CABDIRAXMAAN BINU CAWF
"ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD
BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY"
Ducadii Nebiga (scw) ee Cabdiraxmaan
Binu Cawf
(6)
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa
tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo
islaama, wuxuu kaloo ka mid ahaa
tobankii nin ee Jannada loogu
bishaareeyay iyagoo dunida saaran. Wuxuu
ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay
guddiga Shuurada (talo bixinta) ka dib
maalintii doorashada khilaafada Cumar
Binu Khaddaab (rc). Wuxuu ka mid ahaa
asxaabtii ka jawaab celin jirtay
su’aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka (scw)
uu noolaa.
Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka
hor, waa intuusan islaamin’e, waxaa
Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray: "Cabdi
Camr", hase ahaatee kolkii uu soo galay
diinta Islaamka oo soo islaamay, wuxuu
Nebiga (scw) u baxshay magaca
Cabdiraxmaan.
Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay
ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin
daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii
uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq
labo maalmood ka hor. Cabdiraxmaan
islaamidda uu soo islaamay wuxuu kala
kulmay rafaad, jirdil, dhibaato iyo
hagardaamo aad u daran, sidii ay ula
kulmeen isaga hortiis walaalihiisa
diinta Islaamka kaga soo horeeyay.
Cabdiraxmaan wuu u sabray dhibaatadaas
dacwada ka soo gaartay, sidii ayba
Saxaabaduba ay arrintaa ugu dulqaateen,
rumeyntoodii xeesha dheereed oo kalena
wuu la yimid.
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa
asxaabtii u haajirtay dhulka Xabashida
isagoo la baxsanayay diintiisa. Kolkii
uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa loo
idmay inay u haajiraan oo u guuraan
magaalada Madiina, Cabdiraxmaan wuxuu ka
mid ahaa mar kale hormuudkaasxaabtaas.
Rasuulka (scw) iyo asxaabtii la
socotayba markay yimaadeen magaalada
Madiina, wuxuu walaaleeyay
Muhaajiriintii ka soo haajirtay
magaalada Makka iyo Ansaartii deganayd
magaalada Madiina.
Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah
muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga
dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari
(rc). Sacad Binu Rabiic wuxuu
Cabdiraxmaan ku yiri: "walaalkayow
waxaan ka mid ahay ganacsatada degan
magaalada Madiina kuwooda ugu taajirsan,
waxaan leeyahay labo beerood iyo labo
xaasas. Labadaas beerood bal soo eeg oo
middaad doonto qaado, xaasaskaygana tii
aad jeclaato ayaan kuu furayaa si aad
adiga u guursato". Cabdiraxmaan ayaa ku
yiri: "Maalkaaga iyo xaaskaagaba Illaah
ha kuu bakeeyo, laakiin waxaad i tustaa
goobaha ganacsiga". Muddo yar ka dib
Cabdiraxmaan wuu guursaday, wuxuuna u
yimid maalintii danbe Rasuulka (scw).
Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan
weydiiyay inuu guursaday iyo qiimaha uu
meher ahaan u bixiyay. Cabdiraxmaan
wuxuu yiri haa oo waan guursaday, meher
ahaanna waxaan u baxay xabad timir wax
le’eg oo dahab ah. Nebiga (scw) wuxuu
Cabdirxamaan ku yiri: "casumaad sameey
(alla bari) waloow neef arina ha
ahaadee, Illaah xaaskaaga iyo
maalkaagana ha kuu barakeeyo". Ducadii
Nebiga (scw) waa la aqbalay jeer uu
Cabdiraxmaan Binu Cawf ka noqdo qof
deeqsoon oo maal qabeen ah.
Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu Rasuulka
(scw) kala qayb galay dagaalo badan.
Maalintii dagaalkii Badar ay dhacday
wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka muujiyay
goobtii dagaalka wacdaro geesinimo leh
ilaa uu ka dilo cadoowgii Alle ee la
oran jiray Cumeyr Binu Cuthmaan Binu
Kacab Al-Tamiimi. Sidaas si la mid ah
ayaa Cabdiraxmaan wuxuu ahaa kii
sugnaada maalintii dagaalka Uxud, halka
qaar ka mid ah asxaabta ka carareen.
Waxaa dagaalkii Uxud ka soo gaarey
Cabdiraxmaan dhowr iyo labaatan
dhaawacyood, qaarkoodna ay halis
ahaayeen.
Hase ahaatee jihaadka Cabdiraxmaan
waxaa lagu tiriyaa mid yar, marka loo
bar-bardhigo jihaadka maalka uu kaga
qayb galay. Waxaan arkaynaa Rasuulka
(scw) oo doonaya inuu diyaariyo ciidan
ilaalo ah, markaasaa wuxuu asxaabta ku
leeyahay: "maalkiina ka saddaqeysta
waayo waxaan doonayaa inaan diro ciidan
ilaalo ah". Markii uu Cabdiraxmaan
maqlay hadalkaas wuxuu u degdegay
gurigiisa si uu wuxuu hayo oo maal ah
ugu keeno Rasuulka (scw). Lacagtii uu
haystay maalintaas waxay gaareysay 4000
oo dirham, wuxuuna ula yimid Rasuulka
(scw) isagoo ku yiri: "labo kun waxaan
amaahiyay Illaah, labada kun ee kalena
waxaan u soo dhaafay ciyaalka".
Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan ku
yiri: "Illaah ha kuu barakeeyo maalka
aad bixisay iyo maalka aad reebatay.
Markii uu Rasuulka (scw) go’aansaday
duulimaadkii Tabuuka oo ahayd dirirtii
ugu danbeesay ee uu Rasuulka qaado intuu
noolaa, ayaa waxaa lagama maarmaan
noqotay in la helo maal fara badan,
waayo ciidanka lagu duulayay ee
Roomaanka ayaa ahaa kuwo in badan ka
tiro iyo gaadiid badnaa muslimiinta,
dhinaca kale sannadka uu dagaalku
dhacayayna waxay ahayd sannad abaareed,
safarkuna wuxuu ahaa safar dheer oo
qaadanaya maalmo. Iyadoo intaasoo
arrimood oo dhibaato ah ay jiraan, ayaa
waxaa Rasuulka (scw) u yimid qaar ka mid
ah mu’miniintii jeclayd inay ka
qaybgalaan dagaalka, iyagoo ka codsanaya
Rasuulka inuu ka xanbaaro oo uu ka
bixiyo qarashka ku baxa safarka,
Rasuulku wuu ka cudurdaartay waayo ma
uusan haysan wax dhaqaale ah.
Mu’miniintii waxay laabteen, iyagoo
indhahooda ay la burqanayso ilmo, murugo
daraateed, sababtuna waa iyagoo aynan
awoodin inay helaan nafaqada lagu aadayo
duulimaadka Tabuuka. Mu’miniintaas
sharafta leh waxaa maalintaa wixii ka
danbeeyay loo baxshay kuwii oohinta
badnaa, ciidankii dagaalka galayna waxaa
iyagana loo baxshay ciidanka cidhiidhiga
ama dhibaatada. Markay arrintu halkaa
mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) amray
asxaabta inay maalkooda wax ka bixiyaan
si jidka Alle ah iyo si ay maalkaas
Ilaah uga ajar qaataan. Muslimiintii
ayaa hal mar ajiibay fulinta codsigii
Rasuulka (scw) si ay maalkooda uga
saddaqeystaan.
Haddaba, asxaabtaas waxaa safka hore
kaga jiray Cabdiraxmaan Binu Cawf. Wuxuu
bixiyay labo boqol oouuqiyadood oo dahab
ah. Cumar Binu Khadaab (rc) oo markaas
aan ka fogeyn meesha ayaa yiri: "waxaan
arkaa inuu Cabdiraxmaan galay denbi,
waayo wax maal ah ma uusan u soo dhaafin
ehelkiis".
Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay
Cabdiraxmaan su’aashan: "wax maal ah
reerkaaga ma u soo dhaaftay".
Cabdiraxmaan ayaa yiri: "haa, oo waxaan
u soo dhaafay wax ka badan kana
wanaagsan maalkii aan bixiyay". Rasuulka
(scw) ayaa misna yiri: "waa imisa".
Cabdiraxmaan ayaa yiri: "wixii uu Ilaah
u yaboohay oo risqi iyo kheyrba ah".
Ciidankii Muslimiinta waxay u anbabaxeen
Tabuuka, halkaana wuxuu Ilaah ku
maamuusay Cabdiraxmaan Binu Cawf wax
uusan ku maamuusin mid ka mid ah
muslimiinta. Waxaa la gaarey xilligii
salaadda, markaa iyada ahna Rasuulka
(scw) uu muuqan yahay. Cabdiraxmaan ayaa
tujiyay muslimiintii, markii ay
dhammaatay rakcadii koowaad ayaa waxaa
yimid Rasuulka (scw), ka dibna wuxuu ku
xirtay salaadda uu imaamka u ahaa
Cabdiraxmaan.
Haddaba, ma waxaa jira wanaag iyo
qiimo ka weyn inuu qof tujiyo intuu Eebe
(sw) abuuray oo dad ah imaamkooda iyo
inta nebiyo la diray imaamkooda. Waxaan
u maleenayaa inay jawaabtu tahay:
"MAYA". Markii Rasuulka (scw) uu
geeriyooday, wuxuu Cabdiraxmaan Binu
Cawf u istaagay u-adeegidda hooyooyinka
mu’miniinta, waa xaasaskii Rasuulka
(scw)’e. Cabdiraxmaan wuxuu u qumi jiray
danahooda. Wuu wehelin jiray haddii ay
safar galayaan. Wuu la xajin jiray,
haddii ay aadayaan Xajka. Wixii ay
doonayaan in loo sameeyo oo dhan ayuu u
qaban jiray. Taasina waa ammaan ka mid
ah waxyaabaha uu ruuxa uu ku faano,
dhinaca kale waxaa laga qaadanayaa
arrinkan isaga ah kalsooni weyn oo ay
haweenka Nebiga (scw) ku qabeen
Cabdiraxmaan. Samafalka iyo ixsaanka
Cabdiraxmaan Binu Cawf uu u geli jiray
haweenka Nebiga (scw) waxay gaartey, in
uu maalin iibiyay dhul qiimihiisa dhan
ilaa 40 000 oo diinaar, dabadeedna uu
dhulkii u qaybiyay reer Banuu Zuhra
(reerka ay ka dhalatay Aminatu Bintu
Wahb oo ah Rasuulka hooyadiis),
masaakiinta muslimiinta iyo masaakiinta
muhaajiriinta iyo haweenka Rasuulka
(scw). Cabdiraxmaan markii uu diray
maalkii uu u qoondeeyay Caa’isha (rc),
ayaa waxay Caa’isha tiri hadalkan:
"Rasuulka (scw) wuxuu haweenkiisa ku
yiri: "idiinma naxayo anniga gadaasheyda
aan ka ahayn kuwa saabiriinta (sabarka
badan) ah mooyee".
Weligeed baaqiayeey ahayd oo ma
tirtirmin ducadii Nebiga (scw) ee uu u
duceeyay Cabdiraxmaan ee ahayd inuu Alle
u barakeeyo maalkiisa, jeer uu ka noqday
ninka ugu maalqabeensan asxaabta, uguna
hanti badan. Ganacsiga iyo safarka
Cabdiraxmaan waxay u dhaxeeyeen
magaalada Madiina iyo magaalooyinka
kale, safarkaasoo dadka u sida dhar,
cunto, barafuuno iyo wax kasta oo ay
dadku u baahan yihiin.
Maalintii ugu badnayd ee uu
Cabdiraxmaan sadaqeysto waxay ahayd,
markii ay Caa’isha (rc) tiri inuu
Cabdiraxmaan Binu Cawf uu ka mid noqon
doono ahlu-Janna oo uu geli doono
Jannada. Wuxuu u yimid Caa’isha isagoo
weydiinaya inay tiri hadalka, waxayna
tiri: "Haa oo annigaa ka maqlay Nebiga
(scw) inaad jannada gelaysid".
Cabdiraxmaan wuxuu la booday farxad,
isagoo ku yiri Caa’isha (rc) hadalkan:
"hooyo waxaan ku marqaati gashanayaa in
safarkan iyo gaadiidka saaran oo dhan
aan u bixinayo jidka Alle".
Wixii ka danbeeyay maalintaas, wuxuu
Cabdiraxmaan kordhiyay sadaqooyinka iyo
gacan ka geysigii muslimiinta uu sameyn
jiray. Wuxuu sadaqo ahaan u bixiyay
lacag gaareysa 200.000 oo dirham oo
fidah ah iyo 200.000 oo diinaar oo dahab
ah, isagoo jidka Alle ku bixiyay. Waa
lacag aad u fara badan. Dhinaca kale
wuxuu siiyay mujaahidiintii kale lacag
gaareysa 1500 oo diinaar iyo 500 oo
gaadiid ah. Markii ay soo dhowaatay
geeridii Cabdiraxmaan Binu Cawf (rc)
wuxuu xoreeyay addoomo fara badan.
Sidoo kale wuxuu u dardaarmay
asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Badar
in la siiyo nin kasta 400 diinaar oo
dahab ah, sidiina ayuu qof kasta ku
helay lacagtaas. Xaasaskii Rasuulka
(scw) oo maalintaas noolaa wuxuu tiiba u
dardaarmay maal fara badan, ilaa ay
Caa’isha markasta Cabdiraxmaan ugu
duceyn jirtay ducadan qiimaha badan:
"Allaha Cabdiraxmaan ka waraabiyo isha
jannada ku taal ee la yiraahdo
SALSABIIL".
Haddii uu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu
masaakiintii muslimiinta, addoomadii
dhibaataysnaa, xaasaskii Rasuulka (scw)
ugu talo galay maalkaa faraha badan,
haddana waxaynu og nahay inuusan iloobin
reerkiisii, oo wuxuu iyagu u dhaafay
maal fara badan, maalkaasoo ay adag
tahay in la tiriyo. Wuxuu reerkiisa uga
tagey 1000 neef oo geel ah, 100 fardo,
3000 neef oo ari ah.
Xaasaskiisii afarta ahaa dhaxalkii
mid walba ay heshay waxay dhammeyd ilaa
80 000 oo diinaar. Waxaasoo dhan oo maal
ah waa barakadii ducadii Nebiga (scw) uu
u duceeyay Cabdiraxmaan. Hase ahaatee,
maalkaas ma uusan fidneyn Cabdiraxmaan,
sidoo kale mana uusan beddelin.
Cabdiraxmaan lagama soo dhex saari jirin
isaga iyo shaqaalihiisa u shaqeeya,
tawaaduc badni awgeed. Maalin maalmaha
ka mid isagoo soomanaa ayaa loo keenay
cuntadii afurka. Wuu eegay, markaasuu
yiri: "waxaa maanta la dagaalkii Uxud
lagu dilay Muscab binu Cumeyr isagoo iga
kheyr badan. Ma aanan helin kafantii ugu
kafni lahayn aan ka ahayn maro yar oo
haddii aan madaxa ka saarno, ay lugihii
muuqanayaan, haddii aan lugihii kafanta
ka saarnana mnadaxii uu muuqanayo.
Adduunyadii ayaa naloo fidiyay
barwaaqadeedii, waxaan ka cabsanayaa in
abaalmarkeenii adduunyada aan ku
qaadano". Intaa ka dib, Cabdiraxmaan
wuxuu bilaabay inuu aad u ooyo,
cuntadiina uuna waxna ka cunin. Alla
ayaan badanaa Cabdiraxmaan Binu Cawf,
waayo isagoo dunidan saaran ayaaba
Jannada loogu bishaareeyay. Janaasada
Cabdiraxmaan waxaa xanbaaray Sacad Binu
Abii Waqaas, waxaana ku tukaday Cusmaan
Binu Caffaan (rc). Ilaah waxaan ka
baryaynaa inuu ka raalli noqdo
Cabdiraxmaan, sidoo kalena u
naxaraxiisto dhammaan asxaabtii usoo
halgantay diintan Ilsaamka aamiin. |