Golaha Amaanka iyo Nabada Midowga Afrika oo Beesha Caalamka ugu baaqay in taageero Milatari la siiyo dowlada KMG.
 
This article has Published at: 27-02-2010 and has been viewed 32 times
Kulan ay qaateen golaha Amaanka iyo Nabada Midowga Afrika ayaa ku baaqay in la taageero dowlada KMG ah ee uu Hogaamiyo Sheekh shariif.

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Adis ababa 25-bishaan ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay xaaladaha iminka ka taagan dalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay kulankaasi kadib ayaa lagu xusay in xaalada dalka haatan tahay mid ka soo hagaagaysa sidii markii hore aheyd sida warbixinta lagu qoray.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika taageersan yahay heshiiskii dhawaan magaalada Adis ababa ku dhex maray dowlada KMG ah iyo Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Iyaga oo sheegay in heshiiskaasi dhidibada u taagi doono Nabad ka islaaxda dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale bayaanka loogu baaqay Beesha Caalamka in taageero milatari oo deg deg ah siiyaan dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Sheekh shariif.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved