JACFAR BIN ABII
DHAALIB
“AMIIRKII
MUHAAJIRIINTII U
QAXDAY XABASHA”
Su'aalahan ka
jawaab inta
aadan akhrin
casharkan....
Reer Banii Cabdi
Manaaf waxaa ka
mid ahaa shan
nin oo si aad ah
ugu ekaa
muuqaalka
Rasuulka (scw),
waxayna shantaas
nin ee sida
aadka ah ugu
ekaa Rasuulka
(scw) kala
ahaayeen:-
-
Abuu Sufyaan
Bin
Al-Xaarith
Bin
Cabdil-Mudhalib
oo ay Nebiga
(scw) ilmo
adeero
ahaayeen.
-
Qutham Bin
Cabbaas oo
isna ay
Nebiga (scw)
ay ilmo
adeero
ahaayeen,
-
Assaa’ib Bin
Cubeyd Bin
Cabd Yaziid
oo ahaa
Imaamu
Shaafici
awoowgiis
-
Xasan Bin
Cali oo ay
dhashay
gabadhii
Rasuulka
(scw) ee
Faadumo
-
Iyo ugu
danbeyntii
saxaabiga
aan
sheekadiisa
qaadanayno
ee Jacfar
Bin Abii
Dhaalib oo
ay walaalo
ahaayeen
Cali Bin
Abii
Dhaalib.
Rasuulka (scw)
iyo Cabbaas oo
kala qaatay..
Ma ahayn
ekaanshahaasi
keliya mid
muuqaal ah, hase
ahaatee wuxuu
Jacfar Allaha ka
raalli noqdee uu
sidoo kale ku
sifaysnaa
akhlaaqdii
wanaagsanayd ee
uu lahaa
Rasuulka (scw).
Abuu Dhaalib oo
ahaa Jacfar
aabihiis
inkastoo maqaam
iyo sharaf weyn
ka joogay
Qureysh, haddana
wuxuu ahaa
xaal-mastuur oo
aan lahayn hanti
badan iyo iyadoo
ay u dheerayd
isagoo lahaa
caruur badan.
Abuu Dhaalib,
waxay xaalad
adag la soo
gudboonaatay
sannadkii
abaarta darnayd
ay ku dhufatay
guud ahaan
degmooyinkii ay
degganaayeen
qabaa’ilka
qureysh. Reer
Banii Haashim
waxaa maalintaas
ugu dhaqnaa oo
xoogaa fiican
hanti haystay
Muxammad Bin
Cabdillaahi
(Rasuulka (scw)
oo aan xilligaas
la soo saarin)
iyo sidoo kale
adeerkiis
Cabbaas Bin
Cabdul-Mudhalib.
Rasuulka (scw)
wuxuu Cabbaas ku
yiri hadalladan
"adeer,
walaalkaa Abaa
Dhaalib waa
caruur badan
yahay, dadkiina
waxaa isugu
darsamay waxaad
aragtid oo abaar
daran ah iyo
xanuunka
gaajada, ee
ina-kaxeey oo
aynu aadno Abuu
Dhaalib si aynu
uga qaadno qaar
ka mid ah
caruurtiisa,
annigu waxaan
qaadanayaa mid
ka mid ah wiil
ka mid
wiilashiisa,
adiguna waxaad
qaadanaysaa wiil
kale sidaas
ayaan uga
kaafinaynaa."
Cabbaas wuxuu ku
yiri Rasuulka
(scw) "kheyr iyo
samafal ayaad
iigu yeertay",
kadibna waxay
labadoodii
aadeen Abaa
Dhaalib, waxayna
ku yiraahdeen
"waxaan
doonaynaa inaan
xoogaa kaa
khafiifino
culeyska kaaga
yimid
caruurtaada si
aan kaaga qaadno
dhibataada
abaarta ee
dadkoo dhan
saamaysay". Abuu
Dhaalib wuxuu ku
yiri "haddaad ii
dhaaftaan
Caqiil, sameeya
wixii kale ee
aad rabtaan",
dabadeedna
Rasuulka (scw)
wuxuu qaatay
Cali, Cabbaas-na
wuxuu qaatay
Jacfar.
Cali iyo Jacfar
waxay maalintaas
wixii ka
danbeeyay ku
kala wareegeen
guryaha Muxammad
Bin Cabdillaahi
(oo aan weli
waxyiga ku soo
degin) iyo
Cabbaas Bin
Cabdul-Mudhalib.
Cali Bin Abii
Dhaalib wuxuu ku
soo barbaaray
gurigaas jeer
Rasuulka (scw)
lagu soo saaro
diintii hanuunka
iyo xaqa
wadatay. Nasiib
wanaag wuxuu
Cali Bin Abii
Dhaalib lambarka
koowaad ka galay
dhalintii ugu
horeysay ee
gasha diinta
islaamka.
Jacfar oo
isku-filnaaday
Dhinaca kale,
Jacfar isna
wuxuu iskala
noolaa adeerkiis
Cabbaas. Markuu
xoogaa weynaaday
wuu soo
islaamay, isagoo
ka guuray
gurigii Cabbaas
kadib markuu
isku filnaaday.
Abuubakar ayaa
soo islaamiyay
Jacfar Bin Abii
Dhaalib iyo
xaaskiisii
qiimaha badnayd
ee Asmaa Bintu
Cumeys inay soo
islaamaan waxaa
sababteeda lahaa
Abuubakar
Assiddiiq Allaha
ka raalli
noqdee, waxayna
ku beegnayd
kahor intuusan
Rasuulka (scw)
gelin daartii
Arqam Bin Arqam
ee uu dadka
diinta ku bari
jiray.
Wiilkii reer
haashimiga ahaa
ee dhalinyarada
ahaa waa Jacfare
iyo gabadhii
iyadana
dhalinyarada
ahayd ee Asmaa
Bintu Cumeys
waxaa
islaamiddooda
awgeed kala soo
gudboonaatay
cidhiidhi iyo
dhibaato weyn oo
kaga yimid
gaalladii
Qureysh taasoo
ay la wadaageen
muslimiintii
kale ee horey u
soo islaamay.
Jacfar iyo Asmaa
dhibaatooyinkaas
dusha ayay u
dhigteen oo way
u sabreen una
dulqaateen.
Maxaa yeelay,
waxay si dhab ah
u
yaqiinsanaayeen
in waddada
Jannada loo maro
lagu goglay
laguna
hareereeyay
waxyaabaha ay
nafta dhibsato.
Qoyskii Jacfar
iyo Geeska
Afrika
Sidaa darteed,
Jacfar Bin Abii
Dhaalib wuxuu
Rasuulka (scw)
ka fasax qaatay
isaga iyo
xaaskiisa iyo
qaar ka mid ah
asxaabta inay u
qaxaan dhulka
Xabasha oo
maanta loo
yaqaano Geeska
Afrika. Rasuulka
(scw) wuxuu
asxaabta u
fasaxay
hijradaas isagoo
ka murugaysan.
Waxaa culeys
weyn ku ahayd oo
dhibaysay in
asxaabtaas
qiimaha badan ee
mu’miniinta ah
lagu qasbo inay
diintooda
darteed loogu
qaxiyo dhul aad
u fog, iyagoo
aanan gelin wax
denbi ah, keliya
waxa loogu
dhibaateenayo ay
tahay inay
yiraahdeen
"Allaah ayaa
Rabbigeena ah".
Ma aynan haysan
muslimiinta
maalintaas awood
ay isaga
caabbiyaan
hagardaamada iyo
dhibaatooyinka
kaga imaanayay
gaalladii
qureysh.
Caddaaladdii
Najaashi ayay ku
nimcaysteen
Muhaajiriintii
saxaabada ayaa u
anbabaxay
dhulkii Xabasha,
waxaana
muhaajiriintaas
qiimaha badan
hoggaaminayay
saxaabiga
jaliilka ah ee
Jacfar Bin Abii
Dhaalib. Markii
ay soo gaareen
Xabasha ama
Geeska Afrika,
waxay durbadiiba
magangalyo
weydiisteen
boqorkii Xabasha
ee caddaaladda
iyo wanaagga
badnaa laguna
magacaabayay
Najaashi. Waxay
markii ugu
horeysay
saxaabadii
muhaajiriintii
ahaa dareemeen
ammaan iyo
nabadgelyo
buuxda, laga soo
billaabo markay
soo islaameen.
Waxay billaabeen
inay si xor ah u
muujiyaan
cibaadooyinkoodii
diinniga ahaa,
iyadoo aynan
arrintaas kala
kulmin wax
dhibaato ah.
Hase ahaatee,
gaalladii
qureysh markii
ay maqleen in
koox ka mid ah
muslimiinta ay u
qaxeen Xabasha,
sidoo kalena ay
magangalyo ka
heleen boqorkii
Xabasha ayaa
waxay isku
dayeen sidii ay
muslimiintaas
ugu soo celin
lahaayeen
magaalooyinkooda,
dabadeedna ay u
dili lahaayeen
ama ay xabsiga
ugu taxaabi
lahaayeen.
Ummu Salama ha
nooga
sheekayso..
Ummu Salama
Allaha ka raalli
noqdee oo
markaas la
socotay
muhaajiriintii
muslimiinta
ayaan sheekadaan
inteeda badan ku
soo qaadanaynaa
waxyaabihii ay
la kulmeen
muhaajiriintii
Xabasha u
hijrooday,
iyadoo ka
sheekeenaysana
waxay tiri
"markaan nimid
dhulka Xabasha
waxaan la
kulannay dad
lala jaaro kuwii
ugu kheyrka
badnaa,
diinteennii ayay
nagu nabad
geliyeen, iyadoo
wax dhibaato ah
aanan la kulmin
ayaan Rabbigeen
si wacan u
caabudnay.
Qureysh markay
maqleen wararka
la xiriira sidii
na loo soo
dhoweeyay waxay
billaabeen inay
nagu
amar-taagleeyaan,
waxay boqorkii
Najaashiga u soo
direen labo nin
oo xoog badan,
waxayna kala
ahaayeen Camar
Bin Al-Caas iyo
Cabdullaahi Binu
Abii Rabiica,
waxayna labadaas
nin wadeen
haddiyado fara
badan oo loogu
talagalay
boqorka Najaashi
iyo wadaaddada
kale ee isaga ka
ag dhow. Waxay
qureysh labadaas
nin u soo
dardaarantay
inay
haddiyooyinkaas
ay siiyaan
wadaaddada
kaniisadda kahor
intaynan ka
hadlin boqorka
Najaashi".
Kulankii
Najaashi ee
Camar iyo
saaxiibkiis
Ummu Salama oo
hadalkeedii sii
wadata waxay
markale tiri
"markii labadii
nin ay yimaadeen
Xabasha waxay la
kulmeen
wadaaddadii
kirirstaanka ee
u shaqeenayay
boqorka, waxayna
siiyeen
dhammaantood
haddiyadihii ay
u wadeen,
dabadeedna waxay
ku yiraahdeen,
waxaa dhulkii
boqorka Najaashi
soo gaaray qaar
ka mid ah
dadkeenii madaxa
looga jiray,
kuwaasoo diintii
aabayaashoodii
ay haysteen ka
gaalloobay,
waxay tafaraaruq
geliyeen
midnimadii
tolkoodii, ee
haddaan boqorka
kala hadalno
kuwaas
arrinkooda,
fadlan waxaad u
sheegtaan inuu
innaga faraha
inoo soo geliyo
isagoo aanan
weydiin wax ku
saabsan
diintooda,
ugaasyada iyo
madaxda qabiilka
ayaa si fiican
dadkooda u
yaqaana, ugana
warqaba diimaha
ay rumeysan
yihiin.".
Wadaaddadii way
oggolaadeen
codsigoodii oo
waxay yiraahdeen
"waa yahay".
Ummu Salama ayaa
markale tiri,
waxay Camar iyo
saaxiibkiisii
aad u
dhibsanayeen
inuu boqorka
Najaashi uu u
yeero mid innaga
naga mid ah oo
uu hadalkiisa u
dhagaysto. Intaa
dabadeed waxay
Camar iyo ninkii
la socday ay u
yimaadeen
Najaashi, iyagoo
ku wareejiyay
haddiyadihii ay
ugu talagaleen,
waxayna ku
yiraahdeen
hadalladan
"boqorow waxaa
boqortooyadaada
soo magangalay
qaar ka mid ah
dhalinyaradeena
kuwadooda
shar-wadayaasha
ah, waxay la
yimaadeen diin
aanan innaga iyo
aabayaasheenaba
aqoonin, way ka
baxeen
diinteennii oo
mana aynan
qaadeen
diintiinii,
innaga waxaa na
soo diray tolka
ay iyaga ka
dhasheen
ugaasyadooda oo
ay ka mid yihiin
aabayaashoodii,
adeeradooda iyo
kuwa ay
qaraabada yihiin
si aan iyaga
gacanta ugu
gelino, fitnada
iyo dhibaatada
ay abuureena
iyaga
(ugaasyadaas)
ayaa naga
badiya".
Boqorkii wuxuu
jaleecay
wadaaddadiisii,
waxayna iyagoo
hadalkii u
riyaaqsan
yiraahdeen "run
bay sheegeen
-boqorow-,
tolkooda ayaa
naga badiya, ee
iyaga dib ugu
celi iyagay
jirtaa waxay ka
yeelayaan".
Boqorkii
Najaashi oo aad
uga carooday
hadalkii
wadaaddadii ka
soo yeeray ayaa
ku yiri "Maya
wallaahi,
marnaba lagama
yaabo inaan
dadkaas dalkooda
dib ugu
musaafuriyo jeer
aan u yeero oo
aan waxa uga
weydiiyo waxa
laga sheegayo,
haddii labadaas
nin waxay ka
sheegeen ay sax
noqoto iyagaan
gacanta u
gelinayaa, hase
ahaatee waxa
laga sheegayo
waxaan ahayn
hadday soo
baxaan waan
magangalinayaa
oo waan wanaajin
doonaa inta ay
ila joogaan".
Markale Ummu
Salama waxay
tiri "intaa
kadib wuxuu
boqorkii
Najaashi naga
codsaday inaan
la kulanno.
Kahor la kulanka
boqorka ayaa
innaga
dhexdeennii is
aragnay,
qaarkeen ayaa
qaarka kale ku
yiri "boqorka
ayaa su'aal
idinka weydiin
doona diinteena
ee aynu si cad
ugu sheegno
diinta aan
rumeysanahay,
waana inuu noo
hadlaa Jacfar
Bin Abii
Dhaalib, yuusan
hadlin qof kale
oo aan isaga
ahayn". Ummu
Salama oo sii
wadata hadalka
misna waxay tiri
"waxaan
durbadiiba u
dareernay
boqorkii
Najaashi,
markaan soo
gaarnay goobtii
kulanka waxaan
aragnay boqorkii
oo ay weheliyaan
wadaaddadiisii
oo ay ka
fadhiyaan
dhinacyada
midigta iyo
bidixda, waxay
soo gashadeen
dhar khaas ah,
kutubadoodii
ayay is
hor-dhigeen,
waxaa sidoo kale
goobtii kulanka
fadhiyay Ergadii
qureysh ee Camar
Bin Caas iyo
Cabdillaahi Binu
Abii Rabiica.
Boqorkii ayaa
xaggeenii soo
eegay, wuxuuna
nagu yiri: waa
maxay diinta aad
nagu soo
kordhiseen oo
aad awgeed uga
baxdeen diintii
ay tolkiinii
haysteen, isla
mar ahaantaana
aynan u qaadanin
diinteena iyo
mid kale-toona?.
Jacfar oo
su'aashaas ka
jawaabaya ayaa
yiri: boqorow,
waxaynu ahayn
kuwo jaahili ah,
waxaynu caabudi
jirnay asnaamta,
bakhtigana waynu
quudan jirnay,
xumaha ayaynu
samayn jirnay oo
qaraabo-goys
ayaynu ahayn,
jaarka iyo
deriska ayaan
dhibaatayn
jirnay, keena
awoodda leh
wuxuu ku tuman
jiray kan
tabarta daran
sidaas ayuu
xaalkeena ahaa
jeer uu ALLAH
(sw) naga soo
dhex soo saaro
Rasuul aynu
naqaano
abtirkiisa,
runtiisa,
amaanadiisa iyo
dhowrsanaantiisaba.
Wuxuu noogu
yeeray rumeynta
Allaah, iyo
inaan isaga
keliya aan
caabudno, isla
markaasna aan
faraha kala
baxno wixii aynu
innaga iyo
aabayaasheenaba
ay ku sugnaayeen
oo ah cibaadada
asnaamta. Wuxuu
Rasuulkaas na
faray
run-sheega,
gudashada
amaanada,
xiriirinta
qaraabada,
deriska oo la
wanaajiyo..,
wuxuu naga
reebay xumaha oo
idil iyo
been-abuurashada,
in la cuno
hantida ay
leeyihiin
agoonta iyo
gabdhaha
dhowrsoon oo
lagu tuuro
xumaan. Wuxuu
kaloo na faray
inaan Allah "sw"
keliya aan
caabudno oo
aanan u
shariik-yeelin,
inaan oogno
salaadda,
bixinno sakada
iyo inaan soonno
bisha ramadaan.
Waan rumeynay,
oo waxaynu si
dhab u qaadanay
wixii uu xagga
Allaah kala
yimid, xalaashii
ayaynu
xalaalsanay, oo
wuxuu naga
reebayna xaaraan
ayaan ka
dhiganay, intaa
dabadeed boqorow
waxay tolkeenii
billaabeen inay
nala
collaytamaan,
xanuun daran
ayay na mariyeen
si ay nooga
celiyaan
diinteena oo ay
noo celiyaan
cibaadadii
asnaamta. Markii
si daran ay noo
dulmeen oo ay
noo
dhibaateeyeen
ayaan u soo
qaxnay
dhulkiina, adiga
ayaan dadkii
kale kaa
dooranay,
waxaynu
doorbidnay la
deriskaaga,
waxaan
maciin-badnay
inaan agtaada
nalagu
dhibaataynin.
Aayadihii
saameeyay
boqorka Najaashi
Ummu Salama
Waxay tiri
"boqorkii
Najaashi wuxuu
jaleecay oo
eegay Jacfar Bin
Abii Dhaalib,
wuxuuna ku yiri
ma jiraan wax
tilmaamaya wixii
uu Nebigiina
kala yimid xagga
Allaah, wuxuuna
Jacfar yiri HAA,
dabadeedna wuxuu
boqorkii ku dul
aqriyay suuradda
Maryama
"kaaf-haa-yaa-cayn-saad-
(Allaah ayaa og
macnaha
xuruufahaan),
waa sheegid
naxariista
Rabbigaa u
sheegayo
addoonkiisa
Zakariya, mar uu
u dhawaaqayay
Rabbigiisa
dhawaaq qarsoodi
ah, yirina
Rabbiyow annigu
waan
tabar-yaraaday,
madaxayguna
wuxuu la huray
cirro, mana
ahayn
–Rabbiyoow-
baryadaada mid
ku
khasaara....",
wuu waday jeer
uu Jacfar ka
dhammeeyay
dhammaan
suuraddii
Maryama oo ka
kooban 98
aayadood.
Waxay markale
Ummu Salama tiri
"waxaa ooyay
boqorkii
Najaashi,
ilmadii ka soo
daadanaysay ayaa
garkiisii oo
dhan qoysay,
wadaaddadiisiina
way ooyeen
markii ay
maqleen
aayadihii xaqa
ahaa ee
laabtoodii
gilgilay,
kadibna wuxuu
boqorkii nagu
yiri diintii
lagu soo dejiyay
Nebigiina iyo
diinta lagu soo
diray Nebi Ciise
waxay ka
yimaadeen hal
meel, intaa
dabadeed wuxuu
eegay Camar iyo
saaxiibkiisa
wuxuuna ku yiri
"iska taga,
wallaahi ayaan
ku dhaartaye
inaanan (kuwan)
gacanta idiin
gelinaynin".
Hagardaamo kale
ayaa lala damcay
Ummu Salama
waxay tiri,
markii aan ka
dhaqaaqnay
fadhigii boqorka
Najaashi waxaa
na handdaday oo
noo gooddiyay
Camar Bin Caas,
wuxuuna
saaxiibkiis ku
yiri, waxaan
berito u tagayaa
boqorka annigoo
u sheegi doono
hadal boqorka ku
abuura inuu idin
caroodo.
Cabdullaahi Binu
Abii Rabiica
ayaa ku yiri
Camar: ha
samaynin sidaas,
inkastoo ay na
khilaafeen
haddana waa
xigtadeenii.
Camar ayaa
markale ugu
jawaabay adiga
faraha iga qaad,
wallaahi inaan
boqorka u sheegi
doono inay Nebi
Ciise ka
aaminsan yihiin
inuu yahay
addoon.
Maalintii danbe
markii la gaaray
ayaa Camar wuxuu
u galay boqorkii
Najaashi,
wuxuuna ku yiri
boqorow kuwan
aad magangalyada
siisay waxay ku
sheegayaan Ciise
Ina Maryama
hadal aad u
weyn, sidaas
darteed intaad u
yeertid waxaad
weydiisaa waxa
ay Ciise ka
aaminsan yihiin.
Waxay tiri Ummu
Salama, markaan
arrinkaas
ogaannay waxaa
nagu soo kordhay
murugo iyo
tiiraanyo aanan
horey noo
qabsan, waxaynu
is niri, hadduu
boqorka wax naga
su'aalo Nebi
Ciise (cs)
maxaynu
niraahnaa??.
Waxaan isla
garanay inay
habboon tahay
inaan su'aashaas
aan uga jawaabno
oraahdii uu
Allaah ka yiri
Ciise, innagoo
wax kale aanan
ku siyaadinin,
dabadeedna wixii
markaas kadib
dhacayo ha
dhaceen. Waxaan
markale isla
garannay inuu
noo hadlo Jacfar
Bin Abii
Dhaalib. Markaan
hor nimid
boqorkii
Najaashi, wuxuu
na weydiiyay
waxa aan ka
aaminsannahay
Ciise Ina
Maryam, wuxuuna
Jacfar ku yiri
boqorka “Nebi
Ciise waxaan ka
leenahay oo
keliya waa wixii
uu nooga waramay
Nebigeena
Muxammad (scw)”.
Boqorkii ayaa
raaciyay
su’aashaan “waa
maxay
waxaasi??”.
Jawaabtii Jacfar
ee Nebi Ciise
(cs)
Jacfar oo ka
jawaab bixinaya
Nebi Ciise (cs)
ayaa yiri "waa
addoonkii Alle
iyo
Rasuulkiisa.....".
Markii uu
boqorkii
Najaashi maqlay
hadalkaasi wuxuu
gacanta ku
garaacay dhulka,
wuxuuna yiri..
“ma jiraan wax
ay ku kala duwan
yihiin Nebi
Ciise (cs) iyo
nebigiina”.
Sawaxan iyo buuq
ayay isku dareen
wadaaddadii
kirishtaanka ee
ag fadhiyay
boqorka, iyagoo
caro ka muujiyay
hadalka ka soo
yeeray
boqorkoodii.
Boqorkii
Najaashi oo si
weyn ugu
qanacsan
sharaxaaddii
muslimiinta ay
ka bixiyeen
diintoodii ayaa
ku yiri “socda
oo waxaad tihiin
kuwo la
nabadgeliyay,
qofkii idin
caaya waa la
ganaaxayaa,
qofkii idin
dhibaateeyana
waa la
ciqaabayaa,
wallaahi ayaan
ku dhaartaye
kuma doorsanayo
in la i siiyo
buur dahab ah oo
markaasi qof
idinka mid ah ay
soo gaarto
dhibaato”,
kadibna wuxuu
boqorka eegay
ergadii Qureysh
ee Camar iyo
saaxiikiis
isagoo ku yiri “
ha loo celiyo
labadaan nin
haddayadahoodii,
waayo uma
baahnin”.
Ummu Salama
waxay tiri,
Camar iyo
saaxiibkiis oo
qoomameenaya
ayaa dib
dalkoodii ugu
laabtay, hase
ahaatee innaga
waxaan si
maamuus leh u
sii joognay
dhulkii Xabasha.
Toban sanno ayay
Xabasha joogeen
Saxaabigii
jaliilka ahaa ee
Jacfar Bin Abii
Dhaalib iyo
afadiisii Asmaa
waxay geeska
Afrika si nabad
ah ugu
sugnaayeen toban
sanno. Hase
ahaatee,
sannadkii
toddobaad ee
hijriga ayaa
waxay iyaga iyo
koox saxaabada
ka mid ah ku soo
laabteen
magaallada
Madiina.
Imaanshihii
Jacfar iyo
muhaajiriintii
ka timid Xabasha
iyo Rasuulka
(scw) oo
markaasi ka soo
laabtay
duulimaadkii
Khaybar ayaa
wada kulmay,
waana kadib
markii la furtay
Khaybar.
Soo dhoweyntii
Rasuulka (scw)
ee Jacfar
Suubbanaha
Rasuulka (scw)
si aan la
tilmaami karin
ayuu ugu farxay
imaanshaha
Jacfar, intuu
laabtiisii
sharafta badnayd
ku soo dumay
Jacfar ayaa
wuxuu ku yiri
“ma waxaynu ku
faraxnaa
furashada
Khaybar mise
imaanshaha
Jacfar??.
Farxaddaasi uu
Rasuulka (scw)
ka muujiyay
imaanshaha
Jacfar kama
yareyn tan guud
ahaan
muslimiinta,
gaar ahaan kuwii
masaakiinta ahaa
ay ugu farxeen
imaanshaha
Jacfar iyo
asxaabta kale.
Maxaa yeelay,
Jacfar wuxuu aad
u xiriirin jiray
una dhaqaalayn
jiray
masaakiinta
muslimiinta ee
waxna aan
haysan, waxayna
taageeradiisa
masaakiinta ay
keentay in loogu
magac-daro
“aabihii
masaakiinta”.
Abuu Hureyra
Allaha ka raalli
noqdee oo
arrinkan ka
sheekeenaya ayaa
yiri “haddaynu
ahayn jamaacada
masaakiinta
Jacfar wuxuu noo
ahaa qofka noogu
roon dadka,
gurigiisa ayuu
intuu noo
kaxeeyo ayuu na
soo siin jiray
waxa yaala oo
cunto ah..”.
Jacfar oo
hoggaaminaya
dagaalkii Mu’ta
Joogistii Jacfar
ee uu dunida
saarnaa ayaa soo
yaraatay.
Sannadkii
siddeedaad
hijriga
billowgeedii
wuxuu Rasuulka
(scw) diyaariyay
ciidan la
dagaallama
ciidamada Ruum
ee ku sugnaa
gobolka Shaam,
wuxuuna
ciidankii
muslimiintii
madax uga dhigay
Zeyd Binu
Xaaritha,
wuxuuna yiri
“haddii la dilo
Zeyd ama la
dhaawaco waxaa
amiir noqonaya
Jacfar Binu Abii
Dhaalib, Jacfar
haddii la dilo
ama la dhaawaco
waxaa amiir
noqonaya
Cabdullaahi Binu
Rawaaxa.
Cabdullaahi Binu
Rawaaxa haddii
la dilo ama la
dhaawaco
markaasi
muslimiinta ha
iska dhex
doorteen mid
iyaga ka mid
ah..”.
Labo ciidan aan
isku aadin xagga
tirada
Muslimiintii
markii ay
gaareen Mu’ta oo
ah tuulo ku
taalla Urdun ee
Shaam ayaa
muslimiintii
waxay ogaadeen
inay ciidamada
Roomaanka ay
diyaarayeen
ciidamo gaaraya
100 000 qof,
boqolkaasoo kun
oo ay
taageerayaan
boqol kun kale
oo isugu jira
gaallada Carbeed
ee ka tirsan
qabiilooyinka
Lakhm, Judaam
iyo Qud-h-aaca
iyo kuwo kale oo
badan, halka
ciidamada
muslimiinta ay
gaarayeen oo
keliya 3000
ciidan. Saddex
kun oo ciidan
ayaa wuxuu la
dagaalamayaa
labo boqol oo
kun (200 000) oo
ciidan, waa labo
ciidan oo aan
isku aadin.
Hase ahaatee,
waxyar kadib
waxaa billowday
dagaalkii ay
dagaallamayeen
ciidamada
muslimiintii iyo
kuwii kale ee
gaallada ahaa.
Hoggaamiyihii
ciidamada
muslimiinta Zeyd
Binu Xaaritha
ayaa jiidda hore
ee dagaalka ku
naf-waayay
sidiina ayuu ku
shahiiday,
Allena uga
baryaynaa inuu u
naxariisto.
Dhinaca kale,
waxaa durbadiiba
hoggaankii si
geesinimo ku
jirta ula
wareegay
saxaabiga aan ka
sheekeenayno ee
Jacfar Binu Abii
Dhaalib isagoo
ka soo dagay
faraskiisii. Si
xammaasad weyn
ku jirta ayuu
dagaalkii u
galay, waxa
keliya ee u
muuqanayay waxay
ahayd Jannada
iyo bilicdeeda
ballaaran,
neecowdeeda iyo
biyaheeda
macaan,
xuurul-ciinteeda
loo dhammeeyay
quruxda,
webiyadeeda kala
nooca ah
intaasoo ay sii
siyaadiso rajada
weyn ee uu ku
qabay raalla
ahaanshaha RABBI
(sw) taasoo
uusan wax kale
ku doorsanaynin.
Wuxuu tiriyay
tix gabay ah oo
uu kaga hadlayay
sida loo
xanuujin doono
ciidamada
Roomaanka ee
qarka u istaagan
in la ciribtiro.
Jacfar oo
dagaalka ku
shahiiday
Wacdarro weyn
ayuu Jacfar
goobtii dagaalka
ka muujiyay,
isagoo sita
seeftiisa wuxuu
dhex jiiray
ciidankii
roomaanka,
isagoo kii ka
soo hor-baxaba
uu qoorta ugu
dheereenayay
seeftiisa ayaa
markii danbe
waxaa laga
dhaacaway oo
laga gooyay
gacantiisii
midig, calankii
ayuu misna ku
qaaday
gacantiisii
bidix, markale
ayaa misna laga
dhaawacay oo ay
go’day gacantii
bidix kadibna
laabtiisii ayuu
damcay inuu
calanka ku
qaado, hase
ahaatee
dhufashadii
3-aad oo darnayd
ayaa jirkiisa
laba dhinac ka
kala dhigtay.
Intaa kadib
waxaa calankii
la wareegay
geesigii 3-aad
ee Cabdillaahi
Binu Rawaaxa
ilaa isna laga
dilo oo uu ka
shahiido.
Dhammaantood
Allaha u
naxariisto kana
raalli noqdo,
waxay dhinteen
iyagoo u taagan
difaacidda
diinta ALLAAH
(sw).
War degdeg ah oo
Rasuulka (scw)
soo gaaray
Rasuulka (scw)
oo ku sugan
magaallada
Madiina ayaa
waxaa gaaray
khabar degdeg ah
(waxyi ahaan)
kuna saabsan
geeridii
hoggaamiyaashiisii
qiimaha badnaa,
si daran oo
xanuun badan oo
aan la tilmaami
karin ayuu
geeridooda uga
tiiraanyooday.
Wuxuu aaday
guriga Jacfar oo
ay ilmo adeero
ahaayeen. Guriga
waxaa joogay
afadiisii
qiimaha badnayd
ee Asmaa Bint
Cumeys oo ku
rajo weynayd
ninkeedii oo
nabad qaba inuu
ku soo laabto
gurigiisa iyo
reerkiisa.
Diyaargarow
fiican ayay
arrinkaa ugu
talogashay,
cunto macaan iyo
caruurtii oo ay
u qubaysay oo ay
qurxisay si ay
si wadajir ah ay
ugu qaabilaan
aabahoodii ay
sida daran u
jeclaayeen.
Tiiraanyadii
Qoyska Jacfar
Asmaa oo
dareenkeeda
maalintaas
cabbiraysa ayaa
waxay tiri
“markii uu noo
yimid Rasuulka
(scw) waxaan
wejigiisa
qiimaha badnaa
ka aqristay
murugo weyn,
waxaa naftaydii
gashay cabsi,
hase ahaatee ma
aanan jeclaysan
inaan weydiiyo
su’aalo ku
saabsan arrinta
ninkayga Jacfar,
cabsi awgeed aan
ka qabo inaan
maqlo war aan i
farax gelin.
Rasuulka (scw)
wuu na salaamay,
wuxuuna intaa
kadib igu yiri
waxaad iigu
yeertaa caruurta
Jacfar, waana u
yeeray.
Caruurtii oo
faraxsan ayaa
xagga Rasuulka
(scw) ku soo
cararay, mid
walba oo
caruurta ka mid
ah wuxuu
doonayay inuu ku
dhago ama
qabsado jirka
Rasuulka (scw).
Dhinaca kale,
Rasuulka (scw)
isna wuxuu ku
soo foorarsaday
caruurtii,
isagoo
dhunkanaya isla
mar ahaantaasna
ay indhihiisii
sharafta badnaa
ay ilmeenayaan.
Waxaan ku iri
–hooyaday iyo
aabahay ha
lagugu furtee-
maxaad la
oonaysaa?? Ma
Jacfar iyo
labadiisii
saaxiib ayaa
dhibaato soo
gaartay?. Wuxuu
Rasuulka (scw)
“HAA.., oo
maanta ayay
shahiideen”.
Markay
hadalkaasi uu
yiriba waxay
farxaddii iyo
muusoodkii isu
baddashay naxdin
iyo walbahaar.
Caruurtii yaraa
ee faraxsanaa
markay maqleen
oohinta
hooyadood waxaa
ka soo haray
degganaansho
lagu hareeyay
tiiraanyo daran.
Ducada Rasuulka
(scw) ee Jacfar
Hase ahaatee,
Rasuulka (scw)
wuu iska tagay
isagoo iska
masaxaya ilmadii
buuxisay
labadiisii
indhood, wuxuuna
lahaa waqtigaas
iyada ah hadallo
macnihiisu ahaa
“Allahayoow
waxaad Jacfar
(qoyskan) ugu
baddashaa wax
khayr badan,
Allahayow qoyska
Jacfar baddal
wanaagsan sii”,
kadibna wuxuu
yiri “waxaan
Jannada ku arkay
Jacfar oo leh
labo garbood oo
dhiig leh..”.
Haa, Allaah (sw)
waa mudan yahay
inuu ku abaaliyo
Jacfar
darajadaas
qiimaha badan,
waxaana halkaas
ku dhammaatay
sheekadii
Saxaabigii
jaliilka ahaa ee
Jacfar Binu Abii
Dhaalib oo aan
Allaah uga
baryayno inuu u
naxariisto, kana
raalli noqdo
aamiin aamiin
aamiin.