Maamulka Dhoobley oo ka jawaabay hadalkii Axmed Madoobe.
 
This article has Published at: 03-02-2010 and has been viewed 49 times
Gudoomiyaha Degmada Dhoobley ee Xarakada Alsabaab oo ka jawaabay hadalkii uu Axmed madoobe ku sheegay in uu weerari doono Degmada Dhooblay.

 Shiikh Maxamad Carab oo ah Gudoomiyaha Degmada Dhoobley ayaa si kulul u camabaareeyay hadalkii Axmed Madoobe oo ka tirsan Saraakiisha Xizbul Islaam kaas oo ahaa in uu weerar ku qaadi doono Degmada Dhoobley .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan awood u lahayn in uu soo weeraro Dhoobley, hadalkaasna uu yahay hadal lays ka yiri kaas oo aan wax macnaa keenayn.

 Hadalkaan Shiikh Maxamad ayaa yimid kadib markii uu Axmed Madoobe sheegay in uu soo weeraridoono Degmada Dhoobley.

 

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved