Maamulka degmada Luuq ee Gobolka Geddo ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo baxay Saraakiil ka tirsan Culuma'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.Sheekh Xasan Al-ciraaqi oo ah Madax amaanka Maamulka degmada Luuq oo waraysi siinayay Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)ayaa sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin hanjabadyo dhawan ka soo baxay saraakiil ka tirsan Ahlu sunna ee ah in weerar ku yihiin Gobolka Geddo.
Madaxa amaanka ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka ka soo baxay Ahlu sunna isaga oo sheegay in aanay waxba soo kordhin doonin hadal hanjabaad ah oo laga sheego warbaahinta.
"waxaan dhihi laha waxba sooma kordhin doonto hadal hanjabaad ah oo warbaahinta laga sheego oo kali ah tanina waxaa ay qeyb ka tahay kuwii horay u jeedin jireen"ayuu yiri sheekh Xasan Al-Ciraaqi.
Saraakiil ka tirsan Culuma'udiinka Ahlu sunna ayaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta ka sheegayay in ay la wareegi doonaan gobolka Geddo oo ay gacanta ku hayan xoogaga dowlada ka horjeeda.