Yuusuf indha Cade” Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha waxaa ka dambeeyay Al-shabaab”
 
This article has Published at: 06-02-2010 and has been viewed 31 times
Yuusud Maxamed Siyaad indha cade ayaa Mujaahidiinta Al-shabaab waxaa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Dabkii qasaaraha geestay ee ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda KMG Yuusuf Indha cade oo maanta warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay Xoogaga Mujaahidiinta Al-shabaab ka dambeeyeen Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha.

 

Indha Cade ayaa arintaasi ku macneeyay in ay Al-shabaab ay ganacsatada suuqa Bakaaraha u diideen dhaqaalo ay ka codsadeen sidaa darteedna ay maleegeen dabkaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Hadalkaan ka soo baxay Indha Cade ayaa ilaa iyo iminka wax jawaab ah waxaa aysan ka soo bixin Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku aadan hadalkaasi.

Si kastoo ahaataba hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhawaan Al-shabaab ay sheegeen in ay diwaan gelin ku sameyn doonaan Ganacsatadii ku hanti beehay Dabkii ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved