Waa sannadkii lixaad ee
hijriyada kahor. Goobtuna waa
magaallada Makka. Wuxuu Rasuulka
(scw) ka sheeganayay
dhibaatooyinkii iyo
hagardaamooyinkii kaga imaanayay
gaallada qureysh isaga iyo
asxaabtiisa, isagoo uu
Rasuulkuna (scw) waqtigaas ku
howlanaa gaarsiinta iyo fidinta
dacwada islaamka.
Dhalasho farxad leh
Rasuulka (scw) oo ku sugan
xaaladdaas, ayaa waxaa soo
gaaray war ka farxiyay. Waxaa u
yimid qofkii ku bishaareenayay
inay Ummu Ayman ay dhashay wiil.
Dhalashada wiilkaas ayaa waxaa
si aad leh ugu farxay Rasuulka
(scw), iyadoo ay wejigiisana ay
si weyn u hareereesay
farxaddaas. Taloow yuu noqon
doonaa wiilkaas nasiibka badan
ee uu dhalashadiisa ku farxay
Rasuulka (scw)? Haddaba,
aqristow wiilkaas waa saxaabiga
aan soo bandhigayno sheekadiisa.
Waa saxaabiga la yiraahdo Usaama
Binu Zeyd ee loogu magac dari
jiray "kii uu jeclaa Rasuulka
(scw)".
Asxaabta lama aynan la yaabin
sirta ka danbeysa ee keentay
inuu Rasuulku (scw) ku farxo
dhalashadii Usaama Binu Zeyd.
Maxaa yeelay waxay ogaayeen
xiriirka qotada dheer ee uu
Rasuulka (scw) la wadaagay
waalidka Usaama. Usaama
hooyadiis waxaa la yiraahdaa
Barakatu Al-Xabasha looguna
kunyoodo "Ummu Ayman". Ummu
Ayman waxay addoon u ahayd
Aamina Bintu Wahab oo ahayd
Rasuulka (scw) hooyadiis. Kolkii
ay dhimmatayna hooyadiis waxaa
Rasuulka (scw) barbaariyay Ummu
ayman, iyadoo wanaajisay
xanaanaynta Rasuulka (scw).
Jaceylkii Rasuulka (scw) ee
Usaama
Sidaa darteed, qaddarin iyo
maamuus aad u weyn ayuu Rasuulka
(scw) u hayay Ummu Ayman. Aad
iyo aad ayuu u jeclaa. Wuxuu u
ixtiraami jiray sida inay
dhashay oo kale oo ay tahay
hooyadiis. Wuxuu Rasuulka (scw)
inta badan oran jiray hadal
macnihiisu ahaa " Ummu Ayman waa
hooyaday marka laga reebo
hooyaday kadib, waxay ka hartay
ahlu-baytkayga". Waa taa
hooyadii sharafta badneyd ee
dhashay wiilkii nasiibka badnaa
ee uu sida weyn ugu farxay
dhalashadiisa.
Haddaba, haddaan ogaannay
Usaama hooyadiis, waxaa misna
habboon inaan baranno aabihii
Usaama. Waa saxaabigii sidoo
kale uu aadka u jeclaa Rasuulka
(scw) ee la oran jiray Zeyd Binu
Xaaritha, sidoo kalena aabihiis
loogu magac dari jiray magaca
Rasuulka (scw) kahor intuusan
iman islaamka. Dhinaca kale,
Zeyd wuxuu ka mid ahaa
xog-hayeenadii Rasuulka (scw) ee
uu sirahiisa ku qarsan jiray,
sidoo kalena ku soo barbaaray
gurigii Rasuulka (scw). Sharaf
iyo wanaag waxaa Zeyd ugu filan
in magaciisa lagu xusay
qur'aanka kariimka ah, iyadoo
muslim kasta oo aqriya qur'aanka
xusayo magaciisa, isla mar
ahaantaasna ajar iyo xasanaad ka
helayo xuska iyo sheegitaanka
magaciisa.
Saan horey u sheegnay, guud
ahaan asxaabta Rasuulka (scw)
waxay ku farxeen bishaaradii
dhalashada Usaama Binu Zeyd
farxad aynan sidiisoo kale ayan
horey ugu farxin. Maxaa yeelay,
tarbiyaddii ay ka qaateen
Rasuulka (scw) ayaa tilmaamaysay
inay ku farxaan dhammaan wixii
farax geliya Rasuulka (scw),
sidoo kalena ay dhibsadaan wuxuu
dhibsado. Asxaabtii waxay ugu
magac dareen Usaama magacan
"wiilkii la jeclaa ee uu dhalay
kii isna la jeclaa". Bixinta
magacaas kama aynan ahayn
asxaabta mid ay macno la'aan ay
isaga yiraahdeen, ee waxay u
yiraahdeen maadaama uu jeclaaday
Rasuulka (scw) sidaa si la mid
ahna uu u jeclaa aabihiis Zeyd
Binu Xaaritha ayeey magacaas ugu
doorteen.
Saxaabiga ugu da'da yar
Ilaahay ha ka raalli noqdee,
wuxuu Usaama Binu Zeyd ka mid
ahaa dhalinyaradii asxaabta ugu
da'da yaraa, waxayna isku da'
ahaayeen wiilkii uu awoowga u
ahaa Rasuulka (scw) ee la oran
jiray Xasan ayna dhashay Faatima
Bintu Rasuulillaah. Xasan Binu
Cali wuu caddaa, muuqaal
qurxoona wuu lahaa, wuxuuna aad
ugu ekaa awoowgiis Rasuulka
(scw). Hase ahaatee, Usaama
maadaama ay hooyadiis ka soo
jeedday Xabasha (afrika) wuxuu
lahaa midab maariin, lehna san
weyn, wuxuuna aad ugu ekaa
hooyadiis Ummu Ayman.
Inkastoo ay saas kala
ahaayeen, haddana Rasuulku (scw)
dhinaca kalgacaylka iyo jacaylka
kuma kala sooci jirin labada
wiil. Rasuulka (scw) wuxuu
labadiisa gacmood mid uu ku
qaban jiray Usaama, markaasuu
wuxuu saari jiray mid ka mid ah
booddadiisa, halka gacanta
kalena uu ku qaban jiray Xasan
markaasuu isna wuxuu ku fariisan
jiray booddada kale, markaasuu
si wadajir ah u dhunkan jiray
isagoo labadooda u duceenaya oo
leh "Ilaahayoow waan jeclaaday
ee adigana jecloow".
Jacaylkii weynaa ee uu
Rasuulka (scw) u qabay Usaama
Binu Zeyd waxay gaartay inuu
maalin maalmaha ka mid ah uu
arkay Usaama oo yimid albaabkii
guriga Rasuulka, markaasna uu
wejigiisa dhaawac ka soo gaaray,
uuna dhiig ka daadanayo. Wuxuu
Rasuulka (scw) u baaqay
xaaskiisa Caa'isha inay ka
tirtirto ama ka masaxdo dhiigii
ka socday wejigiisa, hase
ahaatee ma aynan jeclaysan
Caa'isha inay samayso. Rasuulka
(scw) ayaa intuu istaagay ka
masaxay oo ka tirtiray dhiigii
ka socday Usaama, isagoo ku
oranayayna hadallo naxariis leh
oo uu ku dejinayay wiilkan yar
ee dhaawaca soo gaaray.
Rasuulka (scw) siduu u jeclaa
Usaama yaraantiisa, ayuu misna u
jeclaa markii uu noqday
dhalinyaro. Mid ka mid ah
madaxda qureysh oo lagu
magacaabi jiray Xakam Binu
Xizaam ayaa u soo hadiyeeyay
Rasuulka (scw) xariir aad qaali
u ah oo uu ka soo gatay Yeman.
Rasuulka (scw) ma uusan qaadan
haddiyaddii. Hal mar ayuu
gashaday, waxayna ahayd maalin
jumco ah, dabadeedna wuxuu
siiyay xariirtii Usaama, isagoo
ku xaragoonaya uuna la socdo
dhalinyaradii muhaajiriinta iyo
ansaarta ayuu magaallada kula
wareegi jiray. Usaama markii uu
qaangaaray waxaa ka soo muuqatay
sifooyinkii suubbanaa ee keentay
inuu muteysto in loogu magac
daro "kii uu jeclaa Rasuulka
(scw)".
|
Usaama Binu Zeyd
Ilaahay ha ka raalli
noqdee wuxuu lahaa caqli
qoto dheer, geesinimo
xad-dhaaf ah, xikmad uu
ku kala miisaamo
ummuuraha, dhowrsanaan
oo aan aqbalin dulliga
iyo daciifnimada, dadka
soo jiita ayna dadka
jecel yihiin, Alle ka
cabsi badan oo ku
dadaala xalaasha aadna u
jecel Allihiisa. |
Usaama Binu Zeyd Ilaahay ha
ka raalli noqdee wuxuu lahaa
caqli qoto dheer, geesinimo
xad-dhaaf ah, xikmad uu ku kala
miisaamo ummuuraha, dhowrsanaan
oo aan aqbalin dulliga iyo
daciifnimada, dadka soo jiita
ayna dadka jecel yihiin, Alle ka
cabsi badan oo ku dadaala
xalaasha aadna u jecel
Allihiisa.
Maalintii dagaalkii Uxud
Usaama oo ay la socdaan qaar ka
mid ah dhalinyarada asxaabta
ayaa waxay u yimaadeen Rasuulka
(scw), iyagoo markaas doonaya in
loo fasaxo inay ka qayb galaan
jihaadka. Rasuulka (scw) wuxuu
dhalinyaradii ka qaatay qaar ka
mid ah, halka kii aan
qaan-gaarinna uu ka reebay ka
qayb qaadashada jihaadka. Kuwii
la soo celiyay waxaa ku jiray
Usaama Binu Zeyd, wuxuu soo
laabtay, isagoo labadiisa
indhood ay ka burqanayaan ilmo
badan, murugada uu ka naxay
inuusan ka qayb gelin jihaadka.
Dagaalkii ugu horeeyay uu ka
qaybgalo Usaama
Markii la gaaray maalintii
dagaalka Khandaq ama Axzaab,
waxaa sidoo kale markale u yimid
Rasuulka (scw) Usaama oo ay la
socdaan qaar ka mid ah
dhalinyarada asxaabta. Usaama
ayaa si kor ahaan u
qooraansaday, bal si loogu
oggolaado inuu ka qayb galo
jihaadka. Rasuulka (scw) ayaa u
dabcay isaga, dabadeedna wuxuu u
oggolaaday inuu ka qayb galo
jihaadka. Isagoo shan iyo toban
jir ah ayuu qaatay seefta isagoo
jidka Alle ku duullaya.
Maalintii dagaalkii Xuneen,
waa dagaalkii lagu jebiyay
muslimiinta waxaa sugnaaday
Usaama Binu Zeyd oo uu la socdo
Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo
ahaa Rasuulka (scw) adeerkiis
iyo Abii Sufyaan Binu Xaaritha
iyo lix kale oo ka mid ahaa
asxaabta kuwooda ugu sharafta
badnaa. Wuxuu Rasuulka (scw)
awooday isagoo wata ciidankan
tirada yar ee rumeysan
Rabbigooda inay jabkii
muslimiinta ay u rogaan gargaar
iyo guul, iyo inay muslimiintii
cararay ka badbaadiyaan dhagarta
kaga iman gartay mushrikiinta.
Markii la soo gaaray
maalintii dagaalkii Mu'ta waxaa
sidoo kale dagaalamay Usaama
Binu Zeyd isagoo garab socda
calankii uu siday aabihiis oo ka
mid ahaa hoggaamiyayaashii
dagaalkaas ee ka koobnaa
saddexda nin. Markaan uu Usaama
dagaalamayo da'diisu ma gaarin
18 jir. Wuxuu si fool-ka-fool ah
u arkay dilkii aabihiis oo ku
shahiiday dagaalkii Mu'ta. Hase
ahaatee ma laciifin oo ma niyad
jabin, balse wuxuu sii
ballaariyay dagaalkii uu waday
isagoo hoos socday calankii uu
siday Jacfar Binu Abii Daalib oo
ahaa Rasuulka (scw) ina
adeerkiis, jeer isna laga dilo
oo uu sidaas ku shahiido. Sidoo
kale, wuxuu garab istaagnaa
hoggaamiyihii isla ciidankaas ee
saddexaad ee Cabdillaahi Binu
Rawaaxa jeer isna laga dilo oo
uu dagaalka ku shahiido.
Usaama Binu Zeyd wuxuu ku soo
laabtay magaallada Madiina,
halka aabihiisna uu ku shahiiday
dagaalka. Markii uu soo galayay
magaallada wuxuu Usaama saarnaa
faraskii uu aabihiis saarnaa
markii la dilayay.
Hoggaamiye ciidan
Sannadkii 11-aad ee
hijriyada, wuxuu Rasuulka (scw)
amar ku bixiyay in ciidan loo
diyaariyo ciidankii roomaanka ee
hoggaaminayay Hiraqle, wuxuuna
ciidankaas ku daray saxaabada
odayaashooda sida Abuubakar,
Cumar, Sacad Binu Abii Waqaas,
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax iyo
saxaabo kale oo fara badan.
Wuxuu Rasuulka (scw) ciidankaas
madax uga dhigay wiilkii
xikmadda iyo caqliga badnaa ee
Usaama Binu Zeyd, xilligaas
iyada ahna da'diisu ma aynan
dhaafin 20 jir.
Ciidankii oo ku jira is
diyaarinta, ayaa waxaa
xanuunsaday Rasuulka (scw),
wuuna sii kordhay xanuunkii iyo
cudurkii Rasuulka (scw) hayay.
Sidaa darteed, ciidankii
muslimiinta waxay dib u dhigeen
duullimaadkii ciidanka, iyagoo
doonayay inay ka war-dhooraan
xaaladda uu ku danbeyn doonno
Rasuulka (scw). Usaama wuxuu
yiri "markii uu xanuunkii ku sii
siyaaday Rasuulka (scw) waxaan u
imid Rasuulka (scw), dadkuna way
i soo raaceen. Markaan u soo
galay, waxaan oggaaday inuu
aamusay oo uusan hadli karin,
xanuunka daran haya awgeed.
Gacantiisa ayuu xagga samada kor
ugu qaaday, markaasuu haddana
anniga dusheyda saaray, waan
gartay inuu ii duceenayo".
Wax yar kamaba soo wareegan
jeer uu markii danbe Rasuulka
(scw) ka geeriyoodo, waxayna
muslimiinta intaa kadib
khilaafada u doorteen Abuubakar,
dabadeedna howshii ugu horeysay
ee lagu dhaqaaqo dowladdii
Abuubakar waxay noqotay aaskii
Rasuulka (scw) iyo inuu fuliyo
amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa
in la diro ciidankii Usaama.
Hase ahaatee, koox ka mid ah
ansaarta ayaa waxay soo
jeediyeen in dib loo dhigo
arrinta ciidanka, waxayna ka
codsadeen Cumar Binu Al-Khadaab
inuu bal la hadlo Abuubakar,
iyagoo ku yiri "haddii uu diido
waxaan ka ahayn in ciidanka la
diro, waxaad naga gaarsiisaa
inuu talada ciidanka noogu
dhiibo nin ka da' weyn Usaama".
Kolkii ay gaartay Abuubakar
dhambaalkii uu siday Cumar ee ay
soo jeediyeen koox ka mid ah
ansaarta waxaa si aad leh uga
carooday arrintaas Abuubakar.
Fadhigii uu fadhiyay ayuu ka
kacay markuu maqlay hadalkaas,
kadibna wuxuu si caro leh u
qabtay garkii Cumar Binu Khadaab
isagoo ku yiri "hooyadaa ku
weysay Cumaroow..., waxaa Usaama
madax u doortay Rasuulka (scw)
adigana waxaad i faraysaa inaan
ka qaado jagadaas?! Wallaahi
ayaan ku dhaartay inay dhacaynin
taasi". Cumar markii uu ku soo
laabtay nimankii u soo dhiibtay
dhambaalkaas, waxay weydiiyeen
wixii uu la kulmay, wuxuuna ku
yiri "iska taga oo baxa
hooyadiin idin weysaye, anniga
unbaa og wixii idinka dartiin
aan kala kulmay khaliifkii
Rasuulka (scw)".
Ciidamadii uu hoggaaminayay
wiilkii dhalinyarada ahaa waxay
billaabeen inay anbabaxaan.
Waxaa ciidankii sogeetiyay
khaliifkii Rasuulka (scw) oo
dhulka socdo, iyo Usaama oo
saaran awrkiisa. Usaama ayaa ku
yiri Abuubakar "khaliifkii
Rasuulka Allow waxaan ku
dhaaranayaa inaad halkan
fuulayso annigana aan soo
deggayo". Abuubakar ayaa ku yiri
"wallaahi inaadan soo deggayn,
annigana aan koreynin.., ",
kadibna sidii ayuu Abuubakar u
sogootiyay ciidankii Usaama,
isagoo u dardaarmay inuu fuliyo
dardaarankii Rasuulka (scw).
Dhinaca kale, wuxuu Abuubakar ka
codsaday Usaama inuu Cumar u
fasaxo inuu isaga la joogo,
wuuna u fasaxay Usaama. Waa
tusaale aad u wanaagsan oo aan
ka baranayno ardaydii ka soo
baxay madaaristii iyo hanuunkii
Rasuulka (scw). Waa khaliifkii
ama madaxweynihii muslimiinta
ninka sidaas leh.
Guullo waaweyn
Ciidankii uu hoggaaminayay
Usaama Binu Zeyd ayaa sidii ku
kicitimay, wuxuuna Usaama
fuliyay dardaarankii uu faray
Rasuulka (scw). Fardihii
muslimiinta ay wateen waxay
jaxaabeen ama ay cagta mariyeen
magaalooyinka Balqaa ee ka
tirsanaa falastiin iyo sidoo
kale qalcada lagu magacaabo
Al-daaruumi oo iyadana ka tirsan
falastiin. Ciidankii Usaama
waxay cabsi weyn ku abuureen
ciidamadii roomaanka ee
waqtigaas ka talinayay dhulka
Shaam ee sidaan sheegnay uu
madaxa u ahaa Hiraqle, iyagoo
waddada u xaaray sidii ay u
furan lahaayeen magaalooyinka
kale ee ku yaalay Shaam iyo
Masar iyo waqooyiga Afrika ilaa
laga soo gaaro badweynta hadda
loo yaqaano badweynta
atlantic-ada.
Ilaahay ha u naxariistee
Usaama Binu Zeyd wixii intaa ka
danbeeyay wuxuu soo laabtay
isagoo saaran faraskii uu lahaa
aabihiis kadib markuu ku
shahiiday dagaalkii Mu'ta,
isagoo sidana markaas
qanaa'imtii ama hantidii faraha
badnayd ee ay intay muslimiintii
fara badnideeda la yaabeen
yiraahdeen "lama arag ciidan ka
nabad gashoon kana hanti badnaa
ciidankii uu hoggaaminayay
Usaama". Dhammaan muslimiintii
ayaa qaddarin iyo maamuus weyn u
hayay Usaama intuu noolaa oo
dhan, isagoo lagu ammaanayay
siduu u fuliyay ballamihii uu la
galay Rasuulka (scw) iyo
awooddii shakhsiyadeed ee uu
lahaa.
Dhacdo uusan Usaama weligiis
hilmaamin
Inkastoo wacdarooyin fara
badan uu wiilkii dhalinyarada
ahaa ka muujiyay duulimaadyo
badan oo uu muslimiinta kala
qayb taaya dagaallo kala duwan,
haddana waxaa dagaalladaas ku
jiray mid uusan hilmaamin ama
iloobin intuu dunida saarnaa oo
dhan. Waxay ahayd labo sanno
kahor intaanan la oofsan
Rasuulka (scw). Wuxuu Rasuulka
(scw) diray koox ilaalo ah oo
gacanta ku soo dhigta gaallada
kuwooda sida daran dhibaatada
ugu hayay islaamka iyo
muslimiinta. Kooxdaas ilaallada
ahayd waxaa madax looga dhigay
Usaama. Waa markii ugu horeysay
ee uu Usaama hoggaamiye loogu
dirto koox ciidan ah. Kooxdii
ilaallada ahayd howshoodii waxay
ku soo gabagabootay guul,
guushaasna waxaa si weyn ugu
farxay Rasuulka (scw). Bal
Usaama laf ahaantiisa aan ka
dhagaysano wixii uu dagaalkaas
kala kulmay maalintaas.
|
".... waxaana ballan
ku galay inaan wixii
hadda ka danbeeya aanan
la dagaalamin qofkii ku
dhawaaqa shahaadada ee
yiraahda Laa Ilaaha
Illallaah kadib markaan
sidaas Rasuulka (scw) ka
maqlay" Usaama Binu Zeyd |
Usaama wuxuu yiri: "waxaan u
imid Rasuulka (scw) annigoo ugu
bishaareenaya guushii aan
helnay. Rasuulka (scw) wejigiisa
waxaa ka soo muuqday farxad
weyn, wuu ii soo dhowaaday,
wuxuuna igu yiri bal ii waran.
Waxaan billaabay inaan uga
sheekeeyo siduu dagaalka u
dhacay. Waxaan u sheegay markii
ciidanka gaallada ay jabeen
inaan gacanta ku dhigay nin ka
mid ah iyaga, markaan warankii
aan watay aan damcay inaan ku
dilo ayuu yiri Laa Ilaaha
Illallaah, hase ahaatee kama
aanan dhageysan oo waan dilay.
Markaan intaas iri, waxaa
markiiba doorsoontay wejigii
Xabiibka Rasuulka (scw), wuxuuna
igu yiri maxaa kugu dhacay
Usaama..!, maxaad ku oran
doontaa Laa Ilaaha Illallaah??.
Dhowr jeer ayuu hadalkaas ku soo
celceliyay Rasuulka (scw) jeer
aan ka jeclaado inaan diinta
islaamka hadda koow ka soo
billaabo, waxaana ballan ku
galay inaan wixii hadda ka
danbeeya aanan la dagaalamin
qofkii ku dhawaaqa shahaadada ee
yiraahda Laa Ilaaha Illallaah
kadib markaan sidaas Rasuulka
(scw) ka maqlay".
Falkaas waxay Usaama u
noqotay dersi uusan weligiis
hilmaamin, taasoo tilmaamaysa
caddaaladda iyo insaaniyadda
Rasuulka (scw). Xitaa qofkii
gaalka ahaa ee laga yaabayay
inuu oraahdaas naftiisa ku
badbaadinayay wuu diiday
Rasuulka (scw) in la dilo kadib
markii uu ku dhawaaqay
shahaadada. Waa dhab inuu Usaama
dhacdadaas ka qaatay dersi aad u
weyn. Xilligii ay dhacday
fidnadii dhexmartay Cali Binu
Abii Dhaalib oo ay
taageerayaashiisa weheliyaan iyo
Mucaawiye oo isna ay weheliyaan
taageerayaashiisa, waxaan og
nahay inuu Usaama dhexdhexaad ka
ahaa labadaas kooxood.
Inkastoo Usama ay ula
muuqatay inuu xaqa la jiro Cali,
haddana wuxuusan marna ku dhicin
inuu seeftiisa ula baxo qof
muslim ah oo rumeeyay Alle iyo
rusushiisa. Qaar ka mid ah
asxaabtiisa ayaa u yimid, iyagoo
ku boorinaya inuu iyaga la
safto, hadalladii cad-caddaa ee
uu ku yiri waxaa ka mid ahaa
"annigu la dagaallami maayo qof
yiri Laa Ilaaha Illallaah". Mid
ka mid ah nimankaas ayaa ku yiri
"soow Alle ma oran: la
dagaallama jeer aan laga helin
gaalnimo (fidno) una ahaato
diintu dhammaan Eebbe (sw).."
aayadda 39 suuradda Al-anfaal.
Usaama wuxuu ugu jawaabay
"kuwaas laga hadlayay waa
mushrikiinta, waana la
dagaallanay jeer laga waayay
fidno, diintuna dhammaan ay u
sugnaatay Eebbe (sw)".
Mushaar dheeri ah
Dowladdii khilaafada Cumar,
wuxuu Cumar uga qoray Usaama
bankiga dhexe ee muslimiinta
mushaar ka badan intii uu
qaadanayay wiilkii uu dhalay
Cumar ee la oranayay
Cabdullaahi, isagoo Cabdullaahi
arrintaas ka biyo-diiddanna
wuxuu aabihiis ku yiri " aabe,
waxaad Usaama u qortay lacag
gaaraysa 4000, halka aad
annigana iga siisay 3000, mana
arki waxa uu aabihiis uu adiga
ku dheer yahay, dhinaca kalena
isaga (Usaama) laf ahaantiisa
wuxuu i dheer yahay ma jiraan".
Cumar ayaa wiilkiisa ku yiri
"waxaad sheegtay waa
kaaf-iyo-kala-dheeri, Rasuulka
(scw) Usaama aabihiis ayuu ka
jeclaa adiga aabahaa, isna
(Usaama) ayuu Rasuulka (scw)
adiga kaa jeclaa". Markii uu
hadalkaas maqlay Cabdullaahi wuu
ku qancay hadalkii uu aabihiis
ku yiri, isagoo ku raalli
noqdayna qaybtii looga
qoondeeyay bankiga dhexe ee
muslimiinta.
Maamuuskii Cumar ee Usaama
Cumar Binu Khadaab Ilaah ha
ka raalli noqdee si goonni ah
ayuu maamuusi jiray Usaama.
Kolkii uu la kulmo wuxuu ku oran
jiray "soo dhawoow amiirkaygow",
markii uu arko qof la yaabaya
hadalkaasna wuxuu ku oran jiray
"waxaa amiir iigu dooray
Rasuulka (scw)." Sannadkii
54-aad ee hijriyada wuxuu Usaama
isagoo aad ugu hilowsan ugu
dheelmaday la kulanka Eebbe
(sw), sidaasna ayuu ku
geeriyooday.
Ugu danbeyntii, waxaan Ilaah
ka baryaynaa inuu u naxariisto
kana raalli noqdo Usaama Binu
Zeyd, taariikhda islaamka way ku
yareyd in la helo qof kulansaday
sifooyinkii suubbanaa ee uu
lahaa Usaama Binu Zeyd.