Madaxweynaha dowlada KMG ah Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta ka amba baxay Garoonka Muqdisho.Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay ku wajahan yihiin dalka kenya iyaga oo uga sii gudbi doona dalka Ingiriiska.
Wafdiga Madaxweyne sheekh shariif ayaa casuumad ka helay sida la shaaciyay dowlada dalka Ingiriiska.
Iyaga oo halkaasi kulamo kala duwan kula qaadan doona madaxda ugu sareyda dalkaasi.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha mudada kooban oo uu ku sugan yahay dalka Ingiriiska kulamo la qaadan doono jaaliyada soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.