Midka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga Gobolka Bay ayaa si xoogan u dhaliilay Ururka xisbul Islaam.Kulan Maanta magaalada Muqdisho ku wada qaateen odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda Beesha Eyle oo ka mid ah beelaha daga Gobolka Bay ayaa waxaa ay eedeyn kulul ugu jeediyeen Ururka xisbul Islaam.
Beesha Eyle ayaa ku eedeysay in Ururka xisbul islaam ciidamo ka tirsan dhibaatooyin xoogan ku hayaan deegaanada ay beeshaasi dagto gaar ahaan degmada Buur-hakaba.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in meel ay biyo ka dhaansan jireen dadka ku dhaqan degmadaasi la wareegeen ciidamada Ururka xisbul islaam isla markaana ka qaadaan dadka lacago baad ah sida ay hadalka u dhigeen.
Waxaa ay sheegeen in dadka ka qaadaan lacago gaaraya 20-kun oo shilin Soomaali ah qofkii markaasi doonaya in uu biyo dhaansado.
Iyaga oo cadeeyay in haatan wixii ka dambeeya ku biireen Xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab.
Ma jiraan war dhanka xisbiga ka soo baxay oo ay kaga jawaabayaan eedeynta ka soo yeertay mid ka mid ah beelaha daga Gobolka Bay.