Qoysaskii ka barakcay dagaalada ka socanaya Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in xaalado dhanka nolosha ah ay ku haysato magaalada daafaheeda.Qoysaska ka barakacay degmooyin ka tirsan gobolka banaadir ee haatan ku sugan deegaanka dibida ee duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa ah qoysaska haatan dhibaatada dhanka nolosha ah halkaasi ku haysata.
Sheekha Abuukar sheekh Cali oo ka mid ah horjoogayaasha dadka barakacayaasha ah ee deegaankaasi ku sugan oo u waramayay Idaacada Qur'aanka kariimka ayaa sheegay in uusan ka sheekeyn karin dhibaatada haatan haysata dadka barakacayaasha ah ee deegaankaasi ku sugan.
"dhibaatada halkaan taal ma aha mid hadal lagu soo koobi karo laakiin waxaa ka sheegi karaa in dhibaato dhanka nolosha oo aad u adag halkaan ay ka jirto"ayuu yiri sheekh Abuukar sheekh cali.
Sheekh ayaa intaasi ku daray in dadka ay yihiin kuwo isku dul baa ba'ay isla markaana aanay haysan waxyaabo noloshooda ku filan.
"Qoysaska ayaa ah kuwo is dul saaran isla markaana dhibaato ku haysato oo ay ka mid yihiin hoy la'aan,cuna yari,dawo la'aan iyo carruurta oo haysata cuduro kala duwan"ayuu mar kale yiri sheekh abuukar.

Ugu dambeyn sheekha ayaa ugu baaqay hay'adaha samafalka in ay dadkaasi gurmad u soo sameeyaan isla markaana ay la soo gaaraan gar'gaar deg deg ah.