Madaxa Suuqgaynta Shirkada Isgaarsiinta Hormuud C/xakiim Xasan Iidow ayaa Idaacada Quraanka Kariimka u sheegay in ay gacan ka gaysteen damintii debkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha .C/xakiim oo Idaacadda (IQK) wareysi siiyaya ayaa sheegay in shirkada Hormuud deb damiskeeda u dirtay goobtaas debku ka kacay uu na ka qeybqaatay daminta debkaasi .
Mas’uulkaas ka tirsan Shirkada Hormuud ayaa dadkii hantidu ka baaba’day kula dardaarmay in ay sabraan , asaga oo sheegay in shirkada Hormuud waligeedba ay u taagneed gargaarida umada soomaaliyeed ayna sii wadudoonto.
Maha markii ugu horeysay ee shirkada Hormuud ay gacan ka gaysato u gar gaarida dadka Soomaaliyeed.