Odayaasha dhaqanka Gobolka shabeelaha dhexe ayaa soo dhaweeyay heshiis buuxa oo la kala dhex dhigay beelo wada daga degmada Balcad.Odayaasha ayaa go,aanka lagu heshiisiiyay labadaasi beelood ku tilmaamay mid soo dhaweyn mudan.
Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Gobolka shabeelaha dhexe Nabadood Cali sheekh Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in odyaashooda si diiran u soo dhaweynayaan heshiiskaasi.
Nabadoon Cali Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in arintaasi uga mahadcelinayaan Alla ka sokoow Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo saraakiil ka socday isku howlan in heshiis kala dhex dhigaan labadaasi beelood.
"Waa Mahadsan tahay si weyn ayaan u soo dhaweynaynaa heshiiskaasi inaga oo alla ka sokoow uga mahadcelineyso xarakada Al-shabaab kaalinta ay heshiiskaasi ka qaateen"ayuu yiri Cali Sheekh Yuusuf.
Saraakiil ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa dhawaan ku guuleysay in heshiis buuxa kala dhex dhigaan laba beelood oo in mudo ah dagaal ka dhex oognaa oo ku wada dhaqan degmada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe.