Maamulka Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka digay xiisado ka dhasha howlo nadaafadeed ka socanaya magaalada Gaal-kacyo.Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlada Goboleedka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka baqi qabaan howlo lagu bur burinayo goobaha sharci darada ah ee ku yaala Gaal-kacyo in xiisado ka dhashaan.
Gudoomiyaha ayaa ku booriyay saraakiisha iyo ciidamada dowlada Hoose in ay si foojignaan ah u fuliyaan howlaha bur burinta goobaha sharci darada ah.
Waxaa uuna sheegay in looga baahan yahay mas'uuliyiinta howshaasi ku guda jirtaa in aanay dhalin xiisado gacan ka hadal sababa.
Baaqa ka soo baxay gudoomiyaha ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada Hoose hoowlo lagu bur burinayo goobaha sharci darada ah ka wada qeybo ka mid ah Magaalada Gaal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug.