Ciidamo ka tirsan Ururka xisbul Islaam ayaa la sheegay in ay wadaan Howlgalo lagu sugayo amaanka.Howlgalada ayaa la sheegay in ciidamada ka wadaan wadooyin ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Sarkaal ka tirsan maamulka xisbul islaam ee ka arimiya baladweyne ayaa Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)u xaqiijiyay in howlgalkaasi ku baacsanayaan kooxaha burcada ah.
Waxaa uu sarkaalka intaasi ku daray in gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha mar walba caado ka dhigtay in ay dhibaateeyaan dadka safarka ah.
Howlgalada ayaa imaanaya xili dadka ku safra qeybo ka mid ah gobolkaasi Hiiraan cabasho ka muujiyeen dhac iyo dil inta badan u gaystaan kooxo burcad ah oo ku sugan wadooyinkaasi.