Xildhibaanada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalaga MUqdisho ayaa dowlada Kenya ku cambaareeyay go’aanlii ku aadanaa Xildhibaanada soomaliya ee dalkeeda jooga.
In ka badan 40Xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanda DKMG Soomaaliya oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa cabaarayn u soo jeediyay dowlada Kenya ayagoo ku cambaareeyay go’aanlii ay dowlada Kenya u soo jeedisay Xildhibaanada soomaliya ee dalkeeda jooga kaas oo ahaa in ay isaga baxaan dalkeeda ama ay is ka diiwaan galiyaan xarooyinka qaxootiga ee dalka Kenya.
Xildhibaan Cali Cumar Geedi oo aqriyay qodobadii ay soo saareen xildhibaanadaasi ayaa sheegay in ay soo saareen qodoba gaaraaya 7qodob oo ay ka midyihiin in ay raali galin ka bixiso dowlada Kenya hadalkii ay soo saartay .
Xildhibaankaas ayaa sheegay in ay qodobadaan ugudbi doonaan Gudoomiyaha Barlamaanka DKMG Soomaaliya Shiikh Aadn Madoobe si uu Barlamaanku arinkaas uga dodo.
Hadalkaan ayaa yimd markii isbuucyadii la soo dhaafay ay dowlada Kenya xirxirtay qaar ka mid nah Barlaanka soomaaliya oo ku sugnaa dalkeeda ayna sheegtay in balamaanka soomaaliya ee dalkeeda jooga ay ku laabtaan dalkooda ama ay iska diiwaan galiyaan xirooyinka qaxootiga dalka Kenya.