Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowlada KMG ah Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisa shaqo u abuuri doono dhalinyarada baaga-muundada ku hayso gudaha dalka Soomaaliya.Maareeye ayaa sheegay in sanadkaan cusub ee aynu ku guda jirno wasaaradiisa ku howlan tahay sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada shaqa la'aanta ku haysa gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in haatan dajiyeen qorshooyinkii dhalinyaradaasi shaqooyin loogu abuuri lahaa.
Isaga oo sidoo kale sheegay in xukuumada KMG ah dajisay miisaaniyad u gaar ah wasaarada shaqada iyo shaqaalaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa sidoo dhinaca kale cambaareeyay afduubka gudaha dalka loogu haysto lamaanayaal u dhashtay dalka Ingiriiska isaga oo ku baaqan in kooxaha haysa in deg deg ku sii daayaan.