Gudiga Tartanka Qur’aan aqriska ee Idaacada Qur’aanka kariimka ayaa soo saaray ardaydii u soo gudubtay wareega labaad ee barnaamijka Tartanka qur’aan aqriska.Gudiga Tartanka Qur’aan aqriska ayaa waxaa ay soo saareen ardaydii u soo gudubtay wareega labaad ee barnaamijka Tartanka qur’aan aqriska.
Tartankaan Qur’aan aqriska oo dhawaan wareegiisii koobaad lagu soo gabagabeeyay Idaacadda Qur’aanka kariimka ayaa maanta gudiga Tartankaasi waxaa uu soo saaray ardayda u soo gudbeeysa wareega labaad ee Tartanka.
Wajiga labaad ee Tartanka Qur’aan aqriska ayaa waxaa lagu wadaa in maalinimada khamiista ee nagu soo aadan lagu qabto Xarunta Idaacadad Qur’aanka kariimka ee Magaalada Muqdisho.
Ardayda isku diwaan gelisay ka qeyb qaadashada Barnaamijkaan Tartanka Qur’aan aqriska ah ee ay iska kaashanayeen qabsoomidiisa Idaacadda Qur’aanka iyo Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxaa ay gaarayeen 20 Arday kuwaa oo ka kala yimid Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Gobolada dariska la ah.
Wareega koowaad ee Tartanka ayaa waxaa uu u gabagaboobay sidii loogu talagalay, iyadoona ardaydu ay ku tartamayeen xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Axkaamta Tajwiidkiisa.
Ardayda u soo baxday wareega labaad ee Tartanka ayaa waxaa ay gaarayaan 6 arday iyadoona 14 ka tirsan tartamayaashaasi ay u soo gudbi waayeen wajiga labaad ee tartanka sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Tartanka Qur’aan aqriska Sheekh Axmed Tuuryare.
Magacyada Ardayda u soo gudubtay Wareega labaad ee Tartanka Qur’aan aqriska ayaa waxaa magacyadooda kala yihiin.
1. C/naasir Isxaaq Xasan
2. C/raxmaan Xuseyn Xasan
3. Seyd Cali Xasan Sebriye
4. C/xafiidh Xuseyn Xasan
5. Axmed Xasan Faarax
6. C/raxmaan Bashiir Maxamed
Ardaydaan ayaa waxaa lagu wadaa In sedax ka mid ah loogu yeero ka qeyb galka wajiga labaad ee Tartanka kaa oo la qaban doono maalinta khamiista ah ee nagu soo aadan iyadoona magacyda ardaydaasi lagu soo gudbin doono Ogeysiisyada ka baxa Idaacadad Qur’aanka Kariimka.
Ardayda kaalimaha hore ku soo baxa Tartankaan ayaa waxa abaal marin qaali ah siin doonta Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telcom oo qabashada Barnaamijkaan ka gacan siineeysaa Idaacadad Qur’aanka Kariimka.