Waa sidee xaalada dhabta ah oo ay ku noolyihiin Qoysaska ka barakacay dagaalada Muqdisho(Daawo Sawiro).
 
This article has Published at: 01-03-2010 and has been viewed 81 times
Xaalada dadka ka barakacay dagaalada wali ka socanaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee ku sugan daafaha magaalada ayaa ah mid aad u liita.

Tan iyo markii ay dagaalada ka soo cusboonaadeen Magaalada Muqdisho waxaa sii kordhayay dadka ka barakacay dagaaladaasi ee gaarayay dafaaha magaalada Muqdisho.

Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)oo booqatay goobo ay u barakaceen Qoysaska ka cararay dagaalada Muqdisho ee ku sugan deegaanada Gubadleey iyo Gal-galato ayaan ka soo qaadnay sawiro muujinaya xaalada dadkaasi ku nool yihiin.

Dadka barakacay marka aad u kuurgasho xaaladooda runtii waxaa kuu soo baxaya in dhibaatooyin kala duwan ku nool yihiin.

Taasi oo ugu horeyso in halkaasi ay ku haysato Hoy la'aan iyo waliba in aysan haysan waxyaabihii noloshooda ku maareyn lahaayeen.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo aanu la sheekeysanay ayaa inoo sheegay in tan iyo markii halkaan barakaca u yimideen aysan helin wax gar gaar ah oo ay soo gaariiyeen Hay'adaha samafalka.

Waxaa ayna ugu baaqeen Jaaliyadaha dibada iyo ganacsatada in ay gar gaar la soo gaareen isla markaana aysan ku fiirsan dhibaatada haatan ku jiraan.


Waa Muuqaalka Guryaha ay ku Nool yihiin dadka barakacay.

Waa Hooyo ka Mid ah Hooyooyinka u barakacay deegaanka Gubadleey.

Midka mid ah Guryahada ay ku nool yihiin Barakacayaasha oo dhistii ka soo hartay.

Guryaha ay ku nool yihiin dadka Barakacayaasha ku sugan Gal-Galato.

Qaar ka mid ah Carruurta ku sugan Gubadleey iyo Gal-galato.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved