DHUFAYL
BINU CAMR AL-DOWSI
(7)
Dhufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa
qabiilka uu ka dhashay ee Daws, wuxuuna
ahaa nin carabta dhexdeeda ka leh sharaf
iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu ahaa deeqsi
oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku
quudin jiray masaakiinta aan waxna
haysan, sidoo kale wuxuu magangelin
jiray dadkii kuwii weydiista magangelyo.
Dhufayl wuxuu ahaa gabyaa dareen sare
leh, isla markaasna aad u yaqaana
Suugaanta iyo Maansada Carabiga. Maalin
maalmaha ka mid ah ayaa Dhufayl wuxuu ka
carraabay magaaladii ay deganaayeen
tolkiisa ee Tihaama, isagoo u sii jeeda
magaalada Makka, markaas iyada ahna
waxaa magaallada Makka socday loolan
dagaal oo dhexmarayay Nebiga (scw) iyo
gaallada Qureysh.
Qureysh waxay isku deyday sidii ay ku
kasban lahayd Dhufayl. Bal aan Dhufayl u
deyno sheekada si uu noogu sii wado
sheekada, bal saan u ogaanno wixii uu
kala kulmay Madaxdii Qureysh, Dhufayl
wuxuu yiri "Waxaan soo galay magaallada
Makka, wax yar kaddib maba aan joogin
ilaa ay ii yimaadeen madaxdii Qureysh
iyagoo doonaya in ay ila kulmaan, si aad
u wanaagsan ayay ii soo dhoweeyeen,
iyagoo i dejiyay guriga guryaha ugu
qiimaha badan. Intaa kaddib waxay igu
yiraahdeen Dhufayloow waxaad timi
magaalladeenna, waxaa jira nin
sheeganaya inuu yahay Nebi, ninkaasi
wuxuu fasahaadiyay ama kharribay
umuurteena, wuxuu kala daadshay
midnimadeena, wuxuu burburiyay
midowgeenii, sidaa darteed waxaan ka
cabsanaynaa in ay kugu dhacdo adiga iyo
tolka aad madaxda u tahay Musiibada nagu
dhacday annaga sidaa darteed waxaan
kugula talin lahayn in aadan ruuxaa la
hadlin oo aadan waxba ka dhageysanin,
waayoo ninkaa waxa uu akhrinayaa hadal
sixir oo kale ah.
Dhufayl waxa uu yiri "Wallaahi baan
ku dhaartaye odayadaasi igama aysan
tagin ilaa ay iiga sheekeeyaan Nebiga
(scw) wararkiisa kuwa ugu yaabka badan
iyagoo igu beeraya cabsi aad u daran,
sidaa darteed waxaan go’aansaday in
aanan u dhowaan oo aan agtiisa marin
meeluu joogo Nebiga, in aanan la hadlin
ama aanan waxba ka dhageysan. Maalintii
kale markii la gaaray ayaa waxaan aaday
Kacbada si aan u soo dhawaafo, isla
markaasna aan u barakeysto asanaamta
halkaas tiil anigoo labadeyda dhagood
soo gashaday suuf si aanan u maqlin
hadalka Nebi Muxammad (scw).
Hase ahaatee markaan galay markaan
soo galay kacbada waxaan kula kulmay
Nebi Muxammad (scw) oo tukanaya, Salaad
ka duwan salaadihii aan tukan jirnay,
aad ayay ii farax gelisay muuqaalka,
waxaana i gilgishay qaabkii uu u
cibaadeysanayay, waxaan is arkay
naftaydii oo u sii dhowaaneysa xagga
Nebiga (scw) ilaa aan noqdo ruux aad ugu
dhow, Ilaahna wuxuu ii sahlay inaan
maqlo wax ka mid ah wixii uu akhrinayay,
wuxuuna ahaa hadal wanaagsan, ileen waa
qur’aanka’e.
Wax yar ka dib waxaan is iri waxaad
tahay gebyaa caqli badan, waad kala
garanaysaa hadalka kiisa wanaagsan iyo
kiisa xun, maxaa kuu diidaya inaad
maqasho waxa uu akhrinayo Nebi Muxammad
(scw), haddii uu wanaagsan yahay waxa uu
akhrinayo waan qaadan, hadduu xun
yahayna waan ka tagi. Dhufayl wuxuu yiri
"waan iska joogay ilaa uu Nebiga (scw)
iska baxay, anna waan ka daba tegay
anigoo kula kulmay gurigiisa. Waxaan u
sheegay in la ii sheeko xumeeyay oo la
igu kaa yiri sidaa iyo sidaa ilaa aan
go’aan ku gaaray inaan labadeyda dhegood
suuf ka soo buuxiyo si aanan u maqlin
halalkaaga, balse Alle ayaa taa diiday
ilaa uu dhagahayga uu soo gaarsiiyo
hadaladaada wuuna wanaagsanaa. Haddaba
waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo
bandhigto sharaxaad ku saabsan Diinta
Islaamka. Markaasna Nebiga (scw) wuxuu
ii sharxay diinta Islaamka, isagoo ii
akhriyay Suuradda Al-ikhlaas iyo
suuradda Al-falaq, Wallaahi ma maqlin
hadal ka wanaagsan hadalkaa, mana aanan
arkin caddaalad ka fiican tan uu
Islaamka dadka ugu yeerayo, intaa ka dib
waxaan Nebiga (scw) u fidiyay
gacantayda, anoo qiray shahaadad sidaa
ayaan ku Islaamay.
ka dib Dhufayl wuxuu negaa oo uu
joogay Magaalada Makka, halkaasoo uu ku
baranayay Diinta Islaamka, kuna
xifdinayay qaar ka mid ah Suuradaha
qur’aanka. Markii uu Dhufayl go’aansaday
inuu u laabto magaaladii ay deganaayeen
tolkiisa ayaa waxa uu u yimid Rasuulka
(scw), isagoo ku yiri " Rasuulkii
Ilaahayow waxaan ahay nin ay tolkiisa
maqlaan, sidaa darteed waxaan jeclahay
inaan iyaga u laabto si aan ugu yeero
Diinta Islaamka, waxaana Ilaah iiga
baridaa inuu ii yeelo calaamad iigu
kaalmeysa Dacwada Islaamka. Rasuulka
(scw) wuu ka aqbalay dalabkiisii, wuuna
u duceeyay. Dhufayl wuxuu u safray
magaalladii ay tolkiisa deganaayeen,
markuu marayo meel sare oo buur ah oo u
dhow magaalladii ay deganaayeen
tolkiisa, ayaa waxaa labadiisa indhood
dhexdooda fuulay Iftiin aad mooddo
faynuus.
Dhufayl wuxuu Ilaah ka baryay inuu
iftiinkanka yeello meel aan ahayn
wejiga, waayo wuxuu ka cabsaday in ay u
maleeyaan tolkiisa ciqaab lagu ciqaabayo
ka dib markii uu ka tagay Diintii uu
haystay markii hore. Iftiinkii wuxuu u
wareegay karbaash (jeedal) uu watay
madaxiisa. Dhufayl markii uu yimi
magaalladii, ruuxii ugu horeeyay ee uu
la kulmay wuxuu ahaa aabihiis, wuxuuna
ahaa odey waayeel ah. Dhufayl wuxuu ku
yiri aabihiis "Isma sheeganno, waayoo
waxaan ahay Muslim". Markaa aabihii ayaa
ku yiri wiilkiisa Dhufayl "Wiilkaygayow
anniga iyo adigu isku diin baynu nahay,
halkaana ayuu aabihii ku soo Islaamay.
Dhufayl haddana wuxuu dacwada u
bandhigay xaaskiisa iyo qabiilkii uu ka
dhashay ee reer Daws. Xaaskiisa iyadoo
aan hakad gelin ayey qaadatay Islaamka,
inkastoo reerkiisu ay ku madax adeegeen
marka laga reebo Abuu Hureyra (rc) oo
isagu qaatay islaamka. Dhufayl wax yar
kaddib, wuxuu ku soo laabtay Rasuulka
(scw), isagoo sharaxaad iyo warbixinno
uga bixiyay wixii uu kula kulmay
tolkiisa. Dhufayl wuxuu yiri "Waxaan imi
magaallada Makka isagoo uu ila socdo
Abuu-Hureyra (rc).
Rasuulka (scw) ayaa wuxuu i weydiiyay
wixii aan kala kulmay tolkayga, waxaana
ugu jawaabay " Quluub ad-adag iyo
gaalnimo daran, waayo reer Daws waxaa ka
xoog batay faasiqinimo iyo Alle ku
caasin". Intaa ka dib Rasuulka (scw) wuu
is taagay isagoo weysastay haddana wuu
tukaday, dabadeedna wuxuu kor u taagay
labadiisa gacmood isagoo Ilaah baryaya.
Dhufayl wuxuu yiri markaan arkay wixii
uu Rasuulka (scw) sameeyay ayaa waxaan u
qaatay inuu Rasuulku (scw) habaari doono
tolkayga oo markaas la halaagayo. Hase
yeeshee Rasuulku (scw) wuxuu guda galay
inuu u duceynayo reer Daws oo uu
leeyahay "Ilaahoow hanuuni reer Daws",
saddex jeer ayuu ku celceliyay. Intaa
kaa dib Rasuulku (scw) wuxuu deymooday
Dhufayl, wuxuuna ku yiri "Waxaad u
laabataa tolkaaga, una dhimri oo si
fudud ugu sheeg diinta Islaamka".
Wixii intaa ka danbeeyay Dhufayl
wuxuu joogay dhulkii Daws, halkaa oo uu
ka gudanayay Dacwadii Islaamka ilaa laga
soo gaaro wakhtigii uu Rasuulku (scw) u
hijrooday Maddiina, ay dhaceyna
dagaladii waaweynaa ee Badar, Uxud,
Khandaq. Waxaan u soo galay Rasuulka
(scw), waxaana ila socotay siddeetan
qoys oo reer Daws oo islaamay, weliba
islaamkoona wanaagsanaaday. Rasuulku
(scw) aad ayuu ugu farxay arrinkaas.
Markii uu Nebiga (scw) geeriyooday ka
dib ee khaliifnimadii loo doortay
Abuubakar As-sadiiq waxa aan noqday mid
adeeco oo naftiisa iyo seeftiisa u
dhiibay Abuubakar As-sadiiq, ka dibna
waxaa dhacay dagaalkii riddooyinka
(dadkii diinta ka noqday), waxaana aan
ahaa dadkii ugu horeeyay ee la dagaalama
Museylamatul-kadaab, balse marka uu
marayo meel u dhow meesha lagu magacaabo
Yamaama, ayaa waxa uu arkay riyo,
dabadeedna wuxuu asxaabtii uu la socday
ku yiri: "waan riyooday, waxaana
doonayaa inaad ii fasirtaan riyadaas?!".
Waxay ku yiraahdeen maxaad aragtay?.
Dhufayl, ayaa wuxuu yiri: "waa tan
koowaade waxaan ku riyooday annigoo
madaxa la iga xiiray. Tan labaadna waxaa
afkayga ka soo baxay shimbir, tan
saddexaadna waxaan arkay haweeneey
caloosheeda i gashatay!.
Ugu danbeyntiinna waxaan arkay
wiilkayga Camar oo doonaya inuu igu soo
ordo oo uu ii yimaado, hase ahaatee ay
dad na kala dhex galeen". Dadkii waxay
yiraahdeen oo keliya: "waa kheyr". Hase
ahaatee, Dhufayl ayaa isku dayey inuu
fasiro riyadii. Wuxuu yiri, horta madaxa
la iga xiiri doono waa iyadoo madaxa la
ii dheereyn doono oo la iga jarayo
(dagaalka ku shahiidayo), shimbirka ka
soo baxay afkaygana waa annigoo shahiidi
doona, haweentii caloosha i gashatayna
waa dhulka la igu aasi doonno, SIDAA
DARTEED WAXAAN RAJEYNAYAA IN AAN
DAGAALKA KU SHAHIIDO, wiilkayga Camar ee
xaggeyga soo aadeyna waa isagoo doonaya
SHAHAADO (inuu dagaalka ku dhinto),
taasoo aan annigu u nasiib yeelan doono
marka hore haddii Alle idmo, laakiin
Camar isagu gadaal danbe ayuu shahaadada
ka haleeli doonaa.
Haddaba, markay dhacday dirirtii
Yamaama, wuxuu Dhufeyl goobtii dagaalka
ku soo bandhigay wacdarro lagu dayan
karo, jeer uu ILAAH ka waafajiyo wixii
uu doonayay oo ahayd inuu jidka Alle ku
dhinto. Hase yeeshee wiilkiisa Camar,
isaga kama noogin kii sii wada dagaalka,
ilaa uu ka dhaawacmo, gacantiisa midigna
ka go’do. Intaa ka dib, Camar wuxuu ku
soo laabtay magaaladii Madiina, halka uu
aabihiis Dhufeyl ku dhintay (shahiiday)
dagaalkaas.
Xilligii khilaafada Cumar Binu
Khadaab (rc) ayaa waxaa maalin Cumar u
soo galay Camar Binu Dhufayl, wax yar ka
dibna waxaa fadhigii Cumar la keenay
cunto. Cumar wuxuu dadkii ugu yeeray
inay wax kala cunaan cuntadii, hase
ahaatee waxaan aadin xeeradii cuntada
Camar oo isagu meel cidla ah iska
fariistay. Cumar ayaa weydiiyay inay ugu
xishoonayo iyadoo ay ugu wacan tahay
gacanta uu la’yahay awgeed iyo in kale?.
Camar ayaa ugu jawaabay haa oo waa
runtaa amiirkii mu’miniintoow. Cumar
Binu Khadaab ayaa ku dhaartay inuu ka
qayb qaato cunidda cuntada la keenay,
isagoo yiri: "wallaahi nalama fadhiyo
ruux qaar ka mid ah jidhkiisu ay jiraan
Jannada aan ka ahayn adiga", wuxuu ka
waday gacanta Camar Binu Dhufayl ee
dagaalka uga go’day.
Haddaba, ugu danbeyntii Camar isna
waxaa u danbeysay inuu helo wixii uu ku
yididdiilan jiray in muddo ah, taasoo
ahayd inuu ku dhinto jihaadka asagoo
difaacaya jidka iyo diinta Alle (sw),
wuxuu ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk ee
dhacday sannadkii 15-aad ee hijriyada.
Ilaah ha u naxariisto Camar, waayo isna
shahiid ayuu ahaa, aabihiisna shahiid
ayuu ahaa