Gudoomiyaha Ururka xisbul Islaam Sheekh Xasan daahir Aweys ayaa dhaliilay qaabkii Sheekh Xasan turki ugu biiray Xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab.Sheekh Xasan daahir oo Maanta qudbad dheer ka jeedinayay Masjidka Abuu Hureyra ayaa dhaliilay qaabkii saaxiibkiis ugu cidleeyay xisbiga isla markaana ka door biday in uu ku biiro Xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab.
Sheekha ayaa sheegay in Xasan Turki uu ahaa Mas'uulkii ay ka soo Maaxatay maskaxdiisa in Ururka xisbul islaam lagu dhawaaqo.
Laakiin waxaa uu tilmaamay in wax lala yaabo ay tahay isaga oo aan saaxiibadiis dib ugu soo laaban door biday in uu ku biiro Xarakada Al-shabaab.
Dhinaca kale sheekh Xasan daahir ayaa mar kale ku celiyay in sheekh Axmed Madoobe ka mid yahay Ururka xisbul islaam.