Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada dowlada iyo Xoogaga ka horjeeda oo ka dhacay Isgoyska Xararyaale.
 
This article has Published at: 02-03-2010 and has been viewed 33 times
Iska hor imaad kooban oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah iyo Xoogaga ka horjeeda ayaa xalay ka dhacay Qeybo ka mid ah degmada Wardhiigleey.

Iska hor imaadkaan ayaa xalay fiidkii ka dhacay Isgoyska Xararyaale degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in labada dhinac isku adeegsadeen hub aad u xoogan oo qal qal ku abuuray dadka rayidka ah ee wali baaqiga ku ah xaafado ka mid ah degmada Wardhiigleey.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa ku waramay in iska hor imaadkaasi ay gaysteen khasaarooyin Isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo Rayid ah ayaa ku geeriyootay iska hor imaadka halka 5-kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaalada deegaanada iska hor imaadku ka dhacay ayaa saaka ah mid iska dagan.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved