Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo sheegay in dadaal ugu jiraan xildhibaano ku jiran Dalka Ethiopia.
 
This article has Published at: 24-02-2010 and has been viewed 32 times
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa Maanta shaaca ka qaaday in dadaal xoogan loogu jiro sidii loo sii deyn lahaa xildhibaano ku xiran dalka Ethiopia.

Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo Maanta saxafiyiinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa dowlada dadaal dheer ugu jiraan sidii loo sii deyn lahaa laba xildhibaan oo ku xiran gudaha dalka Ethiopia.

Xildhibaan Maxamed Amiin ayaa xusay in xildhibaanadaasi la sii deyn doono 24-ka saac ee soo socda marka ay maraan Maxkamad sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu ku macneeyay xildhibaanka xariga mas'uuliyiintaasi in ay ku timid iska war qab la'aan ka dhex jirta baarlamaanka gudahiisa.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in mas'uuliyiinta xiran ay xarigooda ku wehliyaan saraakiil ka tirsan dowlada KMG ah.

Xildhibaanadaan ayaa mudo dhowr cisho ah ku jira gacanta dowlada Ethiopia isla markaana la qabtay xili ay ku sii jeedeen gobolka Hiiraan.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved