaray
ayaan ku dhaartaye inaan
seeftayda kaga
shaqeenayo kuwaas".
Rasuulka (scw) ayaa
haddaba siiyay Abuu Dar
dardaarankan "ma ku
tusaa wax ka kheyr badan
taas?.., sabar oo
dulqaado jeer aad igala
kulantid".
Abuu Dar si wacan
ayuu u xasuusan jiray
dardaarankaas uu siiyay
macalinkiisii weynaa ee
isaga wax baray, oo
seeftiisa weligiis ulama
bixin mid ka mid ah
madaxda muslimiinta.
Hase ahaatee, waxaa
hubanti ah in uusan ka
aamusin marnaba
qaladaadkooda ay
samaynayeen. Maxaa
yeelay wuxuu ogaa in ay
furan tahay waddada
wax-sheegga iyo
nasteexada. Sidaan horey
ugu sheegnay, maadaama
aynan jirin qaladaad iyo
khilaaf sidaas u sii
weyn muddadii khilaafada
Abuubakar iyo Cumar,
laakiin muddadii
khilaafada Cusmaan ayaa
wuxuu Abuu Dar oo
markaas joogay Shaam uu
arkay inay muslimiintii
si ba'an u qaabileen
dhaldhalaalka adduunyada
iyo iyagoo ku mashquulay
raaxaysiga adduunyada,
taasoo isaga ku qasabtay
inuu si daran isu
hortaago, dadkana ugu
yeero ka foggaanshaha
fidnada adduunyada.
ugu bishaareeya kuwa
maalka kaydsada kaawado
naareed
Goob kasta uu deggo,
magaallo kasto uu galo
iyo amiir kasta uu la
kulmo wuxuu Abuu Dar
oran jiray oraahdan uu
ku caan baxsanaa "ugu
bishaareeya kuwa maalka
kaydsada kaawado
naareed", isagoo ka soo
qaatay hadalkaas
aayaddii uu Alle ku
lahaa "kuwa kaydsada
dahabka iyo fiddada oo
aan ku bixin waddada
Alle ugu bishaareeya
cadaab daran". (suuradda
Al-towbah 34). Marka
dadku ay meel dheer ka
soo arkaan Abuu Dar
waxay kula hortagi
jireen oraahdan aan kor
ku soo xusnay "kuwa
kaydsada dahabka iyo
fiddada oo aan ku bixin
waddada Alle ugu
bishaareeya cadaab
daran".
Dooddii dhexmartay Abuu
Dar iyo Mucaawiye
Madaxdii xukumaysay
Shaam ayaa dhibsaday
dhaqdhaqaaqa uu wado
Abuu Dar. Mucaawiya Binu
Abii Sufyaan oo
xilligaas xukumayay
Dimishiq iyo Abuu Dar
ayaa waxaa dhex martay
dood aad u kulul (ka
aqri kutubta siirada ee
ay qoreen culumada
islaamka. Qodobbadii uu
Abuu Dar kala doodayay
Mucaawiye ayaa ka mid
ahaa guryihii uu ku
lahaa Shaam iyo guriga
uu ku lahaa Makka iyo
halka uu ka helay
hantidaas. "soow ma
tihidiin dadkii joogay
markii uu qur'aanka ku
soo degayay Rasuulka
(scw)" ayuu Abuu Dar
weydiiyay su'aashaan
xeyn saxaabo ahayd oo
meel fadhiyay. Isaga
ayaa uga jawaabay
su'aashoodii, oo wuxuu
yiri "haa, waxaad tihiin
dadkii uu qur'aanka soo
deggay idinkoo nool,
waxaadna kala qayb
gasheen Rasuulka (scw)
dagaallo badan". Abuu
Dar wuu sii waday
hadalka, oo wuxuu yiri
"war miyeydan aayaddan
ku jirin qur'aanka",
isagoo aqriyayna
aayaddan "kuwa kaydsada
dahabka iyo fiddada oo
aan ku bixin waddada
Alle ugu bishaareeya
cadaab daran, maalinta
lagu gubayo hantidaas
naarta jahannamo ay ku
guban wejiyadooda,
dhinacyadooda iyo
dhabarkooda, laguna oran
kani waa waxaad u
kaydsanayseen naftiina
ee dhadhamiya waxaad
kaydsanayseen
ciqaabtiisa". (
suuradda Al-towbah 34).
Mucaawiye ayaa
hadalka qaatay, wuxuuna
ku yiri "aayaddan waxaa
lagu soo dejiyay
ahlul-kitaabka -yahuud
iyo kiristaan-". Abuu
Dar ayaa si sare leh kor
ugu qaaday codkiisa,
isagoo leh "maya, balse
waxay ku soo degtay
innaga (muslimiinta) iyo
ahlul-kitaabka-ba". Wuu
sii watay Abuu Dar
hadalkiisa, isagoo
nasteexo u soo jeediyay
Mucaawiye iyo madaxda la
socotoba inay isaga
baxaan guryaha ay ku
jiraan iyo beeraha ay
leeyihiin, iyo inaynan
naftooda u kaydsan wax
hanti ah wixii maanta ka
danbeeya.
Mucaawiye wuxuu u
cabsaday xukunkiisa,
waxaa cabsi gelisay
hadalladii Abuu Dar.
Hase ahaatee, dhinaca
kale, wuxuu Mucaawiye si
fiican u ogaa
mudnaanshaha iyo booska
uu ka joogo Abuu Dar,
sidaa darteed ma uusan u
geysan wax dhibaato ah.
Laakiin, durbadiiba
wuxuu warqad u diray
Cusmaan Binu Caffaan
Ilaah ha ka raalli
noqdee, isagoo ku leh
"ninkii Abuu Dar ahaa
wuxuu nagu diray dadkii
degganaa Shaam". Waxyar
kadib, waxaa Abuu Dar u
timid warqad ka socota
amiirul-mu'miniinka
Cusmaan, isagoo u
sheegay inuu ku soo
laabto magaallada
Madiina.
Al-Rabada ayuu deggay
"waxna kuma falayo
adduunyadiina" ayuu Abuu
Dar ku yiri Cusmaan
markii uu yimid Madiina,
kadib markay labadooda
dhex martay dood aad u
dheereed, ugu
danbeyntiina wuxuu
deggay tuullada lagu
magacaabo Al-Rabada,
kadib markii uu sidaas
kula taliyay ama faray
Cusmaan Binu Caffaan.
Al-Rabad-adii cidlada
ahayd ayuu iska negaa
Abuu Dar waqtigii danbe,
isagoo isaga fogaaday
dadka, si fiicana u
haysta hanuunkii ay ku
sugnaayeen Rasuulka
(scw) iyo labadiisa
saaxiib (Abuubakar iyo
Cumar), isagoo dunidan
dhow-na ka doortay tii
baaqiga ahayd.
Allaha ka raalli
noqdee Abuu Dar wuxuu ku
tilmaaanaa zuhdi aad u
weyn. Maalin maalmaha ka
mid ah, waxaa Abuu Dar
gurigiisa soo galay nin,
markaasuu ninkii isha
mariyay gurigii Abuu
Dar, mana uusan ku dhex
arag gurigii wax alaabo
ah oo yaalay. Ninkii
wuxuu Abuu Dar ku yiri
"Abuu Darow aaway
alaabtiinii?!". Abuu Dar
ayaa ku yiri "guri kale
ayaa halkaa (aakhiro) ku
leenahay, gurigaas ayaan
alaabteena wanaagsan
dhiganaa". Ninkii wuu
fahmay ulajeeddada Abuu
Dar, wuxuuna ku yiri
"laakiin waxaa lagama
maarmaan ah inaad guriga
dhigatid alaab inta aad
deggan tahay". Abuu Dar
ayaa ku yiri "laakiin
waxaad ogaataa in ninka
iska leh guriga uusan
marnaba nooga tagaynin
guriga".
Dardaarankii Rasuulka
(scw) ee Abuu Dar
Maalin ayaa intuu
Abuu Dar fariistay yiri
hadalladan
"saaxiibkaygii aan
jeclaa (waa Rasuulka
s.c.w) ayaa wuxuu ii
dardaarmay 7 waxyaabood,
waxayna kala ahaayeen:-
- 1) wuxuu i faray
jaceylka
masaakiinta, iyo
inaan iyaga ka mid
noqdo
- 2) wuxuu i faray
inaan eego qofka iga
hooseeya, oo aanan
eegin qofka iga
sareeya
- 3) wuxuu i faray
inaan qofna wax
weydiisan
- 4) wuxuu i faray
inaan xiriiriyo
qaraabada
- 5) wuxuu i faray
inaan ku hadlo xaqa,
haba qaraaraadee
- 6) wuxuu i faray
inaan Alle dartii
uga cabsan mid
canaanaya
canaantiisa
- 7) iyo inaan
badiyo oraahda: LAA
XAWLA WA LAA QUWATA
ILLAA BILLAAHI
Waa hubaal inuu Abuu
Dar fuliyay dhammaan
dardaarankaas wanaagsan
ee uu siiyay macalinkii
insaaniyadda ee dunidan
soo mara. Cali Binu Abii
Daalib Ilaah ha ka
raalli noqdee ayaa
isagoo ka sheekeenaya
Abuu Dar yiri "maanta
lama arko qof si Alle
dartii aan ugu
aaba-yeelin mid
canaanaya canaantiisa
aan ka ahayn Abuu Dar".
Waa hubaal hadalkaas, oo
wuxuu si bareero leh ugu
nasteexeen jiray madaxda
muslimiinta, isagoo aan
ka cabsanaynin awoodda
ay leeyihiin.
Masaakiinta ayuu aad u
jeclaan jiray, iyagana
ayuu ka mid ahaa.
Weligii qofna ma
weydiisan maal ama
hanti. Amiirka gobolka
Shaam ayaa mar u soo
diray lacag gaaraysa
ilaa 300 diinaar, isagoo
ku yiri "lacagtaan
danahaaga ugu
kaalmayso". Jawaabtii
Abuu Dar waxay ahayd
inuu lacagtii ku celiyay
amiirkii, isagoo intaas
daba dhigayna “amiirka
shaam ma wuxuu waayay
qof anniga iga tabar
daran”.
Allaha ka raalli
noqdee Abuu Dar
Al-Qhifaari wuxuu
sannadkii 32-aad ee
hijriga ku dhintay
tuulladii cidlada ahayd
ee Al-Rabada, weliba
isagoo kelligiis ah,
sidii uu horey ugu
yiriba Rasuulka (scw)
"Allaha u naxariisto
Abuu Dar, wuxuu socon
doonaa isagoo kelligiis
ah, wuxuu dhiman doonaa
kelligiis, waxaana la
soo saaro doonaa
(qiyaamaha) kelligiis.
Waxaana intaas ku
dhammaatay sheekadii
saxaabigii qiimaha
badnaa Abuu Dar
Al-Qhifaari Allaha ka
raalli noqdee. |
|
|
|
|
|
|