Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in xalay toogasho ku dileen mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka Gal-mudug.Gudoomiye ku xigeenkii degmada Bur-Saalax Maxamed Qeyr iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa ayaa la sheegay in kooxaha hubeysan xalay fiidkii Toogasho ku dileen.
Kooxaha ayaa ahaa kuwo hubka fudud ku hubeysnaa isla markaana dhowr xabadood la beegsaday mas'uulka iyo ilaaladii la socotay.
Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin falka lagu qaarijiyay mas'uul ka tirsanaa Maamulkooda.
Ciidamo ka tirsan kuwa Gal-mudug ayaa gaaray goobta falku ka dhacay iyaga oo baaritaano ka sameeyay.
Ilaa iyo haatana ma jiraan cid loo soo qabtay dilka mas'uulkaasi.