Maamulka xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan oo Baaq u diray Hay'adaha Samafalka.
 
This article has Published at: 28-02-2010 and has been viewed 27 times
Maamulka Ururka xisbul Islaam ee ka arimiya Magaalada Baladweyne ayaa baaq u diray Hay'adaha samafalka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka xisbul Islaam ee dhanka arimaha bulshada oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa ugu baaqay Hay'adaha samafalka in gar gaar gaarsiiyaan dadka ku dhibaataysan qeybo ka mid ah Gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hay'adaha laga doonayo in waxqabad muuqda la yimaadaan maadaama ay sheegaan in ay gar gaar siinayaan dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

Isaga oo ugu baaqay Hay'adaha in hadii aysan si cadaalad ah u qaban karin howshaasi guud ahaan Gobolka Isaga baxaan.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah Gobolada ugu badan oo ay u barakaceen dadka ka soo carayay dagaalada ka socanaya Magaalada Muqdisho iyo kuwii dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud isla markaana la sheegay in xaalado aad u liidata halkaasi ku haysato.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved