CABDULLAAHI IBNU UMMI MAKTUUM
"NIN INDHO LA’ OO EEBBE
(SW) ISAGA DARTIIS KU SOO DEJIYAY 16
AAYADOOD, KUWAASOO LA AQRIYAY, LANA
AQRIN DOONO LABADII CUSBAA INTAY KA SOO
LAABTAAN (HABEENKA & MAALINTA)"
(9)
Waa kuma saxaabiga isaga dartiis
Nebiga looga canaantay toddobo samo
korkood, canaantaasoo ahayd tii ugu
adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa
kuma saxaabiga isaga dartiis uu
malakul-Jibriil (cs) ugu soo daadegay
qalbiga Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo
xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan
ah. Saxaabigaas qiimahaas iyo
maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi
Ibnu Ummi Maktuum, kaasoo ahaa kii u
addimi jiray Rasuulka (scw).
Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka
raalli noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad,
wuxuuna ka dhashay qabiilka Qureysh.
Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid,
maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw)
qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu
Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo abti
iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi
Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran
jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna
Caatika Bintu Cabdillaahi, waxaana loogu
yeeri jiray Ummu Maktuum, maxaa yeelay
waxay Cabdullaahi dhashay isagoo indho
daboolan oo indho la’.
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu
la kowsaday kolkii uu Nuurka Islaamka ka
bishay magaalada Makka, isagoo uu Eebbe
(sw) ku iftiimiyay laabtiisa hanuunka
iimaanka iyo islaamka, wuxuuna ka mid
ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee qaata
diinta Islaamka. Islaamidda uu
Cabdullaahi soo islaamay wuxuu kala
kulmay jirdil iyo dhibaato, taasoo uu ka
siyaadsaday ku sugnaasho iyo ku adkeysi
uu ku adkeysto qanaacadiisa Islaamka.
Hagardaamo iyo dhibaatooyin fara badan
ayuu kala kulmay gaaladii Qureysh, hase
ahaatee waxaasoo dhibaato ah ma ayan
tabardareynin oo ma daciifin iimaanka
iyo xamaasadda Cabdullaahi ee uu
Islaamka u hayay. Balse, waxay
arrimahaasi oo dhammi u kordhisay inuu
sii qabsado ku dhaqanka kitaabka Alle,
dhinaca kalena uu korosado aqoonta la
xiriirta guud ahaan shareecadda Islaamka
iyo sidoo kale inuu u jiheesto xaggaa
iyo ku camalfalka hanuunka Rasuulka
(scw).
Jaceylka Cabdullaahi uu u qabay
Rasuulka (scw) iyo dadaalka uu ugu jiray
barashada iyo xifdinta qur’aanka
kariimka ahba waxay gaartey, inuu fursad
kasta uu u maro sidii uu arrintaas uga
faa’iideysan lahaa. Dhinaca kale, wuxuu
Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali
jiray sidii ay u soo islaami lahaayeen
madaxda qureysh, sidaa darteed ayaa
maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu
Rasuulka (cw) la kulmay qaar ka mid
gaaladii sida aadka ah u cadaadin jirtay
muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo
walaalkiis Shayba Binu Rabiica iyo Camr
Binu Hishaam, loona yiqiinnay Abuu Jahal
iyo Umayata Binu Khalaf iyo Waliid Binu
Al-Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid
aabihiis.
Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu
Rasuulka (scw) bilaabay inuu u jeediyo
gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo
bandhigo bal inay soo islaamaan., isagoo
aad ugu rajo weynaa Rasuulka inay soo
islaamaan, ama haddii kale ay joojiyaan
dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan.
Isagoo Rasuulka (scw) sii wato hadalka,
ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Ummi
Maktuum oo markaas ka dalbayay Rasuulka
inuu u akhriyo aayad qur’aan ah, isagoo
leh:
"Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa
qaar ka mid ah wixii uu Eebbe (sw) ku
baray". Hase ahaatee, Rasuulka ma uusan
dhugan xaggiisa oo wuu ka jeestay oo
weji kuduudiyay, isagoo u leexday
dhinacii ay jireen kooxdii uu la
hadlayay ee qureysh, wuxuuna sidaas u
sameenayay isagoo ku rajo weynaa bal
inay soo islaamaan, oo markaasna
islaamkooda ay diinta Islaamka u keento
cisso iyo taageerada dacwada Rasuulka
(scw). Hadalkii uu Rasuulka (scw) u
jeedinayay nimankii qureysh maba uusan
dhammaynin, mana doonin inuu aado
reerkiisa, jeer uu Alle qabtay qaar ka
mid aragtadiisa, wuxuuna dareemay dareen
ah sida isagoo la garaacayo madaxiisa oo
kale. Intaa dabadeed, wuxuu Alle
korkiisa ku soo dejiyay aayadahan
qur’aanka ah ee ku jira biloowga
suuradda Cabasa:
"Wejiguu uruuriyay oo jeestay (waa
Nebiga), inuu u yimid kii indhaha la’aa
darteed. Maxaad ka ogtahay inuu u dhow
yahay inuu hanuuno oo daahir noqdo. Ama
uu waansamo, oo markaas waanadu anfacdo.
Ruuxii is deeqtoonaysiiya, Ma diga ayaa
u bambixi, Maxaa kaa saaran hadduusan
hanuunin. Ruuxiise kuu yimaada isagoo
degdegi, Oo Eebbe ka cabsanaya, Miyaad
ka shuqloomi, Sidaas ma ahan ee aayaduhu
waa waano, Ruuxii doona wuu ku waano
qaadan, waxayna dhex ahaatay xaashiyo
sharaf leh (looxal-maxfuudka), lana
koryeelay oo la daahiriyay, ayna ku
jiraan gacmo kuwo sufaro ah
(malaa’igta), kuwaasoo sharaf iyo dhego
nuglaan leh".
Waa lix iyo toban aayadood oo uu la
soo degay malaga Jibriil (cs), isagoo ku
tuuray qalbiga Nebi Muxammad (scw),
aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waana
aayado la aqrin doono laga soo bilaabo
xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta
aynu hadda joogno. Sidaas ayaana loo
aqrin doonaa ilaa uu inta Alle ka
dhaxlayo dunida iyo waxa dul-saaran
dhammaanteed.
Wixii maalintaas ka danbeeyay, wuxuu
Rasuulka (scw) ahaa kii aad u maamuusa
oo u qaddariya Cabdullaahi kolkuu u
yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray haddii uu
u yimaado, arrimahiisa ayuu la socon
jiray, wixii uu u baahan yahayna wuu u
fulin jiray. Taasina la yaab ma lahayn,
maxaa yeelay isaga daraadiis ayuu Eebbe
(sw) uga soo canaantay Rasuulkiisa
toddobo cir korkood, canaan tii ugu
adkeyd, uguna qallafsanayd. Gaaladii
Qureysh markii ay mar kale soo
laba-kacleeyeen dhibaatadii ay ku hayeen
Rasuulka (scw) iyo mu’miniinta, ayna
darraatay dhibkooda ayuu Rasuulka (scw)
wuxuu u ogolaaday muslimiinta inay u
haajiraan magaalada Madiina. Cabdullaahi
Ibnu Ummi Maktuum wuxuu ka mid ahaa
dadkii ugu horeeyay ee Alle dartii u
haajira, isagoo diintiisa la cararaya.
Cabdullaahi oo uu weheliyay saxaabiga
jaliilka ah ee la yiraahdo Muscab Binu
Cumeyr (goor hore ayuu islaamay, wuxuuna
ku dhintay isagoo shahiid ah dagaalkii
Uxud) ayaa waxay ahaayeen asxaabtii ugu
horeeyay ee yimaada magaalada Madiina.
Markii uu Cabdullaahi yimid magaaladii
Madiina, maba uusan sii joogin jeer
isaga iyo Muscab ay durbadiiba ka
bilaabeen gudbinta dacwada Islaamka,
iyagoo dadka bari jiray qur’aanka iyo
guud ahaan cilmiga diinta Islaamka.
Kolkii uu Rasuulka (scw) yimid
magaalada Madiina, ayaa wuxuu magacaabay
Cabdullaahi Ibnu Maktuum iyo Bilaal Ibnu
Rabaax si ay u addimaan, lana jahraanna
oraahda kalimadda tawxiidka maalin kasta
5 jeer. Waxay dadka ugu yeeri jireen
camalka kheyrka, iyagoo dhinaca kalena
dadka ku baraarujin jiray liibaanta.
Bilaal ayaa addimi jiray, Cabdullaahina
wuxuu aqimi jiray salaadda. Amaba waxaa
dhici jirtay mararka qaarkood inuu
Cabdullaahi addimo, Bilaalna uu salaadda
aqimo. Nebiga (scw) aad iyo aad ayuu u
maamuusi jiray Cabdullaahi,
maamuusiddaasina waxay gaartey inuu
Rasuulka (scw) uu magaalada Madiina uga
tago Cabdullaahi Ibnu Maktuum, marka uu
safarka dhowrka iyo tobanka maalmood uga
maqan yahay dibadda magaalada.
Maqnaanshahaas midkood waxayba ahayd
maalintii uu Nebiga (scw) furanayay
magaalada Makka.
Dagaalkii Badr ka dib, wuxuu Alle
(sw) ku soo dejiyay Nebigiisa aayado
qur’aan ah, oo uu Ilaah ku kor yeelayo
darajada mujaahidiinta, isagoo ka
fadilaya kuwa aan gelin dagaalka
jihaadka si uu ruuxa jihaadiyo uu u sii
jeclaado jihaadka, dhinaca kalena uu
arrintaa ka biyo-diido kuwa iyaga ka
fariistay goobta jihaadka. Aayadahaas
waxay saameeyeen Cabdullaahi, isagoo
dhibsaday inuusan ka qayb qaadan
fadligaas weyn ee aayaddu sheegtay.
Sidaa darteed Cabdullaahi wuxuu u yimid
Rasuulka (scw), isagoo ku yiri hadalkan:
"Rasuulkii Alloow haddaan awoodi
lahaa, waan jihaadi lahaa", dabadeedna
wuxuu si qalbi qushuucsan u baryay Alle,
isagoo yiri: "Ilaahayoow waxaad soo
dejisaa cudur daarkayga", Ilaahayoow
waxaad soo dejisaa cudur daarkayga".
Yaaba ka dhaqsiinyo badnaa in la
aqbalo ducadii Cabdullaahi Ibnu Ummi
Maktuum. Zeyd Binu Thaabit (rc) oo ahaa
qoraagii waxyiga Nebiga (scw) ayaa wuxuu
yiri: " waxaan fadhiyay Rasuulka (scw)
agtiisa, waxaa Rasuulka dabooshay
xasilooni, bowddadiisa ayaa ku dul
dhacday bowddadayda, mana arag wax ku
culeys badnaa bowddadii Rasuulka,
dabadeedna culeyskii waa laga qaaday,
wuxuu yiri: qor Zeydoow, waxaan qoray:,
ma sinna kuwa dagaalka jihaadka ka
fariistay ee mu’miniinta ah iyo kuwa ka
qayb galay jihaadka"
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ayaa
istaagay, markaasna yiri: "Rasuulkii
Alloow, ka waran ruuxa aan awoodin inuu
jihaado?!" Hadalkii Cabdullaahi maba
uusan sii dhameystirin jeer haddana
Rasuulka (scw) ka daboosho xasilooni
kale, bowddadii Rasuulka ayaa ku dhacday
bowddadayda, waxaana dareemay culeyskii
hore oo kale, dabadeedna wuxuu yiri: qor
Zeydoow. Waxaan aqriyay wixii aan qoray,
oo ahaa: "ma sinna kuwa jihaadka ka
fariistay ee mu’miniinta ah". Rasuulka
(scw) ayaa yiri, waxaad qortaa: "aan ka
ahayn kuwa dhibban". Waxaa soo degtay ka
soo reebaddii dadka naafada ahaa, taasoo
uu in badan jeclaan jiray Cabdullaahi.
In kasta oo uu Eebbe (sw) ka cafiyay
Cabdullaahi iyo dadka la midka ah ka
qayb galka goobaha dagaalka, haddana
nafta Cabdullaahi ee mar waliba hiigsata
meesha sare ayaa waxay ka biyo diidday
inay ka fariisato ka qayb galka goobaha
jihaadka. Wuxuuna go’aan adag ku gaarey
inuu ka qayb qaadan doono jihaadka.
Maxaa yeelay, dadka sar sare ma
damcaan, waxaan ka ahayn waxyaabaha
waaweyn. Wixii maalintaa ka danbeeyay,
wuxuu Cabdullaahi ku dadaalay inaynan
dhaafin duulimaad ama dagaal la qaadayo,
wuxuuna naftiisa ugu qoondooyay goobta
dagaalka howl gooni ah. Wuxuu oran
jiray: "waxaad i istaajisaan bartamaha
labada saf dhexdooda, waxaadna ii
dhiibtaan calanka si aan idiinkugu
qaado, una xafido, maxaa yeelay waxaan
ahay ruux aanan wax arag oo markaa aan
awoodin orod iyo baxsi kale.
Sannadkii 14aad ee hijriga ayaa wuxuu
Cumar Binu Khadaab go’aan adag ku gaaray
inuu ciidamada ku qaadi doono dagaal
adag oo daba-geddiya dowladda Furus,
isla mar ahaantaana tirtirtana
boqortooyadooda, isla mar ahaantaana
waddada u furta ciidamada muslimiinta.
Cumar Binu Khadaab wuxuu
guddoomiye-goboleedyadiisa u qoray
qoraalkan uu ku leeyahay: "yaan laga soo
tegin ruux haysta hub ama faras, amaba
ruux geesi ah ama yaqaana tabta
dagaalka, idinkoo markaas ii soo diraya
dhinacayga, dhaqsada oo dhaqsada".
Muslimiintii oo dhan ayaa hal mar
ajiibay amarkii Cumar, iyagoo dadkii
dhan isugu yimid magaalada Madiina meel
kasta. Dadkaas faraha badnaa ayaa waxaa
ku jiray Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum
ee indhaha la’aa. Ciidankii dagaalka
wuxuu Cumar madax uga dhigay saxaabiga
qiimaha badan ee Sacad Binu Abii Waqaas,
isagoo u jeediyay dardaaran,
sogeetiyayna. Ciidankii markii uu soo
gaarey meesha la yiraahdo Al-qaadisiyah,
ayaa waxaa soo baxay Cabdullaahi oo
lebisan dirac dagaaleedkiisii (qalab la
isaga difaaco hubka/seefaha), dhinaca
kalena wuxuu dhammeystirtay u diyaar
garowgiisii dagaalka, naftiisana wuxuu u
rashaxay inuu xanbaaro calanka
muslimiinta iyo inuu xafido. Labadii
ciidan ayaa waxay dagaalamayeen saddex
maalmood oo qallafsan..
Waxay u dagaalameen labadii ciidan si
aynan taariikhdii furushada hadda ka hor
wax la mid ah aynan u dhicin, jeer ay
muslimiintii markii danbe ay uga soo
hoyato goobtii dagaalka guul aad u weyn,
halka gaaladii Furus dowladdoodii ugu
weynayd lagu ciribtiray goobtaas.
Boqortooyadii Furus waa la ciribtiray.
Dhulkii gaalada waxaa lagu koryeelay
calankii towxiidka. Goobtii dagaalka
waxaa ku le’day oo ku shahiiday boqolaal
ka mid ah muslimiinta, waxaana ka mid
ahaa shuhuddadaas Cabdullaahi Ibnu Ummi
Maktuum. Waxaa la helay isagoo dhiigiisa
ku dhex jiifa, isla markaasna ku dhegan
calankii Mulimiinta. Halkaas waxaa ku
dhammaatay sheekadii Cabdullaahi Ibnu
Ummi Maktuum, waxaan Illaah ka baryaynaa
inuu u naxariisto isaga iyo dhammaan
asxaabtii diintaan u soo halgantay.
|